News from Somalia in Somali |
Sheekh Shariif oo sheegay difaacu inaanu aheyn kaliya in xabbad la rido ee loo baahan yahay in xabadda siyaasad lagu hoggaamiyo

Nairobi, Sunday, June 22 2008 SMC“

Shir ay soo qaban qaabiyeen Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya, isla markaana ay ku casuumeen Bulshada Soomaaliyeed ee degan magaalada Nairobi ayaa maanta ka dhacay Hotel Hilton ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kulankani oo ay Isbaheysigu sheegeen in looga hadlayey Geeddi Socodka Nabadda ee Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha Warfaafinta ee Isbaheysiga Suleymaan Colaad Rooble, Guddoomiyaha Guddiga Wadaxaajoodka ee Isbaheysiga ahna ku xigeenka Guddoomiyaha Golaha Dhexe C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, Maxmed Cabdi Yuusuf, Ugaas Axmed Bille Xasan Gaboobe, Prof Maxmed Cabdi Maxmed (Gaandi) Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan {(Ibi).
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay jiraan fursado badan, oo ay ka mid tahay in Soomaalida ay muujiyeen inaan la qabsan karin iyo bulshada caalamka iney garwaaqsatay waxa adduunka qaar ay u arkayeen iney Soomaaliya xal u noqon karaan ineysan xal u noqon karin iyo Isbaheysigu inuu diyaar u yahay xal diblumaasiyadeed in la raadiyo oo aan xabbad kaliya waxba lagu raadin, "Waxaan isleenahay fursadahaas kulmay maalin walba isma dul saarna, marka mas'uuliyadda na saaran waxey tahay inaan ku dadaalno sida xal loo heli karo. 19 sanno ayuu dagaal soo socday, dagaalo fara badan ayaa dhacay natiijadana lagama keenin" ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu intaa ku daray Shirkii Jabuuti dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti iney hor yaallaan caqabo badan, "Laba un bay mid aheyd caqabaad fara badan ayaa hor yaalla, laba unbey mid aheyd, in aan tanaasuli weyno oo xariga dhinaceena aan ka jiidno laguna kala tago iyo inaan anagu tanaasul muujino waxna lagu heshiiyo, labadaas arrin markaan isgarab dhignay waxaa noo soo baxday ineysan suuragal aheyn inaan ka sugno dadkii cadaw dalka ku soo hoggaamiyey ee dhibaatadaad aragteen geystay iney qodobo ka tanaasulaan ineysan suuragal aheyn, waxaan qaadanay marka anaga inaan qodobo ka tanaasulno, laakiin bud-dhiga mawduuca aynaan ka tanaasulin kaasoo ah iney Itoobiya meesha ka baxdo" ayuu yiri Guddoomiyuhu.
Sheekh Shariif wuxuu soo hadal qaaday intii uu ka hadlay kulanka maanta ka dhacay magaalada Nairobi xubnaha kale ee isbaheysiga ee dhaliilay heshiiskii ay soo saxiixeen, wuxuu sheegay iney yihiin dad ay walaalo yihiin oo ay soo wada shaqeeyeen isla markaana aaney marna kala maarmi karin, "Waxaan qaadanay maadaama ummadda xalkeeda aan raadineyno inaan hadalka qaadano, walaalahana hadalka aan la wadno haddii wax wanaagsan aan keeno waa sidii la rabay walaaluhuna waa na waafaqayaan waana na waafaqsan yihiin waxa la isku khilaafsan yahayna aad bay u yar yihiin, haddii aan xalka aan weyno diblumaasiga ah oo aan wax ku keeni weyno, awalba meeshii wax noo joogeen ayaan ka wadeynaa meel kaloon u wadno ma leh waxaana suurtagal aheyn inaan aqbalno Gumeysi" ayuu yiri.
Dadkii la casuumay mar uu la hadlayeyna wuxuu yiri, "Sidaas daraadeed waxa aan soo qaadnay iyagoo nala qaraar aan waxaan u qaadnay iney maslaxo ku jirto haddii maanta xal dhameystiran aan lagu gaarin iney dariiq noqon karto, qof kasta oo naga mid ah wuxuu ku fikiraa inuu dagaal furan iska socdo", wuxuuna intaa ku daray in xaaladdu ay maalinba meel joogto, "Meesha ay joogto taladeeda in la qaato ayaana la rabaa" ayuu ku sii daray, isagoo sheegay in difaacu aanu aheyn in xabbad oo kaliya la rido, xabbadu waxey u baahan tahay siyaasad lagu hoggaamiyo.
Sheekh Shariif: Maalin walba xaaladdu meel bey joogtaa, meesha ay joogto taladeeda in la qaato ayaana la rabaa, Soomaaliya 18 sano ayey dhibaato ka jirtay maalin kastana way sii kordheysaa, runtii dhibka ugu badan wuxuu dhacay sannad iyo barkii la soo dhaafay, xaqiiqadu dadka Soomaaliyeed arrintaa iyada ah inaanu xal ku imaaneyn waa ogaayeen oo dhibaatada ay sii kordhineyso, dhib fara badan aya dhacay naf iyo maal fara badan ayaa la waayeywaxa loo dagaalamaayey waa xaq, dad la qabsaday oo dhib loo geystay oo wixii karaankooda ah isku difaaca ayaan ahayn, difaacu ma ahan kaliya xabbad in la rido, xabbadu waxey u baahan tahay siyaasad in lagu hoggaamiyo, taariikhda Soomaalida marka loo laabtana meesha Soomaaliya ay ka hallaabi jirtay xabbada ma aheyn ee siyaasadda ayey aheyd, adduunka aan ku noolnahay kaligeen kuma noolin awood aan ku maquunino ma lihin, in aan ka fikirno habka danaheena aan u meelmarin karno waa waajib anaga na saaran, sidaas darteed ayaan go;aansanay markii aan tashanay in wadahadal la galo xalna lagu raadiyo waa suurtagal in xal lagu helay oo sidii la rabay ah waa suuragal xalkii la sugayey mid aan aheyn in lagu helo, laakiin anaga waxaa na saarna inaan dadaalno, mar haddii dhibaato jirtana haddiiba xal muuqdo in xalkaas la dadajiiyo waa minal xikma, waayo waxa lagu jiro wax fiirsasho leh ma ahan, adaa lagaa rabaa inaad sharaxdid waxa aad qaadan kartid iyo waxa aadan aqbali karin.
C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Guddoomiyaha Guddiga Wadahadalada ee Isbaheysiga isla markaana ah ku xigeenka Guddoomiyaha Golaha Dhexe ayaa sheegay in ciidamada la isku afgartay Soomaaliya in loo diro hadafka laga leeyahay inuu yahay iney dalka xasiliyaan, isagoo xusay in dhinacyo badan markii ay ka eegeen iney ku guuleysteen ciidamadaasi iney noqdaan kuwa ka socda waddamada Islaamka, oo dadka Soomaalida ah ay isku dhaqan iyo diin yihiin.
Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga wuxuu ka dhawaajiyey in ay socdaan wadahadalo meel wanaagsan maraya oo u dhaxeeya iyaga iyo xubnaha Isbaheysiga ee diidan Heshiiskii ay dhawaan dowladda la saxiixdeen.




C/raxmaan Taysiir
Somaliweyn - Nairobi
Email: taysiir@somaliweyn.com
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|