Somali News  
    Heesta Somaliweyn: Hees  
 
 


News from Somalia in Somali
DADKA SOOMAALIYEED EE DABINKA KU JIRA WAXA AY U BAAHAN YIHIIN GARGAAR NOLOL LAGU BADBAADINAYO

Hargeysa, Jimco, Juun 27 2008 SMC     

-Dadka Soomaaliya ayaa hadda ay soo foodsaartey dhibaatooyin ba'an oo bani'aadamnimo iyo baahi caafimaad oo daran oo aan waxba laga qaban. Bishii Maajo oo keliya , Kooxaha Médecins Sans Frontičres (MSF) ee ka shaqeeya degaannada duleedka Muqdisho ah ee Xaawo Cabdi iyo Afgooye waxa ay daweeyeen in ka badan 2,500 oo carruur ay hayso nafaqo-darro ba'an ah iyada oo dadka lagu daweeyey barnaamijyada quudinta ee MSF ay sii laba-laabmeen bishii Abriil oo haddana mar labaad sii laba-laabmeen bishii Maajo. Tirada dadka ay nafaqo-darradu hayso ayaa muddo sanad ahba ka badnaa tirada ugu hooseysa ee la filayo marka ay xaaladaha degdegga ahi jiraan. Tirada dadka cusub ee ay hayso nafaqo-darrada ayaa si aad ah u kordhaysa halka uu gargaarka dibadda uu tayo ahaan iyo tiro ahaanba ugu yaraanayo sababo la xiriira nabadgelyo-xumada daran iyo kororka weerarada lala beegsado shaqaalaha bani'aadamnimada. Soomaalida isku dayeysa in ay ka baxsadaan rabshadaha ayaa haysta fursado kooban oo ay ku baxsadaan, maaddaama la xirey xuduudaha ugu waaweyn ee dadku isaga tallaabaan.

"Soomaaliya qarka uma saarna masiibo, ee hadda ayaaba ay socotaa masiibadu," ayuu yiri Bruno Jochum, oo ah Agaasimaha Hawlgallada MSF ee Jinefa. "Toddobaadkii hore oo keliya, tiro ka badan 500 oo carruur ay hayso nafaqo-darro ba'an ah ayaa lagu daweeyey barnaamijyadeena quudinta. Lixdiiba mid carruurtaan ka mid ah ayaa u baahnaa in loo seexiyo cusbitaalka sababo caafimaad daraaddood. Haddii ay arrintu sidaan ku sii socoto, waxaa laga yaabaa in dhowaan nafaqo-darradu ay saameyso badi dadka caadiga ah sida carruurta 5 jirka ka weyn ama dadka qaan-gaarka ee nugulka ah. Xaaladdu waa mid laga xumaado, annaguna awood uma lihin in aan bixino gargaarka loo baahan yahay si looga hortago in ay xaaladdu sii xumaato."

Waddada Afgooye iyo Muqdisho, dad ka badan 250,000 oo qof ayaa ku nool xaalado dadku si aad ah isu dulsaaran yihiin iyada oo tiradooduna ay si aad ah kor ugu kacayso maaddaama ay ka soo baxsanayaan rabshadaha caasimadda ka socda. Wax ka yar 10 litir oo biyo nadiif ah ayaa uu heli karaa qof kasta maalintii, waxaana jirta in badi qoysasku ay ku nool yihiin cooshado aan wax sidaas ah ka celin karin. Qiimaha cuntada caadiga ah, sida bariiska iyo galleyda, ayaa saddex-laabmey ilaa sanadka bilowgiisii waxaana jirta in badi dadka soo barokacay ay ku tiirsan yihiin taageero dibadeed.

Rabshadaha ayaa weli ka socda gudaha iyo hareeraha Muqdisho, iyada oo taasi dhibaato weyn ay u geysatey dadka rayidka ah. Waaxda qalliinka ee MSF ee Dayniile, oo ku taalla duleedka Muqdisho, ayaa ilaa bilowgii sanadka 2008 daweysey dad ka badan 2,100 qof oo ay soo gaareen dhaawacyo. In ka badan kalabar dadkaasi waa haween iyo carruur ay da'doodu ka yar tahay 14 jir. 56% bukaanka waxaa laga daweeyaa dhaawacyo ka soo gaarey rabshado, sida dhaawac xabadeed ama mid qarax.
Degaanka oo xaaladdiisu nabadgelyo ay aad u kacsan tahay ayaa hortaagan in horumar la taaban karo lagu sameeyo heerka iyo tayada gargaarka. Shaqaalaha bani'aadamnimada ayaa si joogto ah weeraro loola beegsadaa, waxaana jirta in MSF iyo urur kale midna aanu shaqaale caalami ah oo joogto ah dalka geyn karin.

"Ka dib labaatan iyo afar bilood markii xubno bulshada caalamka ka mid ahi ay siyaasad iyo militeri ahaan ugu lug yeesheen, iyada oo la sheegey in looga dan leeyahay dib-u-soo celin deggannaansho iyo la dagaallan argagaxiso, haddana xaaladdu aad ayaa ay ugu xun tahay dadka Soomaaliyeed," Ayuu yiri Dr. Christophe Fournier, oo ah Madaxweynaha Golaha MSF ee Caalamiga ah. "Iskahorimaadyadu waa ay sii kordheen, iyada oo rabshadaha dhammaan dhinacyadu ay kula kacaan dadka rayidka ahi ay ka qaybqaateen masiibadan bani'aadamnimo. MSF waxa ay weydiisaneysaa in dhammaan waxqabadyada bani'aadamnimadu ay ka madaxbannaanaadaan ajandaha siyaasadda iyo kan nabad-ilaalinta ee Soomaaliya iyo in dhammaan kooxaha iska soo horjeeda ay hubiyaan in dadka gargaarka wada ay gargaarka u gaarsiiyaan si nabadgelyo leh oo caqabad la'aan."

Somaliweyn Media Center “SMC”

http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)