Somali News  
    Heesta Somaliweyn: Hees  
 
 


Wararka : Wargeyska OGAAL

Hargeysa Khamiis, 02 July 2009 SMC

“Madaxweyne Rayaale maanta waa Kootarabaanayste oo dembi igama raacayo”

Xil. Maxamed Faarax Qabile…Golaha Wakiillada

“Ismaaciil Cumar Geelle, Daahir Rayaale iyo Afar baayac-mushtar ah oo aad moodo inay sitaan Lacag aanay lahayn, himilada Somaliland ma marin-habaabin karaan”

Hargeysa (Ogaal/HWN)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Maraykanka Mr. Donald Payne oo sheegay inuu ku dedaali doono sidii dawladdiisu u go’doomin lahayd Somaliland, ka dib markii ay Xukuumadda Madaxweyen Rayaale diiday ka qaybgalka martiqaadkii loo fidiyay ee Washington.

Xildhibaan Qabile oo shalay waraysi siiyay shabakadda Hadhwanaagnews, waxa uu dhawaaqaa Donald Payne ku tilmaamay hadalkii ugu xumaa ee Xildhibaan Maraykan ah kaga yimaada Somaliland. Xildhibaanku waxa uu sheegay in marxalada Somaliland hadda maraysaa tahay tii ugu xumayd ee soo wajahda tan iyo intii ay gooni-isu-taageeda ku dhawaaqday sannadkii 1991.  “Saaka (shalay subax) oo ay bisha July tahay 1 sannadka 2009, waxaan doonayaa inaan ku wargeliyo dadka reer Somaliland gudo iyo dibad meel kasta oo ay joogaan, in Somaliland gashay marxaladdii ugu adkayd marka loo eego siyaasadeeda arrimaha dibadda iyo teeda gudahaba. Maanta dhawaaqa ka soo yeedhay Xildhibaanka Guddoomiyaha u ah Guddi-hoosaadka arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Maraykanka Mr. Donald Payne ee uu yidhi, ‘Somaliland haddii ay doonayaan inay is-go’doomiyaan, waxa loo xaqiijin karaa inaan samaynayo wax kasta oo aanu ku go’doomin karno. Dhawaaqyada noocaas ah waxa loo baahan yahay oo ay tahay in laga fikiro waxa keeni kara oo la yidhaahdo maxaa abuuray?. Hadalkaa maanta ka soo yeedhay Xildhibaan Donald waxa weeye; faragalintii ugu xumayd iyo mid aan hore inooga soo marin Xildhibaanada Golayaasha Maraykanka iyo Maamuladii ka hadda talada haya ka horeeyay ee Maraykanka. Arrinkaa xasaasaddiisa iyo waxa dhaliyay haddaan hoos ugu noqdo, waxaan filayaa in arrintaasi tahay sida uu sheegayo qodobka 53-aad ee Dastoorka Jamhuuriyadda Somaliland waxa weeyaan xilka uu Golaha Wakiilladu khaas u leeyahay, waxayna ahayd inay dersaan heshiis kasta oo caalami ah oo siyaasadeed ama dhaqaale oo ay dawladdu cid kale la gasho. Waxaan qabaa tibaaxdaa inaga tagtay qirasho la’aan uun baa jirtay in shirarkii qarsoodiga ahaa ee Madaxweyne Rayaale lagala quustay inuu sheego muddadii afarta sano ahayd ee Golaha Wakiillada la soo doortay jiray, in saakana la gaadhay xiligii midhaha aan nacfiga lahayn ee uu Rayaale beerayay cagaarkoodu Somaliland ku soo baxayeen.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ugu jira xisbiga UCID, lagana soo doortay gobolka Saaxil. Wuxuuna intaa raaciyay; “Xildhibaanka jawaabta aan siin lahaa isaga iyo inta wax la aaminsanba waxa weeyaan, hanaanka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa qodobkiisa aayo-ka-talintu ma dhigayo in aanay Somaliland aayaheeda ka tashan, ka Midawga Afrikana kuma yaalo. Markaa, xaq bay u leedahay inay Somaliland aayeheeda iyadu ka tashato, qaraarka aanu qaadanay iyo himiladayada gooni-isu-taaga waanu ka dhabaynaynaa waqti kasta oo ay nagu qaadanayso.”  

