News from Somalia in Somali |
URURKA TAF OO UGU DEEQAY CUSBITAALKA MAANDHAYE LACAG DHAN 14,000 DOLLAR

Muqdisho, Isniin, Juun 30 2008 SMC“
Shirwaynihii ururka Togdheer Abroad Foundation ee marka magciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano TAF ayaa ka dhacay magaalada Manchester 28/06/08 shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen laanta ururka ee magaaladaasi waxaa kasoo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo isaga kala yimi dhamaan wadanka Ingriiska dadkaas oo ay ka mid ahaayeen Salaadiin, Cuqaal, aqoonyahano Xildhibaano, Abwaanno iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.
Shirkaas oo sidii loogu talo galay ubilaabmay ayaa waxaa sidii caadada ahayd lagu furay aayado quraanka kariimka ah kadibna waxaa dadweynihii shirkaas kasoo qaybgalay kusoo dhaweeyey shirka iyo magaalada Fahad Jaamac oo ku Hadlayay magaca Manchester
Kadibna waxaa halkaa warbixin aad u dheer kasoo jeediyey Mawliid Axmed Maxamed oo si faahfaahsan uga warbixiyay marxaladihii ururku soo maray iyo waxii uu qabtay iyo ujeedooyinkii loo aasaasay iyo weliba qorshayaashiisa intaba.
Waxaa kaloo dadkii halkaas ka hadlay ka mid ahaa suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo dadkii halkaas joogey usoo jeediyey khudbad dareenkoodii soo jiidatay taas oo dhinacayo badan taabanaysay waxaana hadaladiisii ka mid ahaa sida ay lagama maarmaanka u tahay in aynu si hagar la'aan ah uga qayb qaadano mashaariicda iskaa wax u qabso sida mashruuca cisbitaalka maandhaye ee magaalada Burco iyo weliba in aanay lahayd dadkaasi ehel iyo qaraabo aan ka ahayn qurbojooga.
Waxaa kaloo suldaanku ka hadlay sida ay bulshadeenu ugu dayacantahay qurbaha iyo weliba inay u baahan yihiin in wax laga qabto, waxaa kaloo halkaas ka hadlay marti sharaf farobadan oo ay ka mid ahaayeen Dr. C/laahi Biikalo, C/Raxmaan jaamac Axmed, Qunsulka S/land u fadhiya Birmingham C/Raxmaan Cali Ubaxle, Xildhibaan farxaan Maxamed, G/Xigeenkii hore ee komishanka doorashooyinka S/land Xirsi X Cali, abwaan Ismaaciil aw Aadan iyo marti sharaf kaloo aad ufaro badan.
Ugu danbayn waxaa isaguna halkaas ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka ururka TAF Faarax Xariir Yuusuf oo mahadnaq balaadhan usoo jeediyey dadkii sharafta lahaa ee shirka kasoo qayb galay uguna baaqay inay halkaas kasii wadaan hawshaas sadaqada ah ee ay ku taageerayaan dadkaa ilaahay xuskooda ka qaaday waxuuna ku ballan qaaday inay gaadhsiin doonaan waxkasta oo soo gaadha ururka ee loogu talogalay dadkaas.
Gudoomiye ku xigeenku waxa kaloo uu halkaas ku gudoomay Buugaag uu Jaamacada Burco ugu deeqay Qoraa Aadan Ibraahin Qaarcade unasoo mariyay ururka TAF waxaanuu balan qaaday inay gaadhsiin doonaan jaamacada sida ugu dhakhsaha badan waxaa kaloo isla halkaas uu G/xigeenku kaga guddoomay lacag dumarka Manchester ay ugu deeqeen cusbitaalka Maandhaye, waxaanuu isna halkaas garabka ururka Manchester uu ku gudoonsiiyay shahaadoo sharaf ay usoo direen gudida horumarinta G/Togdheer.
G/xigeenku waxa uu halkaas ka ga dhawaaqay lacag $14,000 oo doolar ah oo ururku ugu deeqay cisbtaalka waalida ee Mandhaye Isagoo ururku hore u gaadhsiiyay lacag dhan $23,000 sanadkii aynu soo dhaafnay.
Shirkaas ayaa waxa uu ku dhamaaday rayrayn iyo farxad ay aad usoo dhaweeyeen dadkii halkaas joogay dhalinyarada isku xilqaantay inay dadkoodii iyo dalkoodii hooyo wax uu qabtaan yagoo jooga wadamo qurbe ah.
Muniir Ahmed Cigaal Birmingham uk
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|