Wararka : Wargeyska OGAAL
Hargeysa Isniin, 29 June 2009 SMC
Wefti ka socda Deeqbixiyeyaasha oo maanta Hargeysa imanaya iyo ujeedada socdaalkooda
Shuruudihii Kaalmeeyayaasha Doorashooyinka Somaliland oo weli taagan
Hargeysa (Ogaal)- Wefti ka socda Deeqbixiyeyaasha Somaliland ka kaalmeeya doorashooyinka iyo geedi-socodka Dimoqraadiyadda, ayaa maanta dalka imanaya.
Siday Wargeyska Ogaal u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay, weftigan oo barqonimada ka soo degaya garoonka Diyaaraddaha ee magaalada Hargeysa, waxay ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhaa hawlaha doorashada Madaxtooyada iyo sii ambo-qaadka sidii loo dhamaystiri lahaa, loona fulin lahaa shuruudihii Deeqbixiyeyaashu soo jeediyeen. Warku wuxuu intaa ku daray, in weftigan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub u qaabilsan hagida barnaamijka Dimoqraadiyaynta Soomaalida Mr. Richard Hands, kana soo kicitimaya magaalada Nairobi ay isla duhurnimada maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeelan doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Sida warku sheegay, inta weftigani dalka ku sugan yahay waxa kale oo uu kulamo la yeelan doonaa Axsaabta siyaasadda dalka iyo Xukuumadda. Socdaalka weftigan Deeqbixiyeyaashu waxa uu ku soo beegmay iyadoo aan weli la dhamaystirin aqbalaada iyo fulinta Shuruudihii kaalmeeyayaasha Doorashooyinku soo jeediyeen. Isla markaana waxa la sheegay in socdaalka weftigan Richard Hands ay ku xidhnaan doonto doorka Deeqbixiyeyaasha Caalamiga ahi ka qaadan doonaan doorashada Madaxtooyada oo loo mudeeyay 27 September 2009. Qodobada shuruudaha Deeqbixiyeyaashu hore u soo jeediyeen ee aan weli fulin waxa ka mid ah; samaynta guddi madaxbanaan oo ka garnaqa haddii la isku qabto natiijada doorashada, ka wadahadalka Komishanka Doorashooyinka iyo heshiis Axsaabtu wada saxeexaan oo ay ka gaadhaan muranka dhexyaala.
Garnaqsi Madaxweyne-xigeenka & Muwaadinka ictiraaf-raadinta ku dhex-maray madal Il-yartu isqabatay
“Madaxweyne, haddaan Shahaadadan qaato, waxay noqonaysaa in Dawladdu ii qabatay wax kasta oo aan u baahnaa” Maxamed Muuse (Makhtal)
“Haddii adiga shahaado laguu gartay, waxa na sugaya kuwa dhulka hoostiisa ku jira iyo Carruurihii ay dhaleen, waxaana laga yaabaa kii soo halgamay in aanu shaqo haynin. Laakiin..” Madaxweyne-xigeenka
Hargeysa (Ogaal)- Maxamed Muuse Yuusuf (Makhtal) oo ah muwaadin qaddiyadda Somaliland gaadhi ugu soo maray 18 Dal oo Dunida ah, ayaa shaaca ka qaaday meel-ka-dhacyo uu sheegay in uu kala kulmay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland iyo Maayarka Hargeysa. Inkasta oo uu markii dambe guddoomay, haddana wuxuu markii hore Shahaado uu guddoonsiinayay Madaxweyne-xigeenku ayaa wuxuu shuruud uga dhigay in wax laga qabto arrimahaa. Waxaana Madaxweyne-xigeenku ballan qaaday in wax laga qabanayo arrimihiisa, isla markaana wuxuu dardaaran u jeediyay Muwaadin Maxamed Muuse.
Bilowgii Shahaado-guddoonsiinta:
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ayaa mar uu shalay dhammeeyay Shir-jaraa’id oo uu kaga hadlayay abaaro ba’an oo dalka soo wajahay, waxa uu Warbaahintii goobta ku sugnayd ku wargeliyay in uu Shahaado-sharaf guddoonsiin doono Maxamed Muuse Yuusuf (Maqtal), maadaama buu yidhi, “Maxamed Muuse Yuusuf (Makhtal) uu ka soo gudbay wadamo badan, soona kifaaxay. Tani waa shahaado sharaf aanu gudoon siin doono oo Madaxweynuhu uu soo gudbiyay, oo aanu ugu tallo galnay si qof waliba qadiyada Somaliland sidiisa oo kale qeybtiisa ka qaato. Waxaanan u bixiyay Anigu Ictiraaf-Raadiye.” Waxaanu Madaxweyne-xigeenku ku soo dhaweeyay Mikrifoonka Maxamed Muuse.