Mar uu Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille ka hadlayay sababta ay Somaliland uga qaybgali wayday shirka Maraykanku ku martiqaaday, waxa uu yidhi; “Somaliland shirkaas waa lagu macsuumay, waanay diiday dawladdu. Markaa, waxaan aad u tuhunsanahay arrin hore uga tegay inuu meesha yaallo, waayo waxa la yidhi, ‘HADAAN SACABKA XEELADI KU JIRIN MAXAA HABEENKII LOO GARAACAA?’.Waxaan canaan kulul halkan uga soo jeedinayaa Shirgudoonka Golaha Wakiillada, iyada oo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu warsaxaafadeed cad ku bixiyay xilli aan inaga fogayn kalfadhigani marka uu bilaabmo in Madaxweyne Rayaale Golaha horkeeno dhamaan heshiisyadii caalamiga ahaa ee uu galay, kuwo siyaasadeed, kuwo dhaqaale, kuwo maalgalineed iyo heshiis kasta oo culays keenaya, haddaan lagu sii cadaadina fadeexaddu way ka sii balaadhan doontaa intaas. Sidaa daraadeed, waxaan leeyahay dadka reer Somaliland waa inaad isku dareen noqotaan oo ay aad u midowdaan dareenka aad Qarannimadiina ku xaqiijinaysaan.” Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu farta ku fiiqay dareeno uu xusay inay maalmahan ka soo yeedhayaan Xukuumadda Rayaale. “Waxa kale oo jirta in maalmahan dambe Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ay ka soo yeedhayso Deeq-bixiyayaashu haddii ay nagu cadaadiyaan waxaanaan doonaynin waanu isku filanahay ee hanaga baxaan. Laakiin, Xukuumadda Mushaharkii Shaqaalaha u wayday iskuma fila’e Ingaydh meel kale ah ayaa jira. Waxaan qabaa inaan maanta Midawga Yurub taagnayn halka uu taagan yahay Maamulka Maraykanku ee way ka duwan yihiin, haddiise Somaliland ay maanta xaqiijiso himiladeedii ay u soo martay jidka adag, taasi waxba ka qaadi mayso,” ayuu yidhi Qabille. Mar uu ka hadlayay dhinaca doorashada Madaxtooyada Somaliland oo dhawr jeer waqtigii ay qabsoomi lahayd dib uga dhacday, waxa uu yidhi, “Waxaan qabaa Shakiga iyo mugdiga ku xeeran doorashada waqtiga ka yar 90-ka habeen ee weli la eegayo ee Midawga Yurub ka soo taagan yahay meermeerka ku dhacay shuruudihii doorashada, waxaan qabaa inay tahay saacadda oo la ridayo, daqiiqad haddii ay waydaarato waqtiga loo cayimay ee 27-ka September 2009-ka waxa lala sugayaa dareenka ka soo yeedhay Maraykanka. Siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Somaliland waa mid ku qotonta siyaasaddii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Daahir Rayaale ee daaha Midaw dabadiisa ku jirtay…Doorashadu maalin hadday ku darsato waqtiga loo cayimay aayo-ka-talin ayaa laga galayaa, iyada oo laga fuuryeelayo inaanay marin habaabin oo aanay lumin himiladii iyo rabitaankii qaddiyadda jiritaanka Somaliland. Waxaan qabaa in Madaxweyne Rayaale iyo in badan oo Xukuumaddiisa ka mid ahi inaanay daacad ka ahayn jiritaanka iyo qaddiya gooni-isu-taagga Somaliland, maalin maalmaha ka mid ah ayaanay inagu soo bixi kulaylka Cadceedda xageeda la inoo wadaa, haddii aan laga feejignaan….Dadka reer Somaliland waxay fuuleen maalin aan maanta ahayn Gaadhi ay u kiraysteen Tog-Wajaale, laakiin u socda Balcad, Nin og iyo Nin aan ogaynba Gaadhigaas ayay maanta saaran reer Somaliland saaran yihiin, Dadka reer UDUB-na Lacagtii Noolka ayuunbay Darawalka u qadimeen oo ay iska siiyeen, laakiin waa reer Somaliland. Waxaanan u soo jeedinayaa shacabka Somaliland guda iyo dibad inay u soo jeestaan sidii ay wadajir ugu ilaalin lahaayeen inaan la lumin Masiirkooda ay dhibta badan u soo mareen.” Wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi; “Ismaaciil Cumar Geelle, Daahir Rayaale iyo afar yaryar oo baayac-mushtar ah oo aad mooddo inay sitaan Lacag aanay iyagu lahayn, Wallaahi inaanay himilada Somaliland maanta ka marin-habaabin karin meeshii loogu talagalay, ta Illaahay kumaan darin. Madaxweyne Rayaale waxaan ku wargalinayaa inaanad sii fadhiyo doonin haddii doorashadu waqtigeeda ku dhici waydo, waayo ama Xisbi kasta oo ay yihiin dadka reer Somaliland way kula socdaan sidaad wax u waddo….Safarada Maaweelada ah ee Ina Rayaale iyo heshiisyada qarsoodiga ah ee uu galayo, ayaa cadayn u ah inaanu Somaliland daacad ka ahayn, waxaanan leeyahay haddaan Midhaha Darayga Duuduub ku liqi jiray, maanta waxaan ka digayaa Dirxi inuu ku hoos-jiro. Madaxweyne Rayaale maanta waa Kootarabaanayste, dembi igama raacayo, Macdan uu gurto, Xoolo uu xaraashto iyo Shilin uu urursanayo. Badhtamaha bisha August ee sannadkan intaan la gaadhin, Annigu waxaan eegayaa meesha uu Rayaale safar ku tagayo ee aanu ka soo noqon doonin marka uu tan xamili waayo hawsheeda nin kastoo hurda maantana uu ku tooso. Markaa, Xisbiyadana waxaan leeyahay intaynu ku mashquulsanahay Annaga ayaa helayna (doorashada) yaan meel kale layna gaynin. Madaxweyne Rayaale-na waa dilaa aamusan.”

Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Hadhwanaagnews.com 

Nuxurka kulan Shalay  dhex maray Madaxweyne Rayaale & Komishanka Doorashadda

“Natiijadii Diiwaangelinta oo gacanta ugu jirta Deeq-bixiyayaasha iyo Hay’addan aanu wada shaqayno ee Interpeace..” 

“.Haddii labada Toddobaad ee soo socda aanu hawsha 80% riixi kari wayno, dee dib-u-dhac baa imanaya, eeddana lama wada yeelan doono ee cid uun baa yeelan doonta.”

Xasan Cumar Hoorri 

Hargeysa (Ogaal)- “Inkasta oo aan ahay xubintii ugu dambaysay ee Komishanka ku biirta, haddana waxaan marka hore talo u jeedinayaa Axsaabta, Xukuumadda iyo shacabkaba. Taas oo ah, Komishanka Doorashada maanta laga sugayo maaha xil kaligii saaran ee waa xil umadda oo dhan wada saaran.  Waxaanan odhan karaa, ififaalaha maanta soo baxay, waa markii ugu horraysay ee aan qof dibloomaasi ah ka maqlo, haddii aad ku guulaysataan Doorashooyinkan, aqoonsigiinii kaabbiga ayuu saaran yahay. Doorashadan inagu soo fool lehi waa tii imtixaanka ku ahayd Jamhuuriyadda Somaliland, Shacabkeeda, Axsaabteeda iyo Xukuumaddeedaba.” Sidaa waxa yidhi Xasan Cumar Hoorri oo ka mid ah Xubnaha Komishanka Doorashooyinka, kaas oo ka waramay waxyaabihii lagaga wada hadlay kulan shalay dhex maray Madaxweyne Rayaale iyo lix xubnood oo Komishanka ka mid ahi.

Xasan Cumar Hoorri oo ah Xubintii bedeshay xubin hore uga tirsanaa Komishanka oo geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Xasan Maxamed Cumar (Looshade), ayaa ka warbixiyay nuxurka wada-hadallo shalay dhex maray Komishanka, Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne-ku-xigeenka. Waxaanu Xasan Cumar Hoorri sheegay in ay qoraallo u dirayaan Deeq-bixiyayaasha oo uu sheegay in ay gacanta ku hayaan natiijada Diiwaangelinntii Cod-bixiyayaasha, kaas oo ay kaga dalbanayaan inay shaaciyaan waqtiga rasmiyan lagu dhawaaqayo natiijadaas iyo sidoo kale inay soo daayaan Lacagtii Doorashada ee ay bixinayeen.

