News from Somalia in Somali |
Xaflad loo sameeyay Duuliyihii diiday in uu duqeeyo Hargeysa sanadkii 1988 xalay lagu qabtay Hotel Imperial Hargeysa

Hargeysa, Jimco, Juun 27 2008 SMC“

ururada dhalinyarada ee Midnimo iyo Afgarad ayaa xalay xaflad aad u balaadhan u sameeyay Duuliye Sare Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheer) oo ahaa duuliyihii sanadkii 1988 diiday in uu duqeeyo magaalada Hargeysa, ka dibna ku dejiyay wadanka Djibouti,
xaflada oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ay ku jiraan xildhibaano, madaxda saddexda Xisbi qaran iyo dadweyne kale.
ugu horayn waxa xafladaasi ka hadlay Md Maxamed Xasan Dhabeeye oo ah gudoomiyaha Ururka Afgarad oo ka waramay ujeedada ay ka leeyihiin in ay xafladan u qabtaan Duuliye sare Axmed Dheere waxana uu sheegay in ujeedada ugu weyn ee ay ka leeyihiin ay tahay sidii ay u xasuusin lahaayeen axmed Dheere badbaadintii uu badbaadiyay dad badan oo maati ah aa waqtigaasi kuwaasi oo aan waxba galabsan, waxa kale oo uu xukumada usoo jeediyay in ay siiyaan jinsiyada wadaniyadeed maadama oo uu somaliland ku leeyahay abaal badan.
waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay madax sare oo ka socotay saddexda Xisbi Qaran kuwaasi oo aad ugu dheeraday qiimaha uu Axmed Dheere ku leeyahay Bulshada Somaliland, waxanay aad ugu dheeraadeen sida fiican ee uu gacmihiisa uga ilaaliyay in ay dhiig galaan.
gebogabadiina hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay Axmed Dheere waxa uu ku sheegay in markii hore ee uu ka imanaayay magaalada Muqdisho uu go`aan ku gaadhay in aanu duqayn Hargeysa sidaasi daraadeedna markii dambe ay ugu suurto gashay in uu fadhiisiyo wadanka Djibouti.

Jamaal Ibrahim Maxamed
somaliweyn Media Center Hargeysa
mustaqbal7@hotmail.com
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|