News from Somalia in Somali |
Sheekadu waa ay ka kulushahay Shariif iyo Janaqow ayaa gar leh, Xasan Daahir iyo Yuusuf Indho-cade!!!!!

Muqdisho, Sabti, Juun 28 2008 SMC“
Faalo
Sheekadu waa ay ka kulushahay Shariif iyo Janaqow ayaa gar leh, Xasan Daahir iyo Yuusuf Indho-cade ayaa jid leh!!
Tan iyo markii ay soo ifbaxday kala qeybsanaanta iyo khilafka dhinaca filkirka aha ee u dhaxeeya mas’uuliyiintii ku wada jirtay golahii maxaakiimta iyo kan shuurada ayaad moodaa iney misana sii kala fogaanayaan dadka sida xooga leh u taageersanaa nidaamkii maxaakiimta islaamiga dalka kusoo kordhiyeen iyo halgankii mideysnaa ee loogu jiray in dalka laga saaro Itoobiyaanka kusoo duulay, waxaana taasi ugu wacan saameynta ay ku yeelatay khilaafka soo kala dhex galay madaxda iyo xubnaha isbaheysiga dib u xureynta.
Hadalada kulul ee ay warbaahinta isku weydaarsanayaan ragii lagu hanweynaa iney dhibaatada ka saaraan shacabka, waxa keliya oo ay soo kordhisay hadaladaasi kulul ee leys weydaarsanayo waa iney farxad gelisay oo weliba ay neef qabow kasoo fujisay cadowgii shalay halka dhinac looga soo wada jeeday, iyo iney taageerayashoodii noqdaan kuwa la kala saftay labada dhinac oo dariiqyada iyo goobaha lagu shaaho isku dacaayadeeya iyo qaar kale oo weli ku jahwareeran ama daraasaad ku haya dhankii ay raaci lahaayeen.
Maxaa ka xun in khilaafkii ka dhashay go’aanadii kasoo baxay kulankii Jabuuti uu hoos ugu sii dhaadhaco raggii hubkooda la hor taagnaa cadowga Itoobiya muddo laba sanno ku dhowaad ah, sow ceeb iyo weji gabax naguma aha inaan berito maqalno in xoogagii maxaakiimta ay isagala hor yimaadeen hubkii ay cadowga u wateen?
Waxaan leeyahay sida ay iminka wax u socdaan ma ahan mid qancineysa dadkii naftooda iyo maalkooda u huray taageerida iney Soomaaliya ka xurowdo iyo kuwii ku naafoobay ama weli ugu adkeysanaya daruufaha adage e nololeed markii guryahooda lagu barakiciyay.
Waxaan qabaa iney tahay arrin aan la aqbali karin in khilaafka jira uu gaaro halka aynu wadnaha farta kaga heyno, waana innagoo ku qasabna in raggii ku kala booday heshiiska Jabuuti ay u tanaasulaan hambada ka hartay dadkooda oo uu gumeysigu bar xasuuqay, iyaguna aaney barka haray sii dhameystirin.
Waxaan soo jeedinayaa in marka hore laga fogaado wixii dacaayad shaqsiyadeed iyo mid kooxeeed ah oo sii hurion kara khilaafka, islamarkaana kuwa aan ka xishoonin hadalada dacaayadda in loo arko iney yihiin u adeegayaashii cadowga, sidoo kalena in aad loo miisaamo fikradaha ay kala qabaan labada dhinac, leyskuna raaco tan ay danta ugu jirto dadkeena dhibaateysan ee dhimanaya maalin kasta iyo kuwa weli xabadda la hortaagan taangiga cadowga.
Haddii fikradahooda aynu dhaqsi xukmin weyno ama aynu kari weyno ineynu hal meel isugu ururino, waxaa inoo furan in dhinaca xubnaha ugu badan ee isku ra’yiga ah aan taladooda soo dhoweyno, kuwa kalena aan si wada-jir ah ugu sheegno iney dhanica looga batay ay u tanaasulaan, sidaasna ay baal dahab ah uga galaan ummaddooda.
Qodobka ugu dambeeya ee inoo furan inaan khillafkooda ku kala saarno, waa inagoo u saarna guddi culumaa'udiin Soomaaliyeed ah oo dhinacyadan ka madax-bannaan, kuwaasi oo garsoorka ay ka gaaraana uu noqdo midka ugu dambeeya ee aynu ku wada gudoonno, kuna wada qanacno, waayo raggii golahii maxaakiimta ku wada jiray oo nabad iyo nidaam muddo gaaban socday ina tusay, ma ahan mid aynu kaga qanci karno iney sidii hogaamiye-kooxeedyadii hubka isku soo qaataan, iyadoo uu cadowgiina weli dalka ku sugan yahay.
Waxaa Qoray:
Ganacsade Cali Maxamed Jimcaale (Cali Ooyaaye)
alioyaaye@hotmail.com
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|