Xasan Cumar Hoori oo shalay u waramay Idaacadda Horyaal, ayaa wuxuu sheegay in maalinta sabtida ah ee soo socota ay kulan isugu iman doonaan Komishanku, ka dib marka ay warar sugan ka helaan sida uu sheegay Deeq-bixiyayaaasha iyo Axsaabta oo ay ka sugayaan Xeerkii Anshaxa. Waxaanu sheegay in haddii kulankaasi aanu noqon mid xambaarsan xogahaas, ay umadda u sheegi doonaan cidda rasmiyan hor taagan Doorashada. “Waxaana loo baahan yahay in dhammaanteen aynu is-garab taagno, haddii aynu inagu dhexdeena yooyootanno, waxaynu ujeednaa in dalka loo go’aaminayo dhibaato, dagaal, xumaan, xabbad iyo waxaan laga bixi karaynin. Markaa waxan leeyahay oo aan soo jeedinayaa, waar doorashadu Komishanka uma taalo ee umadda oo dhan bay u taalaa ee aynu is-garab taagno.” Ayuu yidhi Xasan Cumar Hoorri oo hadal hordhac ah ka horraysiiyay Waraysigaas.

Waraysigaas ayaa wuxuu u dhacay sidan;

S: Halkee hawlaha Komishanka ee doorashada ku aaddanaa ay idiin marayaan?

J: Ilaa hadda anigu intaan ogahay, Xisbiyada Qaranka iyo Komishanka waxay ku taagan yihiin Doorashadu waxay qabsoomaysaa waqtigii loogu talo-galay ee 27 September, ilaahayna sidaas ayaynu ka baryaynaa. Runtii way muuqataa oo waa la sii odorosi karayaa waxyaabo badan oo dib nooga dhacay, haddana waa laga daba tegi karaa haddii ay timaado niyad-wanaag, dedaal iyo xil wayn oo layska saaro.

S: Xasan, waxa jira Warar sheegaya in aanay Weftigii Deeq-bixiyayaasha ee dalka yimi aanay kulan idinla yeelan, arrintaa maxaa ka jira?

J: Weftiga hadda yimi, waxa ka soo horreeyay Safiirkii Ingiriiska ee Itoobiya oo ka mid ah dawladaha kuwa ugu firfircoon ee deeqda ina siiya, waananu la kulanay, Xukuumadduna way la kulantay, Xisbiyada Qarankuna way la kulmeen. Maalintay Weftigan kale imanayeen ciddii ugu horraysay ee ay la soo xidhiidhaan Komishanka ayay ahaayeen, ballan baa naloo qabtay oo Xafiiska EU-da ayaanu ballanka ku lahayn. Nasiib-darro, waxa dhacday markaa dabaylo kacay darteed in ay Diyaaraddii Hargeysa ku soo degi wayday, ka dibna ay Berbera ku degtay. Runtii intii aanu isku sheegi lahayn, xidhiidho toos ah iyo kuwo kaleba waanu isu sheegnay. Markaa wax cuqdad ah oo aan u arko inaanu kulmi waynay ma jirto, iyagana (Weftiga Deeq-bixiyayaasha) xil baa laga sugayaa, anagana xil baa nalaga sugayaa. Aan mid kale ku darsadee, Komishanku labada cisho ee inagu soo fool leh, ilaa Jimcaha, waxaanu rabnaa in aanu arrinkayaga soo gebo-gebayno, waxaanu rabnaa in aanu Deeq-bixiyayaashii la hadalno, waxaanu rabnaa ballankii ay qaadeen ee ahaa inay deeqdaa bixiyaan, in aanu nidhaahno Lacagta xilligeedii ku soo shuba. Waayo, Xukuumadda dhinaceedii waanu ka haynaa. Waxaanu rabnaa oo wax walba ka muhiimsan, xilligii Doorashadu waxay mar walba dib ugu dhacaysay diiwaangelinta oo aynu nidhi yaanay Doorashadu qabsoomin iyada oo aan dadka la diiwaangelin, natiijadii Diiwaangelinta oo gacanta ugu jirta Deeq-bixiyayaasha iyo Hay’addan aanu wada shaqayno ee Interpeace, iyagiina inay is-muujiyaan mawqifkoodii iyo ballanku siduu ahaa ay ku soo baxdo. Markaa labadaa cisho ayaanu dhinacayaga ku soo gebo-gebayn doonaa, iyagana aanu waydiisan doonaa in ay Lacagta qaybtoodii soo shubaan, natiijadii Server-kana xilligii loo muddeeyay inuu ku dhacayo inay sheegaan. Taas haddii wax ka duwani haddii ay soo baxaanna, waynu isla ogaan doonnaa, balse anagu sidaas ayaanu ku rejo waynahay iyo wax waliba inay waqtigoodii ku socdaan.