Dalabkii Madaxweyne-xigeenka & Dooddii Makhtal
“Maanta madaxweyne waxaynu ka ducaysanaynaa aafaad ku yimi dalka ama Hargeysa ha noqoto ama dalka intiisa kale’e, markaa horta Ilaahay waxaynu ka baryaynaa in uu Raxmaadka Ilaahay inoo shubo. Tan Aafada Hargeysa ee Biyo-la’aanta iyo wixii ku lug lehna in ilaahay sakhiro. Run ahaantii, maan jeclayn in aafaadka lay geliyo oo mawduucaygu galo Aafaad, waanu galay. Sidaa darteed, mar haddii uu aafaadka galay mawduucaygii, aniguna aafaadkii baan ka hadlayaa.” Sidaa waxa hadalkiisa ku bilaabay Maxamed Muuse (Makhtal) oo intaa ka dib, Madaxweyne-xigeenka iyo Warbaahintii halkaa ku sugnaydba u qaddimay tabashooyin uu qabay, “Madaxweyne-ku-xigeen, maanta (shalay) waxa halkan fadhiya rag Wasiiro ah oo 20 maalmood horteed ballan-qaad ii sameeyay si aan ula kulmo Madaxweynaha ama Madaxweyne-xigeenkaba oo haddana igaga baxay oo ay dhici wayday. Madaxweyne-xigeen waxa halkan jooga TV-ga Qaranka oo Cajalado uu iga duubay aan sii daynin oo haysta, waxaana masuul ka ah Siciid Caddaani (Afhayeenka Madaxtooyada), Maxamed Muuse (Agaasimaha TV-ga Qaranka)..Wasiirka Baayac-mushtarka.” Ayuu yidhi Maxamed Muuse.
Maxamed-Makhtal waxa uu shuruud ku xidhay Shahaadada uu Madaxweyne-xigeenku guddoonsiinayo oo uu halkaa ka sheegay in aanu guddoomayn haddii ay tahay samirsiin kaliya, Madaxweyne-xigeen, waxa kale oo jirta in Hutel-kii uu I dejiyay Maayarka Hargeysa ee Ambassador uu Lacagtii ii haysto. Markaa waxa weeye Madaxweyne-xigeen, haddii Shahaadadani ay tahay mid dabasho ah, oo Kalluunka ayaa Witirka Afka loo geliyaa si loogu soo dabo. Waxa weeye, aafaadkii baan ka mid noqday, haddii aafaadkayga dawladdu wax ka qabanayn, Shahaadada maanta halkaa layga gudbiyaa, waxay noqonaysaa in Umaddii Somaliland aan tusay in dawladdu wax alla waxaan u baahnaa ay ii qabatay oo ay ka soo baxday.” Ayuu yidhi Maxamed Muuse. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan Caruurtaydii oo ka ugu yari 6-sanno jir yahay aan uga soo maqnaa waa Qadiyadda dalkayga.” Intaa ka dib, Madaxweyne-xigeenka Somaliland ayaa Maxamed Muuse ka dalbaday in uu horta guddoomo Shahaadada, markaa ka dib wax laga qaban doono tabashooyinkiisa. ““Horta TV-gii wuu joogaa oo waa la sii daynayaa arrimahaaga, ta kale mar haddii maanta aanu arrintan faraha soo gelinay, waxaanu ku guddoonsiinaynaa Shahaadadii, wixii dambena waynu isu hadhaynaa oo wax baynu ka qabanaynaa.” Ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenku. Taas oo uu aqbalay Maxamed Muuse. Madaxweyne-xigeenka ayaa guddoonsiintii Shahaadada hadal ka jeediyay, ayaa wuxuu yidhi, “Isagoo intaasi oo dhan u soo dagaalamayay qadiyada Somaliland, wixii uu tirsanayana waxa uu ka tirsanayaa wadankiisa. Midna ogow (Makhtalow) Wadankan Rag baa u soo dhintay, rag baa u naafoobay, kumanaan baa u qaxay iyo malaayiin qof oo lagu waayay. Haddii adiga shahaado laguu gartay, waxa na sugaya kuwa dhulka hoostiisa ku jira iyo carruurihii ay dhaleen. Waxa laga yaabaa kii u soo halgamayay inaanu shaqo haynin laakiin waxa uu ku faraxsan yahay wadankiisa haddii uu qof khalad galo dadka oo dhammi may wada samayn. Qadiyadana ma aha mid yar, waa qadiyad 200 oo sanadood wixii soo jiray ay baaba’een. Adiguna haddii aad intaas soo samaysay intaas ku qanac."
Dhinaca kale, Wasiiradii kulankaasi joogay ayaan midna ka hadal iyadoo ay goobta joogeen Wasiiro aan la magacaabin oo uu Maxamed Muuse Yuusuf Makhtal sheegay inay balamo kaga baxeen. Kuwaasi ninkan iyo Madaxweyne ku Xigeenka isku dhegaysanayay.
Mudaharaad culus oo xalay gilgilay Tog-wajaale
Wajaale (Ogaal)- Mudaharaad saacado badan socday, ayaa galay gilgilay magaalada Wajaale ee xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.
