Somali News  
    Heesta Somaliweyn: Hees  
 
 


News from Somalia in Somali
Berbera Oo Laga Xusay Sanad guuradii 48 aad ee kasoo wareegta xiligii xorriyada Ingiriiska laga qaatay

Hargeysa, Sabti, Juun 28 2008 SMC     

Maayarka Berbera oo ahaa masuulkii Dawladeed ee kaliya ee khayriyada reer Berbera kala hadlay

Xaflad Lagu Xusayey Sananad Guuradii 48aad ee kasoo wareegtay xiligii ay somaliland calankeeda ka qaadatay mustacmaradii ingiriiska ayaa lagu qabtay khayriyada Magaalada Berbera, Xafladaasi oo ay kasoo qeybgaleen dadweyne aad u tiro badan madaxda Golaha Deegaanka Berbera, Madaxda Policeka iyo shakhsiyaad bulshada dhexdeeda xilal ka haya, fanaaniin reer Berbera ah iyo ururada bulshada Berbera.

Maayarka Berbera Cabdale Maxamed Cali ayaa noqday Masuulkii Dawladeed ee Kaliya ahaa ee Halkaasi kala hadlay Bulshada reer Berbera si uu ugala Qeybgalo Xuska Sanadguurada 48 aad Qaranimada Somaliland, Badhasaabka Saaxil Maxamed Cabdilahi Maxamed ayaan dadka reer Berbera kala qeybgalin Xafladan sidoo kale kuxigeenkiisuna kamuu soo xaadirin madasha waxase goob joogayaal ahaa Taliyaha Qeybta Berbera iyo qaar kamid ah xubnaha policeka Berbera, xildhibaano golaha deegaanka ah iyo shakhsiyaad kale, Xaflada ayaa bilaabantay 8:00Pm habeenimo maadaama ay Berbera xiligan ku jirto kulayl oo aanay maalinimo qabsoomi Karin.

Duqa Degmada Berbera Md Cabdale ayaa ku dheeraaday qadiyada somaliland iyo madaxbanaanidii uu ingiriisku bixiyey isagoo ku tilmaamay mid luntay (the missing independence) waxaana haladaladii Maayarka Berbera kamid ahaa oo uu yidhi “Runtii xiligaas dadweynaha maanta halkan taagani may jirin oo waxaan filayaa waxay ahayd madax banaani luntay (the missing independence) inkastoo ay sharaf inoo ahayd cariga soomaalida dadkii u horeeyey ee madaxbanaani ka qaata dawladihii gumaysanayey hadana inaga ayaa luminay oo taas waxa sababay waxaan ku daadan wax dhiig wax dhib ah na looma marin ee nin gaal ah ayaa la yidhi orod naga tag oo madaxbanaani nasii kadibna waa lala yaacay halka ay teenan danbe naf iyo maalba aynu ku weynay waa labada arimood ee ay ku kala duwanyihiin 18 may iyo 26 june dhibta iyo fudeydka ay labadaasi inagu soo galeen”.

Waxa kale oo uu yidhi “Caawa iyo 48 sano ka hor markii uu lahaa timacade lahaa kana sib kana saar waxay ahayd muujinta qadiyada madaxbanaanida iyo macaanka ay leedahay xoriyadu oo abwaanku kaga waramay gabayga magacaas leh waana wax runtii eebe loogu mahadnaqo inagoo ah dadkii uhoreeyey ee soomaali qaata xoriyada 26.june.1960 maalmo kadibna inaga ayaa aasnay xoriyadaas”.

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Md Cabdale Maxamed Cali ayaa ka hadlay sixir bararka dadweynaha reer somaliland aafeeyey isagoo soo jeediyey in ay dadku ku jeesteen dhulka iyo beerashadiisa waxanu yidhi “Duniada dalalkii wax soo saari jiray ayay ku filnaan wayday cuntadii oo dadkooda u keydiyey taasina waa ta sababtay in aduunka cunio yari iyo sixir barar soo foodsaaro afrikaana ayaa waxay ku dhex dhimanayaan dunida tartamaysa oo kii soo saari jiray bariiska waxa la tartamaya ka soo saara shiidaalka waanay is dhaafsanayaa Anigu waxaan qabaa in bulshadeenu ay ku jeesato dhul beerashada oo aynu iska deyno 14 ton oo markab ah oo la eegayo dekeda si hadaba taa loo gaadho waxa loo baahanyahay in la sameeyo dadaal quud beerasho si looga baaqsado cuntada dabada ka imanaysa haddii kale tan oo kale ayaa dhici doonta”.

Duqa Berbera ayaa ku dheeraaday in dunida oo dhan sixir bararku ka jiro isla markaana ay la tacaalayaan wixii karaankooda ah si loo yareeyo dhibtiisa waxaanu markal yidhi “Waxaan qabaa inaynu u gaadhnay xiligii aynu dhulkeena aamini lahayn oo aynu wax ka qaban lahayn quudbeerashada kana jeesan lahayn bariis nin soo sameystay oo maanta 50 kilo marayaan konton dolar lagana yaabo inuu ka badanyahay waxaan idin leeyahay bulshow isku noqda oo ciideena inoo faga eebaa wax inaga siine aynu dadaalka la nimaadno dunida wax la qebsano qadiyadeenuna meel fiican ayey maraysaa hadaynu wax soo saar ku darno cidna waxba ugama baahnine ogaada”.

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera ayaa ugu danbeyntii u mahad naqay reer Berbera waxaanu yidhi “Waxan idiinka mahadnaqayaa sida wanaagsan ee aad noo soo ajiibteen ee aad nagala soo qeybgasheen Xuska 48 aad ee Gobnimadii aynu ingiriiska ka qaadanay waxaan aad ugu kalsoonahay in reer Berbera maalmahan oo kale sedan isu soo abaabulanaa waxaan kaloo u mahadnaqayaa fanaaniinta, ururada bulshada waliba haweenka, ciidanka policeka iyo guud ahaan shacabka reer Berbera waxaan leeyahay Guulaysta marwalba”.

DHinaca Kale Xafladan ayaa lagu soo bandhigay riwaayad ka hadlaysa dhibaatooyinka sixir bararka iyo gumaysiga sidoo kale waxa iyaguna buraaburo kasoo jeediyey kooxo fanaaniin ah oo ka waramayey oo ka waramayey gobonimada iyo qiimaha ay bulsho kasta u leedahay waxayna ku tilmaameen mid ay macaankeeda dhadhamiyeen.

Xaflada ayaa lsoo gunaanay abaaro 1kii habeenimo iyadoo ku dhamaatay jewi aad u degan oo ay ku xeerantahay farxada iyo damaashaad la xidhiidha maalintan qiimaheeda.
Warkani waxa uu habsaamay cilad dhinaca Internetka ah iyo Weriye Cabdikariim oo u fadhiistay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare Sanadkan 2008.


Somaliweyn Media Center “SMC”

http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)