S: Xisbiyada Mucaaradka ah kulan baad la gasheen, dhinaca kale waxa la sheegay in aad Madaxweyne Rayaale kulan la yeelateen. Kulamadaa maxaa ka soo baxay?

J: Komishanka Qaranku shalay (dorraad) wuxuu la kulmay Xisbiyada UDUB, Kulmiye iyo UCID, maantana (shalay) anaga oo dhan oo lix xubnood ah waxaanu la kulanay Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka. Runtii, waxaan arkaa canaani dhinacay doontaba ha ka jirtee, kulligayo waxaanu ka wada hadlaynay iyo ujeedadu mid uun bay ahayd, doorashadii in xilligii loo muddeeyay ee 27 September ay qabsoonto. Ciddii markaa ay ka qabsoomi waydo iyo ciddii hortaagani way soo baxayaan, laakiinse ilaa hadda cid aanu ku dhaliilayno iyo cid aanu eed saarayno midna ma jirto. Saddexda Xisbi Siyaasiba waxaanu ka sugaynaa inay ugu dambayn Sabtida ay noo soo gudbiyaan Anshaxii Doorashooyinka oo aanu u gudbinay inay noo soo gudbiyaan, iyaga oo soo gebo-gebeeyay oo aanu Bisinka u qabano oo aanu Qalinka ku duugno, halkaana ka sii socono. Markaa anigu kama dayrinayo.

S: Xasan, cid kastaaba ha idinku soo raacdo’e idinka ayaa leh masuuliyadda Doorashada guul iyo guul-darro wixii ka soo baxa, sidaa darteed, si aanay hadhow eedi idiinku iman, miyaanay ahayn in aad si cad u sheegtaan Mucaarad, Xukuumad iyo Muxaafad kii doonaba ha ahaatee, cidda hortaagan Doorashada ee laga wadi kari la’yahay?

J: Walaal way tahay, dhaliiluhuna way jiraan oo wax aynu qarsanayno maaha oo Komishanka dhexdiisa ayay ka jiraan, Axsaabta Qaranka ayay ka jiraan, Xukuumadday ka jiraan. Saacaddan runi run bay gaadhay, fooli hadday timaaddana, gudo qarsiimo hadhay. Waxaan qabaa anigu toddobaadkan wixii ka bilowda inaan dembiga la wada yeelan doonin. Waxaan qabaa, Ilaahayna ka baryayaa oo aan ku rejo waynahay in aanu kulligayo arrinkan Xalay-dhalay ka noqono oo aanu is-eedaynta iyo yooyootanka dhaafno oo danta qaranka isu taagno. Haddiise toddobaadkan iyo labada toddobaad ee inagu soo socda aanu hawsha 80% riixi kari wayno, dee dib-u-dhac baa imanaya, waana ta laga digayo. Markaa eedda lama wada yeelan doono ee cid uun baa yeelan doonta. Balse, ilaa hadda intaan ka war qabo Axsaabta, Madaxweynaha iyo ku-xigeenk oo aanu maanta (shalay) la kulanay, Hay’adaha deeqda bixiya iyo gudahayagaba waxaan u arkaa arrimuhu inay si raynrayn leh u socdaan.

S: Goormaa la sugayaa oo laga yaabaa inay tahay waqtiga aad codsanaysaan in la soo saaro natiijadii Server-ka?

J: Waxaanu ku rejo-waynahay in aanu maalinta sabtida ah isu nimaadno anaga oo war buuxa ka hayna Deeq-bixiyayaashii, Lacagtii laga sugayay iyo natiijadii Server-ka. Anagoo war sugan ka hayna Xisbiyadii iyo heshiiskii anshaxa ahaa ee laga sugayay. Insha Allahu sabtida in aanu war sugan la nimaadno, warkaasi hadduu noqon waayo mid dhammaystirana, eedda lama wada yeelanayo ee ciddii eedda leh waa qaar uu Qaranku ogaan doono, hadday Xukuumadda noqoto, hadduu Komishanka noqdo, hadduu Axsaabta noqdaba iyo hadduu Deeq-bixiyayaasha noqdaba.