Siday Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen masuuliyiin iyo dadweyne ku sugan Tog-wajaale, Mudaharaadkani waxa uu ka dhashay ka dib markii Taliyaha Booliska ee Saldhiga Wajaale amar ku bixiyay in dib loogu celiyo dhinaca Itoobiya gaadhi Jaad siday oo ciidamada Federaalka Itoobiya subaxnimadii ka qabteen tuulada Garbo-haadlay oo ilaa saddex Km u jirta magaalada Wajaale, kuna taala xuduudka labada dal. Warku wuxuu intaa ku daray, in gaadhigaas ciidanka Itoobiyaanku ka qabteen markii uu in hal Km ka yar gudaha u soo galay Somaliland, kaasoo sida la sheegay ay ku eedeeyeen inuu siday Jaad kootarabaan ah. Sida warku sheegay, ciidanka Itoobiya markii ay qabteen waxay gaadhigaas ku celiyeen dhinaca Jibriga, halkaasoo uu galabnimadii si kedis ah uga soo baxsaday gaadhigaas oo laga leeyahay Somaliland. Gaadhigaas oo abaaro 5:30-kii galabnimo soo galay Tog-wajaale, ayaa Taliyaha Saldhiga Booliska Wajaale Axmed Cabdi Daahir amar ku bixiyay in loo talaabiyo dhinaca Itoobiya, loona dhiibo ciidanka uu ka soo fakaday, ka dib markii masuuliyiin Itoobiyaan ahi sidaa ka dalbadeen. Hase yeeshee, dadweynaha reer Wajaale ayaa ka gadooday in amarkaas, kuwaasoo ku doodday in aan gaadhigaas dib loogu celin dhinaca Itoobiya, maadaama laga leeyahay Somaliland, iyadoo sida la sheegay gaadhigaas ay ku xidhnaayeen Taarikada labada dalba. Dadweynahaas gadoodsanaa waxay Dhagax-tuur ku bilaabeen ciidanka Booliska oo isku dayay fulinta amarka Taliyahooda iyo sidii gaadhigaas loogu celin lahaa Itoobiya, iyadoo lagaa lagu gudojiray sidii Kastamka magaaladaas looga Cashuuri lahaa Jaadkaas. Ciidanka Booliska ayaa Rasaas ku furay si ay dadweynahaa Mudaharaadayay u kala dareeriyaan. Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay Rasaasta Boolisku furay iyo Dhagxaanta dadweynahaa gadoodsanaa la dhaceen Saldhiga Booliska, waxayna dadweynuhu ku guulaysteen in aan gaadhigaas lagu celin Itoobiya, waxaana isla xalay gaadhigaas la geeyay Kastamka Kal-baydh. Dadweynahan oo ilaa 11:00 habeenimo banaanbaxayay, kuna dhawaaqayay erayo ay ku diidan yihiin Taliyaha Booliska Saldhigaas, waxay kala dareeriyeen ka dib markii ay halkaas gaadheen masuuliyiin ka tirsan ciidanka Booliska oo uu horkacayo Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Gabiley Maxamed Faarax, kuwaasoo dadweynaha u balanqaaday in aan gaadhigaas dib loogu celinaynin dhinaca Itoobiya.
Somaliland oo caalamka ka dalbatay gargaar bani’aadaminimo
“Haddii xaalad abaareed dhacdo waa waxyaabaha doorashada dib u dhigi kara, laakiin…”
Madaxweyne-xigeenka Somaliland
“Fulinta shuruucdu cidda u wayn ee ay ka socon wayday waa dadka Masuuliyiinta ah”
Hargeysa (Ogaal)- “Waddankeena waxa soo wajahay abaaro, kuwaas oo Gu’gii iyo Deyrtiiba ay yaraadeen sanadihii 2007, 2008 iyo 2009. Taas oo keentay Biyo iyo Baad la’aan, nafaqo darro dalka oo dhan soo wajahday. Dadweynaha Somaliland waxa lagu qiyaasaa ilaa 3 Milyan iyo badh, ilaa Hal milyan iyo afar boqol oo Kun inay u baahan yihiin quudin iyo wax-siin. Arrintaasina wuu saameeyay Gobollada dhammaantii, waxaana abaartan loo bixiyay SIMA. Markaa waxaanu halkan ka samaynaynaa laba baaq. Baaqa u horreeyaa waa ka aanu Ilaahay u baaqayno ama aanu baryayno oo ah ta ugu muhiimsan.” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ahna guddoomiyaha Guddida abaaraha ee Qaranka oo shalay baaqyo ku aaddan abaaro dalka soo food-saaray u jeediyay Caalamka iyo Bulshada Somaliland-ba, isla markaana ku dhawaaqay qodobo ay guddi ahaan go’aamiyeen.
