News from Somalia in Somali |
Madaxa wafdiga wadahadalada ee Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya ayaa sheegay iney filayaan ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya iney ka imaan doonaan dalal Islaam ah

Nairobi, Isniin, Juun 23 2008 SMC“
Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya ahna Madaxa wafdiga wadahadalada ee ka soo qeybgalay shirkii Jabuuti, C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa sheegay iney rajeynayaan ciidanka Soomaaliya loo soo dirayo iney noqdaan ciidamo ka yimaada dowladaha Soomaaliya saaxiibka la ah, taasoo loola jeedo in lagu ilaaliyo dareenka shacabka Soomaaliyeed.
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in khibrad laga kasbaday dad aan dadka ku dhaqan iyo diin aheyn haddii loo diro dhibaatada ay leedahay, arrintaasi wuxuu xusay in laga sheegay idaacado aanu magacaabin, balse uu yiri, "Waa dowlado la rabo iney Soomaaliya xasiliyaan ayna dib u dhisaan" wuxuuna carrabaabay dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Maleysiya, Sacuudiga, Marooko iyo Urdun, isagoo xaqiijiyey Soomaaliya xilligan inaaney u baahneyn ciidamo oo kaliya balse ay tahay in dib loo dhiso adeegyadii bulshada.
"Dhaqankii siyaasadeed baa hallaabay waad la socotaan, waddankii aad buu u qarribmay, marka waa inaan dadka Muslimiinta ah ku qancino iney waddankeena noo dajiyaan, oo ay noo dhisaan, dadaalkaasna waxaa runtii si weyn qeyb uga ah Axmadu Walad Abdalla, oo ku qancinaya dalalka Islaamka iney arrimaha Soomaaliya wax ka qabtaan, waana isaga ninka ku qanciyey Beesha Caalamka in loo soo istaago Soomaaliya oo fursad la siiyo" ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Wuxuu sheegay dadka qaar iney isweydiinayaan ciidamo nabad ilaalin oo ka socda Qaramada Midoobey in loo la'yahay Darfur iyo meelo fara badan, laakiin wuxuu sheegay qoraalka inuu dhigayo ciidamo Soomaaliya xasiliya, "Lama sheegin ciidan Qaramada Midoobey ka socda iney noqon doonaan" ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray "Waxyaabaha dadka loo sheegay waxaa ka mid ah ciidanka Soomaaliya loo diraayo tiradiisa, inuu ku filan yahay iyo inuusan ku filneyn, waa wax ay Qaramada Midoobey qarineyso, wax anaga nala weydiinaayo ama Itoobiya ama TFG ma ahan" ayuu yiri, taasoo uu sheegay iney iyagu shaki ka muujiyeen, balse ay markii dambe ku qanceen markii ay ogaadeen in cidda Soomaaliya ciidanka loo dirayo xaddideysa ama qarineysa iney tahay Qaramada Midoobey oo aaney jirin cid kale oo u sheegeysa tirada ku filan iyo tan aan ku filneyn.
C/raxmaan C/shakuur Warsame, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya ahna Madaxa wafdiga wadahadalada ee ka soo qeybgalay shirkii Jabuuti, wuxuu sharraxaad ka bixiyey dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee qabsaday iney ka mid ahaayeen, "Waxaan aheyn" buu yiri, "Dad xambaarsan dareen dad dhibaateysan" sida uu hadalka u yiri, inaaney taasi kaligeed aaney noqon mid ay wax ku goosan karaan.
Dhibaatooyinka kale ee qabsaday wuxuu ku sheegay iney kala duwanaayeen waxa lagala hadlay iyo waxyaabihii ay iyaga ka hadlayeen, wuxuu tusaalooyin u soo qaatay, lixdii bilood ee Maxkamadaha Soomaaliya iney u aheyd ammaan, hase yeeshee beesha Caalamka amni aaney u aqoonsaneyn, oo ay u arkayeen dad khatar ah, "Itoobiya haddii ay baxdo waxaa la leeyahay dagaal ahli ah ayaa dhacaaya, macnihii dadka dhawr iyo tobanka ah ee la dilay, dadka la bara-kiciyey, dadka guryahooda la dumiyey, waxaa loo heystaa Itoobiya haddii ay baxdo iney ammaan heysteen oo ammaankii meesha ka baxaayo, marka waxaas oo dhan inaad fahamto mas'uuliyad ku saaran waaye, adduunka inuu ku fahmo", ayuu yiri.
Hadalkani wuxuu ka sheegay kulankii shalay ay yeesheen Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya iyo Bulshada Soomaaliyeed ee dagan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|