News from Somalia in Somali |
Dowladda Federaalka oo ku celisay mar kale in dowladda Eritrea ay maalgelinayso kooxaha Mucaaradka ee diidan nabadda iyo in weli Soomaaliya ay Joogaan Ururka Al-qaacidda

Muqdisho, Sabti, Juun 28 2008 SMC“
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Federaalka Cali Jaamac Axmed ayaa ugu baaqay dowladaha qaaradda Afrika kajira in ay gacan weyn ka geystaan sidii Ciidamo nabad ilaalineed oo wax ka qabta Ammaanka dalka Soomaaliya loogu geynlahaa Wadanka Soomaaliya oo nidaam darri noqday tan iyo markii jagada laga tuuray Maxamed siyaad Barre sanadkii 1991-dii.
Wareysi uu siiyay wargeyska Alsharqal awsat ayuu kusheegay Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda federaalka in ay kusoo bandhigi doonaan baahiyadooda Shirka Maalinta Isniinta ee soo socda lagu wado in Madaxda Midowga Afrika ay kuyeeshaan Magaalada Sharma sheekh ee wadanka Masar.
Dhinaca kale waxa uu sheegay wasiirkani in dowladda Eritrea ay kaalin xun ka cayaareyso xaaladda Soomaaliya isla markaasina ay weli maagelin ku heyso Xoogaga Mucaaradka ee dowladda Federaalka kasoo horjeeda.
“Eritrea waxa ay cayaareysaa kaalin xun marka loo eego arrimaha Soomaaliya, mana ahan keliya halka ay dhibka ku heyso wadanka Soomaaliya oo waxa ay dhibaato ku heysaa wadamada dhaca geeska Afrik, waxa ay abuurtay mushkilad deg deg ah oo ay ku abuurtay jabuuti kadib markii ay xuduudeeda soo weerartay, lakin waxaan ogsoon nahay in ay weli maalgelin dhinaca Saanadda iyo hubka ay siiso Mucaaradka kasoo horjeeda dowladda tan iyo sanadkii 2003-da xilligaasi oo C/llaahi Yuusuf loosoo doortay Madaxweyne in uu noqdo.
Wargeyska ayaa sidoo kale wax ka weydiiyay sida ay u arkaan kaalinta Jaamacadda Carabta ay ka cayaareyso Arrimaha Soomaaliya isaga oo ka gaabsaday in uu dhaleeceeyo maadaama horey ay mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda federaalka ay u dhaleeceeyeen.
“madoonayo in aan cid kale dhaleeceeyo, waayo Jaamacadda Carabta doorka ay ka cayaartay arrinta Lubnaan waa la ogsoon yahay lakin la iskuma matali karo Soomaaliya iyo Lubnaan keliya waxa aan ka dooneyno dowladaha Afrikanka iyo kuwa carabta ayaa ah keliya in ay wax la qabtaan oo ay gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka la deris noqday” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda federaalka.
Waxa uu qiray in weli dalka Soomaaliya ay joogaan Kooxo lagu tirinayo in ay xiriir laleeyihiin Ururka Alqaacidda kuwaasi oo isku dayaya in ay carqaladeeyaan Ammaanka dalka lakin dowladda federaalkuna ay xiriir la leedahay dowlado kale oo u diyaar ah in ay baa bi’iyaan guud ahaan kooxahaasi maadaama iyaguba ay horey isugu dayeen in ay qaarijiyaan Madaxweynaha dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan kuwa ugu sareeya dowladda Federaalka sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Federaalka oo u waramayay Wargeyska Alsharqal awsat.
Mar uu ka hadlayay Hadalkii dhowaan kasoo yeeray Abuu Yaxya Al-liibiy ayuu dhaleeceeyay hadalkaasi isaga oo ku tilmaamay in ay tahay wax aad looga xumaado in heshiis dad Soomaali ah ay gaareen ay dad kale oo aan waxba ka quseyn arrimaha Soomaaliya ay ka hadlaan ayuu yiri wasiirka.
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|