Guddida abaaraha Qaran oo shalay si wada-jir ah Shir-jaraa’id ugu qabtay Xarunta Hay’adda la-dagaallanka Abaaraha iyo aafooyinka dabiiciga ah ee NERAD, ayaa sheegay in shirar muddooyinkii u dambeeyay u socday ay ka soo saareen qodobo kala duwan. “Beri (maanta) oo ah 29-ka bishan June ilaa 7 bisha July, maadaama aan Guddoomiye u ahay Guddidii abaaraha ee qaran oo muddooyinkii dambe soo shiryay, Hay’adihiina la soo shireen, waxaanu go’aaminay in la bilaabo Ducadii Masaajidada laga akhrinayay iyo dembi-dhaaf dalbashadii qof waliba gaarkiisa Ilaahay u baryayay. Mushkiladi ma timaaddo ee waa wax qofku galo, waxaanay waxaasi kaga kici karaan in uu Ilaahay u toobad keeno. Ilaa sanadkii 1991-kii siday sheegayaan Raggii qorayay taariikhdaasi, may dhicin in Hargeysa ay Roob beesho April ilaa July. Haddii uu intaa Roob da’o sida aynu Ilaahay ka rejaynayno oo baryo Bani’aadam inagu simi maayo, waxaanu doonaynaa in saddex cisho la soomo dalka oo dhan. Saddexdaa cisho ee soonka ah ka dib ayaa la galayaa Salaaddii roob-doonta ahayd ee Caruur iyo Cirroole la tukan jiray, gaar ahaan kuwa aan dembiga gelin, malaha inaga dembigeenaa bataye. Markaas ayaa laysugu imanayaa barxadaha bannaanka ah ee Gobollada iyo Magaalooyinka.” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin. Waxaanu Md. Yaasiin baaq u jeediyay beesha Caalamka, taas oo uu ugu baaqay in si degdeg ah loola soo gaadho dalka gargaar. Baaq qoraal ah oo uu halkaa laga soo saaray, isla markaana uu ku saxeexnaa Madaxweyne-xigeenku, ayaa lagu sheegay in 40% dadka reer Somaliland ay quudin u baahan yihiin. “Waxaanu adduunka ugu baaqaynaa in maadaama ay saddexdaas sanadood roobku yaraaday oo baadkii iyo Xoolihiiba ay sii yaraanayaan, dadka oo aanu ku qiyaasnay 40% ay u baahan yihiin quudin in ay la soo gaadhaan wixii gargaar ahaa ee loo baahnaa, weliba aan maanta la sii sugin.” Ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenka oo ka hadlayay nuxurka qoraalkaas.
Intaa ka dib, Madaxweyne-xigeenka waxa la waydiiyay su’aalo, kuwaas oo jawaabihii uu ka bixiyay iyo su’aalahaasiba ay u dhaceen sidan;
S: Xaaladdan Abaaraha Somalilland waa mid soo noq-noqota, marka laga yimaaddo baaqa aad jeedisaan markay abaari timaaddo, maxay u dhici wayday in lagu sii talo-galo?
J: Biyaheenu Badda ayay galaan ee waxaan filayaa ta kaliya ee lagaga bixi karaa waxa weeye, in la qabto Biyahaa Badda galaya. Taas oo ah ku-talo-gal in la bilaabo Doox ama laba Doox.
S: Abaarahan dalka oo dhan gaadhay ee SIMA loo bixiyay, saamayn intee le’eg ayay ku yeelan kartaa baad filaysaa Doorashada soo socota?
J: Ilaahay inagu sii wadimaayo xaaladaha Abaaraha ayaan filayaa, dastuurku wuxuu odhanayaa haddii xaalad abaareed dhacdo waa waxyaabaha doorashada dib u dhigi kara, laakiin taa Ilaahay ka rejayn maayo ee waxaan rejaynayaa in aanu intaa inagu dhaafin.
S: Madaxweyne-xigeen, waxa jiray Guddi loo sameeyay taakulaynta Gobollada Sool iyo Sanaag-bari oo qaada 2% Cashuuraha ah, kuwaas oo ay cabasho ka soo jeediyeen Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Deegaamadaasi oo ay sheegeen in aan la gaadhsiin dhaqaalahaas halkii loogu talo-galay. Arrintaa maxaa ka hirgelay?
J: Horta Dhaqaalaha 2% maaha mid aanu halkan ku ururino ee waa mid marta nidaamkii dawladnimo oo soo marta Xisaabiyaha ilaa Hanti-dhawraha guud. Arrintaa waxaad u tegaysaa Hanti-dhawraha guud oo isagaa kuu haya Xisaabteeda.
Cuqaal reer Gabiley oo quus ka muujiyay in Xukuumaddu fuliso go’aankii Ergada Guurtida
Hargeysa (Ogaal)- 25 xubnood oo ka mid ah Cuqaasha iyo odayaasha beesha deegaamada Gabiley, ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aanay Xukuumadda Somaliland ka sugi doonin fulinta xukunkii Ergada Golaha Guurtidu ka soo saartay shaqaaqadii iyo dhul-beereedka Ceel-berdaale.