S: Xasan, waxa nagu maqaalo ah in 26-kii bishii hore ay u astaysnayd in la bixiyo qandaraasyadii oo ay hawluhu kala furfurmaan, taasina may dhicin. Dib-u-dhacaa yimi ma laga gaadhsiin karaa baad leedahay haddii sabtida laysula yimaaddo war sugan?

J: Anigu waxaan qabaa eeddaa lama wada laha oo waxa leh Deeq-bixiyayaasha, deeq-bixiyayaashuna Komishanka iyaga ayay u adeegayaan ee inay xilkaa gartaan weeye, xilligii lagu ballansanaa iyo dib-u-dhicuna deeq-bixiyayaasha dhinacooda ayuu ka yimi. Markaa hadda waxaanu u qoraynaa qoraal aanu sidaa ku muujinayno, eeddana aanu iyaga korka ka saarayno. Wixii intaa ka dambeeyana aanu u wada dhammaano, lana rabo in muddadii 27 September laba bilood ka hor  la rabo natiijadii Server-ka, sidoo kalena ka hor loo dareero qandaraasyadii, gobollada iyo degmooyinka shaqaalayntoodii la helo. Markaa Insha Allah waxaas oo dhan waanu ku rejo waynahay. 
 

Geel laga soo celiyay Caasha-caddo oo la diiday in laga dhoofiyo Berbera 

“Wuxuu diiday amarkii wasiirka Maaliyadda, waxaanu nagu yidhi Madaxweynaha ayaa Amarkaas i siiyay mid kale oo aan aqbalayaana ma jiro.”

Hargeysa (Ogaal)-Mid kamid ah Ganacsatada Xoolaha dhoofisa ayaa sheegay, in Maamulaha Kastamka Berbera uu ka joojiyay  Geel uu halkaa ka dhoofin lahaa oo uu xusay in hore loogu cashuuray Kastamka Caasho-Caddo ee Galbeedka Somaliland. Isla markaana Ganacsaduhu wuxuu xusay  in Maamulaha Kastamka Berbera uu diiday amar qoraal ah oo Wasiirka Maaliyadu u diray.

Cabasho arrintaa la xidhiidha oo uu xalay na soo gaadhsiiyayna wuxuu ku yidhi Ganacsaduhu;

“Anigoo ah Suldaan Maxamed Jaamac Cabdilaahi (Jikaar) waxaan ka hadlayaa cadibaad uu Maamulaha Kastamka Berbera noo gaystay, kuna joojiyay Geel aanu doonayno in aanu halkaa ka dhoofino.

Geel aan ka soo celiyay meesha la yidhaahdo Caasho-caddo oo halkaas la  igaga  cashuuray, ayaan damcay in aan markii dambe ka dhoofiyo Berbera.  Wasaaradda Maaliyaduna markii ay eegtay shatiyadii cashuurta nalaga qabtay, Wasiirka Maalliyadu amar buu bixiyay uu leeyay, Xoolahaasi way cashuuran yihiin ee ha la sii daayo, waxaanuu u  kala  diray warqadaa laamaha ay khusayso, sida Kastamka Berbera iyo Maareeyaha. Hasa yeeshee,markii aanu is nidhi  Geellii rara, Markabkii qaadayayna Dekeda ku xidhan yahay  ayaa waxaa is-hortaagay oo diiday in Geelu dhoofo Maamulaha Kastamka Berbera Maxamuud Gahayr.  Ninkaas ayaa is-hortaagay Amarkii Wasiirkana diiday. Markii aanu nidhi maxaa dhacayna wuxuu nagu yidhi; Madaxweynaha ayaa igu yidhi Xoolaha  Xeebta Galbeed lagu cashuuro haddii la soo celiyo mar labaad cashuur.

