Somali News  
    Heesta Somaliweyn: Hees  
 
 


News from Somalia in Somali
Xaflad loogu dabaal degaayo Gobolka Howd oo shalay lagu qabtay Bali Gubadle, iyo Madaxweyne Xigeenka oo ka soo qayb galay

Hargeysa, Isniin, Juun 30 2008 SMC         

Xaflad loogu wanqalay Gobolnimada Hawd, ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Gobolkaa cusub ee Magaaladda Baligubadle, isla markaana waxa ka soo qayb-galay Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Wufuud culus, oo kale, oo ka kala yimi guud ahaanba Gobolada Somaliland iyo qaar ka mid ah deegaanada Soomaalidu dagto ee dalka Itoobiya.

Badhasaab ku xigeenka Gobolka Hargeysa Cali Cawil, oo ahaa Guddoomiyaha Guddida qaban-qaabada ee Xaflada Gobolka Hawd, ayaa soo dhaweeyay Masuuliyiintii iyo Marti-sharaftii munaasibadaa ka soo qayb-galay, isla markaana waxa uu hambalyo iyo mahad-naq u jeediyay Salaadiin uu sheegay in ay ka hawl-galeen helida Gobolkan Hawd iyo Madaxweynaha Somaliland oo ku dhawaaqay Gobolnimadiisa. “Kusoo dhawaada Xaflada Wanqasha Gobolnimada Hawd, ee Xaruntiisii Baligubadle aynu ku xusayno wanqashiisii. Isla markaana dadka Gobolkan Hawd, waa inay ogaadaan in dadka tirada badan ee guud ahaanba Gobolada dalka isaga yimi, ay sharfaan oo ay soo dhaweeyaan.” .” Sidaa ayuu yidhi Cali Cawil.

Xasan Ciise Jaamac, oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee ay Somaliland yeelato, ayaa munaasibadaa ka hadlay, “Wallaalayaal ku soo dhawaada Baligubadle, waa gurigiinii oo waanu idinku soo dhawaynaynaa. Gobolada cusub ee ay Xukuumadda Somaliland samaysay wax yaabo badan ayay wadaagaan, waxyaabana way ku kala duwan yihiin, oo Baliguabadle waxyaabaha uu kaga duwan yahay Gobolada waxa ka mid ah taariikhda.”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galka Xafladan, “Anigu aniga oo yar ayaan Maqasha ku raaci jiray Baligubadle, oo Ayayday ayaanu halkan ugu iman jiray fasaxa. Gobolka reer Baligubadlaw dedaal baad ku hesheen, waayo idinku waad is ogolaateen oo hal magaalo ayaad isugu timaadeen, Gobolkana in la idiin doono may ahayn ee waxay ahayd in la idiin garto.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin “Maanta halkan waxa la isugu yimi maaha Xaflad kaliye, Mujaahidiintii SNM ee hadlay waxaad moodaa inaanay fahmin nuxurka maanta la isugu yimi.” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku, waxaanu hambalyo oo uu Madaxweynaha uga siday gaadhsiiyay dadka reer Baligubadle iyo Gobolka Hawd.
“Halkan ayaa laga dhaqaaqay, geedigiina waxa lagu furay wadankii, halkaas ayaanay ku dhasheen Inankii iyo Inantii Somaliland 17 sannadood ayaananu korinaynay, maantana halkii aynu ka bilawnay ayaynu nimi. Waamaxay markaa waxa maanta loo yimi, waxa loo yimi in aynu caasimadii xusno, waanay kaalin qaaday, waana in maanta inankii iyo inantii la isu dhisaa. Ictiraafkana waa la gaadhayaa.”

Waxaana halkaa shahaadooyin sharafyo lagu siiyay Madaxweyne ku xigeenka iyo xubno kale oo ay Masuuliyiintii Gobolku sheegeen in ay galabsadeen.
Jamaal Ibrahim Maxamed
somaliweyn Media Center Hargeysa
mustaqbal7@hotmail.com

Somaliweyn Media Center “SMC”

http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)