Siday xalay faafisay Idaacadda Horyaal, Caaqil Axmed Cabdillaahi Xariir (Weerar) oo sheegtay inuu yahay afhayeenka Cuqaasha iyo odayaashaas oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Gabiley, ayaa sheegay in aanay beeshiisu masuul ka noqon doonin wixii dhibaato ah ee ka yimaada fulin la’aanta go’aamada Ergada Guurtidu dhowaan soo saartay. Waxa uu sheegay in wixii fulin-la’aanta xukunkaa Guurtida ka yimaada ay masuul ka noqon doonto Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. Ergo Golaha Guurtidu u xilsaaray shaqaaqadii iyo qaddiyada muran-dhuleedka Ceel-berdaale ayaa dhowaan xukun ka gaadhay arrintaas. Hase yeeshee, waxa xukunkaa qaadacay beesha degmada Dilla oo ku tilmaantay mid aan si dhexdhexaad ah loo qaadin, isla markaana ma jirto talaabooyin muuqda oo intii muddadaa ka dambaysay loo qaaday sidii loo xalin lahaa arrintaas.
Baaq: Taageero Suldaan cusub oo la caleemo-saaray
Hargeysa (Ogaal)- “Anigoo ah Suldaanka guud ee Beesha Cadaadley, Suldaan Maxamuud Cabdillaahi X. Aadan Cilmi Qabile, waxaanu halkan ka hambalyaynaynaa Suldaanka cusub ee lagu Caleemo-saaray Deegaanka Darroor oo ka tirsan Kililka shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan Dooxada Ilma Dhoolla-yare ee Darroor Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib. Waxaanu Suldaanka cusub leenahay, Suldaan Mood iyo Nool. Waanu kugu hambalyaynaynaa xilkaa cusub ee laguu caleemo-saaray, waxaananu Ilaahay kaaga baryaynaa inuu kuu fududeeyo xilkaa cusub ee guudka lagaa saaray, isla markaana aad noqoto kii lagu intifaaco.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Maxamuud Cabdilaahi oo ka mid ahaa madax-dhaqameed baaq taageero ah u diray Suldaan cusub oo Darroor lagu caleemo-saaray.
Sidoo kale waxa baaqan hambalyo iyo taageero diray waxa ka mid ahaa, Chief Caaqil Cabdi Yuusuf Aw-Magan. “Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib, waxaanu leenahay hambalyo oo Ilaahay ha kaa dhigo kii lagu intifaaco.” Ayuu yidhi Chief Caaqil Cabdi. Caaqil Maxamed Xawaadle Xandulle oo isna hambalyadan dadka dirayay ka mid ahaa, ayaa yidhi, “Suldaan Maxamuud Cabdilaahi X. Aadan wax kale ugama baaqsan ee isag laf ahaantiisa Suldaannimadiisa oo cusbayd ayaa keentay tan, hase ahaatee, waxaanu suldaanka cusub leenahay Suldaan Mood iyo Nool oo ILaahay ha kuu fududeeyo Xilkaad qaadday.” Sidoo kale Cabdilaahi Axmed Diiriye oo isna dadka baaqa taageero diraya ka mid ahaa, ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa,“Haddaanu nahay Chief Caaqil-lada, Cuqaasha iyo Odayaasha kaleba waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib..waxaanu leenahay hambalyo iyo duco naga guddoon. Ilaahayna cimri-dheer iyo Caafimaad ayaanu kaaga rejaynaynaa iyo in xilka uu kuu fududeeyo.”
Magacyada dadka kale ee hambalyada diraya:
Chief Caaqil Saahid X. Aadan Cilmi
Cabdi Saqadhi Xujaale
Maxamuud Maxamed Xirsi
Maxamed Xuseen Faarax
Maxamuud Qoofal Cabdi
Cabdi Muuse Dubbad
Cabdi Mataan Xirsi
Fayr Ibraahim Maxamed
Cumar Nuur Xuseen
Jaamac Siciid Cilmi
Sharma’arke Muuse Dirir
Cali Xasan Xirsi
Cumar Muxumed Ileeye
Cabdi Xasan Muxumed
Muuse Cilmi Aadan.