Hadda Geelayagu maaha mid aanu rarnay oo dibada laga soo celiyay  ee markuu Caasho-caddo marayo ee aanu halkaa ku cashuurnay, isagoon Jabuutiba gaadhin ayaa naloo soo sheegay in aan Jabuuti iib jirin, dabadeedna halkaas ayaanu ka soo celinay. Kadibna, waxaanu damacnay in aanu u dhoofino Cumaan, duruufta ayuun baa nagu kalifaysa ee meel uu isku bixinaayo maaha, balse  wuxuun ha ka soo noqdaan baanu is leenahay, hase ahaatee  markii aanu is-nidhi Berbera ka dhoofiya Maamulaha Kastamka ayaa noo diiday. Markii aanu si adag u wada hadalnayna wuxuu nagu yidhi, Madaxweynaha ayaa Amarkaas i siiyay mid kale oo aan aqbalayaana ma jiro. Sidaas darteed arintaasi way na deeqi wayday, Geelliina Laba iyo Toban maalmood ayuu Berbera oo kulayl ah tuban yahay. dunida abaar baa ka dhacday oo geedo looma hayo.  Markaa meeshaa aad baanu ugu dhibanahay, Geellana waxyeelo badan ayaa gaadhay, sidaas aawadeed waxaanu leenahay Madaxweynaha, hadii amarkaasi jiro ka noqo, illayn Geel nalaga cashuuray in mar labaad nalaga cashuuraa socon mayso’e. Hadii aanu amarkaasi jirina cidii xukuntaa ninkaas ha la hadasho oo hanaga qabato. Geelu waa 242-Neef, midkiiba waxaa nala qaaday shan iyo toban Dollar  oo cashuur ah iyo laba Dollar oo kale oo iyana  cashuur kale ah.

Sidaa daraadeed, waxaan ku celinayaa, haddii amarkaasi jiro waa in Madaxweynuhu xayiraada naga qaado oo xoolaha noo fasaxo”.

Xalay iyo foola-deynta Dufcaddii u horaysay Dhakhtaro ka qalin-jebiyay Jaamacadda Hargeysa

“Muddo badan waxaynu ku jirnay in bulshada iyo Qaaradduba ay soo saarto ‘dagaal-yahan qori rida iyo kii uu dhaawacaya ama uu dilayay’. Laakiin….” Dr. Xusseen Cabdillaahi Bulxan

Hargeysa (Ogaal)- Jaamacadda Hargeysa, ayaa xaflad balaadhan oo sagootin ah u samaysay Dhakhaatiirtii u horeysay ee ka qalin-jebisa Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda.

Dhakhaatiirsan cusub oo ka kooban 15 xubnood, waxa xafladaa sagootinta ah ee loo sameeyay oo xalay lagu qabtay Hotelka Maansoor ka qaybgalay Wasiirka Caafimaadka, Maamulka Jaamacadda, wefti ka socday Kings College oo la shaqeeya Kulliyada Caafimaadka, xubno ka socday ururka Dhakhaatiirka Somaliland, ardayda Jaamacadda iyo marti-sharaf kale.

Ugu horayn, Prof. Cabdillaahi Odowaa oo ah Hormuudka Akaademiga Jaamacadda Hargeysa oo halkaas ka hadlay, ayaa ka waramay farqiga u dhexeeya markii Kulliyadda Caafimaadka lagu kordhiyay Jaamacadda iyo heerka ay maanta marayso. Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xusseen Cabdillaahi Bulxan oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasibadaas, ayaa Dhakhaatiirta Somaliland ku amaanay doorkii ay ka qaateen waxbarista Dhakhaatiirsan cusub. Isla markaana uu Dhakhaatiirta cusub ku amaanay dedaalkii ay muujiyeen muddo 7-sannadood ah oo ay si xidhiidh ah waxbarashooda u soo wateen. “Run ahaantii, dalkan aynu joogno iyo qaaraddanba (Afrika) maaha hawl yar in qof Mutacalim ah la soo saaro, hadduu Dhakhtar yahay iyo haddii uu cilmi kale leeyahayba. Muddo badan waxaynu ku jirnay in bulshada iyo Qaaradduba ay soo saarto ‘dagaal-yahan qori rida iyo kii uu dhaawacaya ama uu dilayay’. Dhakhaatiirtii u dambaysay ee la soo saaray dalka, waxa ugu dambaysay sideetamaadkii. Markaa muddo badan baynu soo saaraynay ka qoriga rida iyo ka lagu rido,” ayuu yidhi Dr. Bulxan. Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in xafladaasi tahay mid sagootin ah oo ay u sameeyeen 15 Dhakhtar ee cusub, isla markaana ay munaasibada rasmi ah ee qalin-jebintoodu qayb ka noqon doono ardayda bisha soo socota ee August ka baxaya Jaamacadda Hargeysa. Waxa uu tilmaamay muhiimada qalin-jebinta Dhakhaatiirtan cusubi bulshada Somaliland iyo taariikhda Jaamacadda Hargeysaba u leedahay, isla markaana waxa uu balanqaaday in intii awoodooda ah ay isku dayi doonaan sidii ay Dhakhaatiirsan cusub dibadda ugu diri lahaayeen, si ay kor ugu sii qaadaan aqoontooda. Guddoomiyuhu waxa uu amaanay Machadka Kings College oo ku yaala magaalada Lonodon ee dalka Ingiriiska oo ay wada-shaqayn dhinaca waxbarashada ahi ka dhexayso Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa. Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda Prof. Mubaarik Ibraahim Aar oo isna halkaa ka hadlay, ayaa Dhakhaatiirta cusub ku hambalyeeyay dedaalkii muddadii ay waxbanayeen muujiyeen. Waxa uu sheegay in Kulliyadda Caafimaadku tahay ta ugu duruus iyo hab-maamul adag Kulliyaddaha Jaamacadda Hargeysa, taasoo uu ku sababeeyay muhiimada Caafimaadku bulshada ugu fadhiyo. Waxa uu ardayda guud ahaan uga digay inay yoolkooda koowaad ka dhigaan sidii ay shaqo u heli lahaayeen marka ay Jaamacadda ka baxaan, taas bedelkeedana waxa uu tilmaamay in looga baahanyahay in hiigsigoodu noqdo wax u qabashada iyo taakulaynta dadka iyo dalkooda. Mubaarik Ibraahim Aar waxa uu ka waramay Tahriibka muddooyinkan dambe ku soo kordhaya da’yarta Somaliland iyo dhibaatada uu mustaqbalkooda u geysanayo.

