News from Somalia in Somali |
Isu soo dhawaanshiyo la dhex dhigay Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Dalka Sheekh Shariif iyo Sh.Xasan Daahir

Muqdisho, Sabti, Juun 28 2008 SMC“
Isu soo dhawaanshiyo la dhex dhigay Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Dalka Sheekh Shariif iyo Sh.Xasan Daahir kadib markii uu dhowaan khilaaf xoogan soo kala dhexgalay.
Kadib markii dhowaan wadanka Jabuuti ay gaareen wafdi isugu jira Saraakiil dhinaca dagaallada Muqdisho hoggaamisa waa dhinaca muqaawammada iyo siyaasiyiin caan ah uuna kamid yahay wafdigaasi Afhayeenka Guud ee Golaha Maxaakimta Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey ayaa waxaa ka bilowday Jabuuti kulamo xasaasi ah
Wafdigani oo u gaaray Jabuuti si ay u dhex dhexaadiyaan isbaheysiga Dib u xoreynta oo khilaaf uu soo kala dhexgalay ayaa warar la helayo oo TV-ga Aljazeera qeybta ay Internetka ku leeyihiin ay kasoo xigteen rag katirsan isbaheysiga Asmara ay sheegayaan in guulo laga gaaray heshiisiinta isbaheysiga dhexdooda
Labada hoggaamiye ee ugu weyn dhinaca Isbaheysiga dib u xoreynta oo illaa iyo iminka la dhex dhexaadinayo lagu wada qanciyay in ay yeeshaan kulan fool ka fool ah si ay khilaafkooda inta haray u dhameeyaan kuwaasi oo kala ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Aljazeera oo soo xiganeysa Ilo wareed ay ku kalsoon tahay ayaa sidoo kale sheegtay in Kulanka Labadani mas’uul uu ka dhici doono Magaalada Ceelbuur ee bartamaha Soomaaliya haddii uu suurageliwaayayna uu ka dhici doono wadanka dibaddiisa.
Hoggaanka Maxaakimta ayaa badankooda waxaa ay isku raaceen in xilligani aanu habooneyn in xilka laga qaado Sheekh Shariif isla markaasina aanu jirin xilligani qof ku haboon oo booska uu iminka hayo qaban kara kadib markii dhowaan uu kasoo yeeray qaar kamid ah hoggaanka Maxaakimta in Sheekh Shariif ay ka qaadayaan Xilka uu u hayo Golaha Maxaakimta.
Wafdigii ka baxay Soomaaliya ayaa weli wada, wada tashiyo ay la leeyihiin Hoggaanka sare ee Golaha Maxaakimta iyaga oo doonaya in ay soo afjaraan khilaafka xoogan ee soo kala dhexgalay Maxkamadaha tan iyo wixii ka dambeeyay Heshiiskii wadanka jabuuti ka dhacay.
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|