“Doorkii hore 80 cod oo been-been ahaa ayaanu ku tanaasulay, doorkana…”
Guddoomiyaha Kulmiye
London (Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo khudbad dheer u jeedinayay boqolaal qof oo ka mid ah Jaaliyadda reer Somaliland ee gobolka Midland magaalada Birmingham, ayaa ku ballanqaaday in haddii doorashada soo socota oo si cadaalad ah u dhacda laga helo uu ka tanaasuli doono, sidaana waxa lagu faafiyay shabakadda wararka Hadhwanaagnews.com.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo dadweynaha uu la hadlayay uga waramayay maalintii qaraxyadu ka dhaceen Hargeysa iyo jawaabtii ay ka bixiyeen isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Inj. Faysal Cali Waraabe, waxa hadalkiisa ka mid ahaa, "Waad ogaydeenoo, waatii qaraxyo ka dhaceen Hargeysa, isla daqiiqadii qaraxu dhacay aniga iyo Faysal Cali Waraabe waxaanu go'aansanay inaanu madaxtooyada iska xaadirino. Isla markiiba waxaanu tagnay madaxtooyada, anagoo doonaynay inaanu gacmaha is-qabsano oo aanu arkaynay in Somaliland lagu soo duulay oo aanu Madaxweynaha ag-istaagno, balse maxaa dhacay, inaanay cidiba yaa tahiin na odhanin." Md. Siillaanyo oo intaa raaciyay waxa uu ka yeeli doono hadii lagaga guulaysto doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo 27 September ee sanadkan, waxa uu yidhi, "Waxa la yidhaahdaa oo meelahaasi laga sheegaa haddii ay dhinaca kale u dhacdo Siillaanyo dagaal ayuu ridayaa. Qof kasta oo siyaasi ah oo caqli leh oo Ilaahay caqli siiyay wuu garanayaa macnaha ka dambeeya taas. Aniga oo doorkii hore 80 cod oo been-been ahaa la igaga helay, ayaa intaan istaagay aan ka tanaasulay. Waayo, waxaan aaminsanaa inaanu dalka uga lexojeclo badanahay kuwii doonayay inay dagaal ka ridaan oo doonayay in waxaanu u halganay la kala daadiyo. Waxaan halkan ka sheegayaa…..Wallaahi oo Billaahi oo Tallaahi haddii doorashadaas lanaga helo, anigu waan is-dhiibayaa." Intaa ka dibna waxa sacab iyo mashaxarad isku daray dadkii dhegeysanayay sida lagu faafiyay shabakadda Hadhwanaagnews.com. Mr Siilaanyo waxa la sheegay inuu ku eedeeyay xukuumadda Madaxweyne Rayaale inay inbadan isku dayday inay Xisbiga Kulmiye ka dhigto cadawga Somaliland. "Anagoo arkayna inaanu cod ku helayno oo kalsooni ku qabna shacabkayaga oo kalsooni ku qabna dadkayaga, waa maxay sababta dagaalka keenaysaa? Xukuumada jirtaa waxay isku dayday inay cadaw ummadda uga dhigto Kulmiye. Waxay yidhaahdeen, ‘Kulmiye gawaadhi ayuu kurka ka gooyay, markii tii been noqotay ee ay ka socon wayday, ayaa haddana daasado inta habeenkii waxyaabo yar-yar oo qarxa laga buuxiyo oo la qarxiyo ayaa la yidhi Kulmiye ayaa ka danbeeya,’ waa wax laga yax-yaxo oo laga xishoodo. Anagaa cid walba uga lexo-jeclo badan dalkan, haddii belaayo lala doonayo kuwii isaga dhigayay ayaanu nahay," ayuu yidhi Mr Siillaanyo.
Somaliweyn Media Center (SMC)
| Arabic News
الافراج عن طبيبين من منظمة اطباء بلا حدود خطفا في الصومال
(Read
more) 28-Apr-
2009
مصر تلقت طلبات لتبني عملية المصالحة الصومالية
(Read
more) 27-Apr-
2009
البرلمان الصومالي يشهد مشادات خلال اجتماعه لتقرير الميزانية الجديدة
(Read
more) 25-Apr-
2009
مقتل ٨ من بينهم طلبة وجرح أكثر من ١٠ أشخاص إثر قصف تعرض له البرلمان الصومالي
(Read
more) 25-Apr-
2009
العاصمة الصومالية تشهد إشتباكات عنيفة بين القوات البروندية و عناصر من المعارضة
(Read
more) 25-Apr-
2009
Somalia: 9 people were killed in volleys of mortars in Mogadishu (Read
more) 25-Apr-
2009
Expanding Humanitarian Aid where it is most needed
Support from Somali communities (Read
more) 25-Apr-
2009
موافقة البرلمان الصومالي علي تطبيق الشريعة الإسلامية
( Read
more) 18-Apr-
2009
شاب صومالي يعاني من إصابة برصاصة في جسده تعيق حياته ولا يجد من يعينه
(Read
more) 18-Apr-
2009
الحزب الإسلامي يدين مقتل المسئولين الصوماليين ويدعوا لوقف عمليات الإغتيالية
(Read
more) 18-Apr-
