News from Somalia in Somali |
Gudoomiyaha Naadiga Dekadaha "Ma jirto shir aan ka qeybgalnay oo lagu doortay faarax Sidiko,FIFA ayaa ka masuul ah bur burka XSKC, Waayo 18-Sanno ayay hal magaalo ayay...."

Muqdisho, Talaado, Juun 24 2008 SMC“

Gudoomiyaha Naadiga Kubadda Cagta Dekadaha Cabdi Jiinow Calasow islamarkaasna ah Maareeyaha Dekadda Weyn ee Magaalada Muqdisho. ayaa maanta shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in kooxdiisa aysan aqoonsanayn doorasho la sheegay in shalay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed loo doortay Gudoomiye Faaraxa Wehliye Cadow (Sindiko).
“18-kii Sanno ee ugu dambeeyay Xiriirka Kubadda Cagta Aduunka wax ay u qabteen iska dhaafee waxey isku direen xiriirka Soomaaliyeed iyadoo shaqsi mar u aqoonsada inuu yahay Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Soomaaliyeed” ayuu yiri Gudoomiyaha Naadiga Kubadda Cagta Soomaaliyeed ee Dekadaha Cabdi Jiinow Calasow.
Gudoomiyaha Naadiga Dekadaha waxa uu sheegay inuusan aqoonsanayan Xiriir Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Soomaliyeed oo hada shaqeynaaya, wuxuuna xusay in Masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta uu yahay mid waqtigii loogu talogalay uu idlaaday, wuxuuna sheegay in loo bahan yahay in six or loo doorto cida noqonaysa inay tahay Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.
“Bulshaweynta Soomaaliyeed iyo beesha Caalamkaba waxaan la socosiinaa inuusan jirin Maamul uu leeyahay Xiiriirka Kubadda cagta Soomaaliyeed, mana jirto doorasho dhacday iyo cid la dooratay toona” Gudoomiyaha Naadiga Kubadda Cagta Soomaaliyeed ee Dekadaha Cabdi Jiinow Calasow oo sheegay in shir shalay ka dhacay shalay Hotel Lafweyn uu ahaa mid qiyaano ah, mana jirto ayuu yiri cid ay ku doorteen.
Mar uu ka jawaabayay hadalo sheegayay in Faarax Sindiko lagu dooratay shirkii Hotel Lafweyn ka dhacay shalay ayuu yiri, “Meel ayaa looga dhacay faarax, waana ka weynyahay mid ay doortaan 10-koox oo meel la isugu keen, taasna waa nasiib daro inteeda la eg” ayuu yiri Gudoomiyaha Naadiga Dekadaha Cabdi Jiinow Calasow oo sheegay in hadii ay jirto cid rabta jagadaasi ay timaad, islamarkaana ay gashaa doorasho xor ah oo caalamka iyo saxaafadu ay goob jog ka noqdaan.
“xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta 18-sanno magaalada Xamar ayaa laga dooranaayay, iyadoo ay jiraan gobolo dhowr ah oo nabad ah,FIFA-na iyadoo og ayay ku magacaabaysay xiir jira, waxaa loo baahan yahay in gobolada dalka oo idil laga soo doortaa xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed “ ayuu yiri Cabdi Jiinow Gudoomiyaha Naadiga Dekadaha.
Sidoo kale Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in hadii Muqdisho laga soo dooranaayo Xiriirka Kubadda Cagta waa in la dhahaa markas, “Xiriirka Kubadda Cagta waa inuu noqdaa XSKC Muqdisho ama waa inuu noqdaa XSKC”.
“FIFA ayaa ka masuul ah bur burka XSKC, Waayo 18-Sanno ayay hal magaalo u aqoonsanayd inuu yahay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed” ayuu si carol eh ku yiri Gudoomiyaha Naadiga Kubadda Cagta Soomaaliyeed ee Dekadaha Cabdi Jiinow Calasow oo manta shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Dekadda Muqdisho.
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|