News from Somalia in Somali |
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ruushka ayaa ka codsatay Shirkadaha Ruushka in ay ka qeyb qaataan soo saarista shidaalka

Muqdisho, Sabti, Juun 28 2008 SMC“
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ruushka ayaa ka codsatay Shirkadaha Ruushka in ay ka qeyb qaataan soo saarista shidaalka iyo Macdanta yuraniyamka laga sameeyo Hubka Nukliyeerka ee Soomaaliya laga helo.
Faah faahinta warkaasi waxaa inoo haya wariyaheena:-
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Wadanka Ruushka Maxamed Xandule oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wakaaladda Novosti ee magaalada Moscow ayaa kaga hadlay shirkiisa jaraa’id arrimo dhowr ah.
Waxa uu sheegay Safiirka in dalka Soomaaliya uu aad ugu hammi weynyahay in Shirkadaha Wadanka Ruushka ee qaabilsan dhinaca baarista Macdanta ay ka qeybqaataan sidii dalka Soomaaliya looga soo saari lahaa ama loogu qodi lahaa ceelasha laga soo saaro Yuraaniyamka ee laga farsameeyo Hubka Nukliyeerka.
“Soomaaliya waa dal hodan ah, waxaana la tilmaamaa in ay tahay halka ay isugu uruuraan naftada iyo gaaska laga helo Geeska Qaaradda Afrika” ayuu yiri Mr.Xandule oo intaasi raaciyay in socdaan wada-xaajoodyo lala leeyahay Shirkadaha Raashiyaanka, gaar ahaan Shirkadda caanka ku ah Cilmiga Joolajiyadda ee lagu magacaabo Zorobiiz Joolaji.
Sidoo kale waxa uu sheegay safiirka in dhowaan ay jecel yihiin in wufuud ay isdhaafsadaan iyaga iyo shirkadaha ugu waaweyn dalka Ruushka sida Shirkadda lagu magacaabo Gazbrom, wuxuu ku cel celiyay in arrintani aysan aheyn markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya niyeysato ayna tahay mid soo jireen ah iyadoo qorshooyin kanoo kale horey ula waday waa Dowladdii Soomaaliya Midowgii Soofiyeeti ee burburay.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Wadanka Ruushka Maxamed Xandule ayaa ugu dambeyntii tilmaamay in la qorsheynayo sidii dalka Soomaaliya looga dhisii lahaa Garoon Dayax-gacmeed, oo loo adeegsan karo in laga gano Dayax-gacmeedyadda Isgaarsiinta iyo kuwa hawada sare isaga oo ula jeeda marka lagu guuleysto qorsheyaasha lagu soo saarayo Macdanta Yuraaniyamka Soomaaliya.
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|