2009
الحكومة الصومالية تكشف عن دخول 90 مسلحا إلي العاصمة مقديشو لتنفيد عمليات إغتيالية ضد أعضاء حكوميين
(Read
more) 18-Apr-
2009
الصومال علي شفي حرب أهلية جديدة بين الفصائل الإسلامية
(Read
more) 18-Apr-
2009
الحكومة الصومالية تعلن أنها لن تتحمل إغتيالات وإستهدافات أعضائها من قبل عناصر المعارضة
(Read
more) 16-Apr-
2009
مقتل مسؤل كبير في المحاكم الإسلامية بمقديشو
(Read
more) 16-Apr-
2009
مقتل مدني وإصابة ثلاثة آخرين في إشتباك بين عناصر من القوات الحكومية في مدينة مقديشو في حين يخطوا الحزب الإسلامي
(Read
more) 15-Apr-
2009
إغتيال نائب في البرلمان الصومالي علي يد مسلحين في شمال العاصمة الصومالية
(Read
more) 15-Apr-
2009
تنظيم مؤتمر دولي حول الصومال
(Read
more) 15-Apr-
2009
البحرية الفرنسية تعتقل 11 مشتبها بالقرصنة قبالة سواحل كينيا
(Read
more) 15-Apr-
2009
قراصنة صوماليون يستولون على سفينتي شحن ويفشلون في خطف اخرى
(Read
more) 14-Apr-
2009
قرصان صومالي يرفع شكوى ضد الحكومة الألمانية
(Read
more) 14-Apr-
2009
الرئيس الصومالي يلتقي بوفد الكونغرس الأمريكي في العاصمة الصومالية مقديشو وحركة الشباب تودع الوفد الأمريكي بالقصف المدفعي
(Read
more) 14-Apr-
2009
الشارع الصومالي يستنكر تجدد الإشتباكات في العاصمة الصومالية
(Read
more) 14-Apr-
2009
مقتل أثنين وإصابة أكثر من 20 مدنيا في العاصمة الصومالية علي إثر تبادل للقصف العنيف بين حركة الشباب وقوات حفظ السلام الإفريقية
(Read
more) 14-Apr-
2009
البحرية الأميركية تحرر القبطان فيليبس والقراصنة يتوعدون
(Read
more) 13-Apr-
2009
القراصنة يتوعدون باستهداف الأمريكيين وأوباما يتعهد بمحاربتهم
(Read
more) 13-Apr-
2009
امريكا : التغييرات القانونية مطلوبة لمكافحة القرصنة الصومالية
(Read
more) 12-Apr-
2009
وجهاء الهوية يستنكرون الهجمات التي تشنها بعض الفصائل الإسلامية في العاصمة الصومالية مقديشو
(Read
more) 12-Apr-
2009
وزير الأمن القومي الصومالي يطالب القوات الحكومية بالإستعداد لمحاربة أعداء الشعب
(Read
more) 12-Apr-
2009
مقتل 8 وإصابة 20 مدنيا علي إثر قصف عشوائي للأحياء السكنية من قبل قوات حفظ السلام الإفريقية في مقديشو
(Read
more) 11-Apr-
2009
مجلس الوزراء الصومالي يقر ميزانية الحكومة الصومالية الثلاث أشهر القادمة
(Read
more) 11-Apr-
2009
حركة الشباب تندد بإتفاقية الملاحة التي وقعتها الحكومة الصومالية مع الدولة الكينية
(Read
more) 11-Apr-
2009
قراصنة الصومال يفرجون عن الرهائن الفرنسيين
(Read
more) 11-Apr-
2009
قراصنة يستولون على سفينة أمريكية ترفع علم إيطاليا بخليج عد
(Read
more) 11-Apr-
2009
ادارة أوباما تراقب الجالية الصومالية في ولاية مينيسوتا
(Read
more) 11-Apr-
2009
حركة الشباب الإسلامية تغلق آخر محطة إذاعية مستقلة في جنوب الصومال
(Read
more) 9-Apr-
2009
مدمرة أمريكية تصل إلى سواحل الصومال لإنقاذ القبطان المخطو
(Read
more) 9-Apr-
2009
أوباما يرفض التعليق على خطف قبطان أمريكي قبالة الصومال
(Read
more) 9-Apr-
2009
لبنى القاسمي تبحث مع وزير التجارة الصومالي سبل تطوير التعاون التجاري المشترك
(Read
more) 8-Apr-
2009
البنتاجون: أنباء عن استعادة الطاقم السيطرة على السفينة
(Read
more) 8-Apr-
2009 |
English News
Somalia: President Shariff held talks with Ministers (Read
more) 29-Apr-
2009
Somalia: 4 Puntland Intelligence Service officers died (Read
more) 29-Apr-
2009
Somalia: Elders engaged in releasing Aid workers (Read
more) 29-Apr-
2009
Somalia: Russian destroyer detains 29 Somali pirates (Read
more) 29-Apr-
2009
Somalia: Spain, France propose conference on Somali pirates (Read
more) 29-Apr-
2009
Two Abducted Médecins Sans Frontières Staff Released in Somalia (Read
more) 29-Apr-
2009
Donor funds set to boost Somalia’s efforts atcurbing piracy menace (Read
more) 29-Apr-
2009
Somalia: Kidnapped Aid workers freed in Somalia (Read
more) 28-Apr-
2009
Somalia: Jubba radio station back on air, journalist freed (Read
more) 28-Apr-
2009
Somalia: More EU aircraft needed for Somali pirates: commander (Read
more) 28-Apr-
2009
Transcript of FT interview with Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, president of Somalia (Read
more) 28-Apr-
2009
