News from Somalia in Somali |
Maalinti labaad uu seminaarka aqoonta aasaasiga ee saxaafadda ka socdo xarunta Somaliweyn

Muqdisho, Isniin, Juun 23 2008 SMC“

Maanta oo aheyd maalinta labaad ee siminaarka ayaa siminaarka waxa looga hadlayey ”Habka loo qaado wareysiga”.
Saciid Ibraahim Buna oo ka mid ahaa bixiyeyaasha siminaarka maanta ayaa carabka ku dhuftay muhimada ay leedahay in wareysiga loo sameeyo si xirfadi ka muuqato.
”Wareysiyada waxey dadka (dhegeystayaasha ,akhristayaasha iwm.) u yihiin caddaynta dhabta ee muujinaysa xaqiiqada sheekada ama dhacdada wareedka,” ayuu yiri Mudane Buuna. Wareysiyada waxey ujeeddadoodu tahay dadka aad u warramaysid (Audience) inaanay qawlkaaga oo keliya u qaadan inuu run yahay.
Buuna ayaa xusay in wareysiyada loo kala qeybiyo laba qeybood oo kala ah:
- Wareysi Warfaafineed oo ah weydiinta su`aalaha ugu muhiimsan ee sheekada ama dhacdada wareed. ” Imisa qof ayaa dhimatay?” ama “Goormuu dabku bilowday?” Iwm.
- Wareysi Fikradeed oo keeni su’aalaha sida: “Waa maxay sababta aad u soo saartay xeerkan? ama “ Maxaad faraysaa kuwa ku dhalliilaya?
Casharka maanta ayaa lagu soo afjaray workshop iyadoo suxufiyiinta loo qeybiyey sadax koox si ay u sameeyaan wareysi loo qaadayo habka ay maanta siminaarka ku barteen. Sadax qof oo kala meteleya kooxaha la qeybiyey ayaa ugu danbeyntii soo bandhigay natiijada ka soo baxday qaabka ay wareysiga u sameeyeen.
Siminaarka oo sii socon doono sadaxda maalmood ee soo socota waxa hirgelintiisa iska kaashaday Somaliweyn Media Center iyo hey’adda Care Somalia and Southern Sudan.
Suxufiyiin tiradoodu gaareyso 15 oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee warfaafinta Somaliweyn ayaa ka qeyb qaadanaya siminaarkan. Tiro gaaraysa shan oo ka mid ah suxufiyiinta ayaa ka yimid gobalo kala duwan ee Koonfurta Soomaaliya halkaas oo ay ka howlgalaan.







Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|