News from Somalia in Somali |
First Community Bank oo noqdey bankigii ugu horeeyey ee laga hirgeliyey Mombasa kuna shaqeeya xeerarka waafaqsan shareecada Islaamka

Mombasa, Sabti, Juun 29 2008 SMC“
Waxaa xalayto lagu qabtey AGA KHAN DIAMOND JUBILLEE HALL ee magaalada Mombasa xaflad aad loo soo agaasimey oo lagu furayey bankigii ugu horeeyey ee laga hirgeliyo Mombasa kuna shaqeeya hanaanka Diinta Islaamka looguna magac daray First Community Bank (FCB).
Xafladda furitaanka bankigaan ayaa ka soo qeyb galey madax ka kala socotey dowladda ee uu h or kacayey xildhibaanka laga soo doortey magaalada Mombasa gaar ahaan degmada Mvita ahna Waziirka Dalxiiska Kenya Mudane Najib Balala, Guddiga Culumada Islaamka Kenya, Guddiga Imaamyada Mombasa, Ganacsato iyo xubno kale oo metelayey ururada bulshada.
Aayado Qur’aan ah ka dib ayaa Guddoomiyaha First Community Bank Mudane Xasan Varvani ka warbixiyey gundhiga iyo aasaasidda bankigaan iyo talaabooyinkii ay u soo qaadeen taabagalkiisa.
Mudane Nadiif Jaamac Aadan oo ah agaasimaha guud ee First Community Bank horeyna ugu soo shaqeeyey Bankiga dhexe ee Kenya , Bankiga Al-Rajhi (Saudi Arabia), Qatar Islamic Bank (Qatar),Ex-Sharjah National Bank (Sharjah Islamic Bank-Isutagga Imaaraatka Carabta ) ayaa aad ugu nuuxnuuxsadey habka uu ku shaqeyn doono bankigaan iyo weliba ahmiyadda uu u yeelan karo bulshada ku dhaqan Mombasa, Mudane Nadiif oo sheegey inaanu hawshooda bangiyeynta ku ekeyn Mombasa keliya balse ay hore ugu sii socdaan Degmooyinka kale sida Malindi, Lamu iyo Garissa iyo dhamaanba gobolada dalkan Kenya, Mudane Nadiif ayaa intaa raaciyey in nadaamka uu bankigaan ku shaqeyn doono ee ku salaysan shareecada Islaamka aanu ahayn mid ku cusub dunida oo ay jiraan Bunuukyo badan oo laga hirgeliyey qaaradan afrika sida : Masar, Sudan, Aljeeriya, Nayjeeriya, Muritaaniya,Senegal, Gaambiya, South Afrika IWM, halka kuwa kalena laga hirgeliyey buu yiri dunida qaarkeed oo ay ka mid yihiin wadamada Ingiriiska, Mareykanka, Singapore ,Hongkong IWM.
Sheekh Badru Jacfar baa qirey in First Community Bank uu noqon doono bankiga keliya ee ay u aayaan dhamaan macaamiishiisa ,waayo wuxuu yiri sheikh Badru bankigaan waa mid ku dhaqmaya sida ay waafaqsan tahay shareecadeena Islaamka.
Ka soo qeyb galayaasha xaflada furitaanka bankigaan oo ay ka mid ahayd agaasimadda qeybta bangiyeynta ee Bankiga Dhexe kenya Marwo Rose Detho ayaa cadeysey inuu Bankiga Dhexe ee Kenya ansixiyey furitaanka First Community Bank laantiisa Mombasa ,kaasoo la mid ah bay tiri kuwii ay horey loogu ogolaatey furitaankooda ee ku kala yaala Wanbera Street iyo xaafadda ay sida aadka ah u degan yihiin soomaalida laguna magacaabo Islii ee caasimada Nairobi
Waxaa isna halkaa ka hadlay Xildhibaanka Magacaaban ,ahna xoghayaha guud ee guddiga Imaamyada mombasa Mudane Sheekh Maxamed Dor oo sheegey inay aad ugu faraxsan yihiin furitaanka bankigaan oo door weyn ka qaadan kara ku dhaqanka shareecada Islaamka,,Intaa ka dib sheekhu wuxuu Microphonka ku soo dhoweeyey Waziirka Dalxiiska dalkan Kenya xildhibaan Najib Balala ,,hadaladii uu waziirku halkaa ka yiri waxaa ka mid ahaa :Salaan ka dib waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idiin kala qeyb qaato xafladaan quruxda badan dhinac weliba haddii ay noqon lahayd xag caqiiddo iyo xag horumarineedba waadna ku mahadsan tihiin sidaad iigu maamuusteen inaan xariga idiin kaga jaro,waxaanna ALLAH subxaana watacaalaa ugu mahadcelinayaa siduu reer mombasa ugu soo biiriyey Iftiinka xaqqa iyo waafajinta tubta toosan , waana mid qiimo weyn ugu fadhiya dhamaanba dadweynaha gobolkan,,First Community Bank waxay u horseedey shacabkeenan gobolka xeebta ku nool oo ay xadaaradoodu aad u fog tahay laguna yaqaano ganacsiga kuna xeel dheer Beec mushtariga inay helaan meel ama banki xeerarkiisa iyo habkiisuba ku saleysan yihiin shareecada diinteena Isalaamka,taasoo u ah badbaado aduun iyo tu aakhiraba ,waxaanse ka rajeeynayaa madaxda iyo shaqaalaha First Community Bank inay dardar geliyaan hawlaha ay u qabanayaan macaamiishooda ,sarena u qaadaan tayadooda iyo hab la dhaqanka macaamiishaba.
Casho sharaftii loogu tala galay ka soo qeyb galayaasha ka dib waxaa halkaa hadiyado qiimo leh oo ay soo diyaariyeen First Community Bank lagu gudoonsiyey madaxdii ka soo qeyb gashay iyo marti sharaftii lagu casuumey furitaanka xaflada.
Abdulkadir Jeylani_Mombasa
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|