Life in the world’s largest refugee settlement
(Read
more) 28-Apr-
2009
Somalia’s problems need comprehensive solutions (Read
more) 28-Apr-
2009
Kenya starts Somalia officials training (Read
more) 27-Apr-
2009
Somalia: Al-Shabab forces close down media house (Read
more) 27-Apr-
2009
Somalia: Pirates or Patriots of the Sea? (Read
more) 27-Apr-
2009
Pirate, Who? (Read
more) 27-Apr-
2009
Somalia: “We shall implement Islamic law” Premier Sharmarke (Read
more) 27-Apr-
2009
Somalia: Kenya starts Somalia officials training (Read
more) 27-Apr-
2009
Somalia: Top UN envoy calls for follow-up to Brussels meeting on Somalia (Read
more) 27-Apr-
2009
Somalia: Miss Uganda wants to be peace envoy in Somalia (Read
more) 27-Apr-
2009
Situation Report Somalia: # 16, 17 - 24 April 2009 UN (Read
more) 27-Apr-
2009
Somalia: Islamists warn outdated drug traders in Kismayu (Read
more) 26-Apr-
2009
Vice President narrowly escapes assassination (Read
more) 26-Apr-
2009
Somalia: Hope fades in the release of MSF hostages (Read
more) 26-Apr-
2009
AU condemns attacks on Somalia parliament (Read
more) 26-Apr-
2009
Funds to boost Somalia security
(Read
more) 26-Apr-
2009
Captured Youth Will Expose European Atrocities Against Somalia (Read
more) 26-Apr-
2009
Somalia's anguish: Nation in ruins needs the world's help (Read
more) 26-Apr-
2009
Who are the real 'pirates' in Africa? (Read
more) 19-Apr-
2009
How Somalia's Fishermen Became Pirates (Read
more) 19-Apr-
2009
US agencies plot piracy response (Read
more) 18-Apr-
2009
Turkey pledges support for Somalia security forces (Read
more) 18-Apr-
2009
One on one with president Dahir Rayaale Kaahin of the democratic republic of Somaliland (Read
more) 16-Apr-
2009
Somalia: WFP accomplished food distribution in Galgadud region (Read
more) 16-Apr-
2009
Africa’s New Human Rights Court:
Whistling in the Wind? (Read
more) 16-Apr-
2009
Report of Shamsul Bari, independent expert appointed by the Human Rights
Council on the situation of human rights in Somalia (Read
more) 16-Apr-
2009
COMPLEX SOMALI WAR THAT WILL NEVER END UNTILL VESTED INTERESTS STOP MEDDLING (Read
more) 15-Apr-
2009
Somali: Somali MP gunned down in Mogadishu (Read
more) 15-Apr-
2009
French warship captures 11 pirates (Read
more) 15-Apr-
2009
Somalia: “Obama must not neglect Somalia” US senator (guji-riix) SMC/Mogadishu/14-Apr-
2009
Somalia: 10 people died of diarrhea at Bur-Hakaba in Bay region (Read
more) 12-Apr-
2009
Somalia: President Shariff met with Finnish delegates (Read
more) 12-Apr-
2009
Somalia: Presidential spokesman remarks Somali Pirates (Read
more) 12-Apr-
2009
Somalia: Volleys of mortars land inside the Somali seaport
(Read
more) 11-Apr-
2009
Somalia: “We shall burn foreign vessels from now” Somali pirates’ spokesman
(Read
more) 11-Apr-
2009
Somalia: Islamic Courts Union comments operations they had conducted in Middle shabelle region
(Read
more) 11-Apr-
2009
Somalia: ship laden with military equipments docks at Mogadishu seaport
(Read
more) 11-Apr-
2009
Press Conference: Advocate child rights campaign for the last five years
(Read
more) 11-Apr-
2009
Somali elders plan mediation mission for U.S. hostage (Read
more) 11-Apr-
2009
Somalia-Kenya maritime boundary MoU, test for Somali gov't (Read
more) 11-Apr-
2009
Somali pirates issue hostage warning (Read
more) 11-Apr-
2009
Pirates demand ransom for U.S. sea captain; warn he will die if they're attacked ( Read
more) 10-Apr-
2009
Somali Government Ready to Resolve Piracy Problems (Read
more) 10-Apr-
2009
Aid Workers Quit Somalia (Read
more) 10-Apr-
2009
From a nomad to life on the banks of River Thames (Read
more) 10-Apr-
2009
Analysis: Pirates put Obama in 21st-century bind (Read
more) 10-Apr-
2009
Pirates’ change of tack worries shippers (Read
more) 10-Apr-
2009 |
|

|