Somali News  
    Heesta Somaliweyn: Hees  
 
 


News from Somalia in Somali
Danjiraha Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mario Raffaelli ayaa sheegay in shirkii Jabuuti ay ka soo baxday natiijo ay dadka Soomaaliyeed u baahnaayeen

Muqdisho, Isniin, Juun 23 2008 SMC     

Danjiraha Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mario Raffaelli ayaa rajo aad u weyn ka muujiyey shirkii dib u heshiisiinta ee Jabuuti, isagoo ku tilmaamay go'aannadii ka soo baxay iney ahaayeen kuwa ay aad ugu baahnaayeen Soomaalida, wuxuuna carrabka ku adkeeyey iney hubaal tahay haddii labada dhinac ay hirgaliyaan qodobadii lagu heshiiyey in la xallin doono mashaakilaadka ka jira Soomaaliya.

Wareysi gaar ah oo uu Danjiruhu maanta ku siiyey xafiiskiisa magaalada Nairobi Somaliweyn Nairobi, ayaa wuxuu ku sheegay in ay qalad tahay dadka qaar iney heshiiskaasi mucaaradaan, "Isbaheysiga Asmara mashaakilkooda ugu weyn wuxuu ahaa in la soo afmeero joogitaanka ciidanka Itoobiya, heshiiskana wuxuu dhigayaa in la sameeyo wixii ay doonayeen. Marka waxaan la fahmi karin waxa loo diidayo in fursad la siiyo natiijadii shirka" ayuu yiri isagoo intaasi ku daray iney wanaagsan tahay dadkaasi iney isku dayaan sidii xal lagu gaari lahaa.

Mario Raffaelli ayaa sheegay in qodobadii heshiiskaasi ay qeexayeen in Soomaaliya loo diro ciidamo ka imaanaya waddamada ay Soomaaliya saaxiibka yihiin, wuxuu yiri, "Waxey ila tahay iney labada dhinac ku heshiiyaan: Yey yihiin waddamada saaxiibka la ah Soomaaliya?. Waxaana muhiim ah in laga saaro waddamada dariska la ah Soomaaliya".
Mar aan weydiinay in ciidamada Soomaaliya loo soo dirayo ay qeyb ka noqon doonaan kuwa ka socda Talyaaniga wuxuu Danjiruhu ku jawaabay, "U maleyn mayo in waddamada reer galbeedka ahi looga baahan yahay Soomaaliya, laakiin waxey ka imaan doonaan waddamo Carab iyo Afrikaan ah oo saaxiib la ah Soomaaliya, oo ay labada dhinac soo doorteen".

Danjiruhu ayaa sheegay in Ra'isul Wasaaraha Soomaalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib U Xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu u dhaxeeyo jawi xal lagu gaari karo, Raffaelli wuxuu kaloo shaaciyey in khilaafka Soomaaliya ka jira uu salka ku hayo iyadoo ay isku heystaan dad wata ajande Soomaaliyeed iyo dad wata ajande dad kale.


C/raxmaan Taysiir
Somaliweyn – Nairobi
Email: taysiir@somaliweyn.com

Somaliweyn Media Center “SMC”

http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)