Hormoodka Kulliyadda Caafimaadka Dr. Diiriye Ismaaciil oo isna hadal kooban munaasibadaa ka jeediyay, ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee wax-barista Dhakhaatiirtaa cusubi soo martay iyo duruufihii ay ku bilaabeen aasaaska Kulliyaddaas. Prof. Diiriye waxa uu tilmaamay doorkii ay wax-barista ardaydaa cusub ku lahaayeen qaar ka mid ah ururka Dhakhaatiirta Somaliland oo wax ka dhiga Jaamacadda, gaar ahaan Kulliyadda Caafimaadka. “15-kaa arday way ka go’nayd, waanay ka go’an tahay inay waxbarashadooda dhamaystaan. Waxay Kulliyadda Caafimaadka ku soo galaan 140 arday, 15-kaas baana maanta ka soo gaadhay sidii midba meel ugu hadhayay,” ayuu yidhi Dr. Diiriye Ismaaciil.

Mr. Mark oo ka mid ahaa Macalimiinta ka socday Kings College, Agaasimaha Cusbatalka Hargeysa Dr. Yaasiin Carab Cabdi, Guddoomiyaha ururka Dhakhaatiirta Somaliland Dr. Axmed Maxamed Gaas iyo Edna Aadan Ismaaciil oo iyana halkaas ka hadlay, waxay Dhakhaatiirtan cusub ku hambalyeeyeen dedaalka ay muujiyeen, waxayna ka warameen muhiimada Caafimaadku ugu fadhiyo bulshada.

Wasiirka Caafimaadka Cabdi Haybe Muxumed oo isna halkaas ka hadlay, ayaa balanqaaday in Dhakhaatiirtan cusubi ka mid noqon doonaan hawl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka, wuxuuna kula dardaaray sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen daryeelka dhinaca Caafimaadka ee bulshada Somaliland.

Gebogebadii, Maamulka Jaamacadda Hargeysa waxa uu hadyado abaal-marin lacageed ah guddoonsiiyay saddexdii arday ee ugu sareeyay Dhakhaatiirtan cusub ah dufcaddii ugu horeysay ee ka qalib-jebisa Kuliyadda Caafimaadka. Sidoo kale, Maamulka Jaamacaddu waxa uu shahaado sharafyo guddoomsiiyay 5 Macalin oo ka tirsan Kings College ee London oo wada-shaqayn dhinaca Tacliinta ahi ka dhexayso Kulliyadda Caafimaadka. Waxa kale oo shahaado sharafyo la guddoonsiisay 8 Dhakhtar oo ka mid ah Macalimiintii Kulliyadda Caafimaadka, kuwaasoo kala ah; Dr. Maxamed Muuse Cali (Garaad), Dr. Saleebaan Cabdi Guulleed, Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi, Dr. Cusmaan Axmed Ismaaciil, Dr. Axmed Gaas, Dr. Yaasiin Carab Cabdi, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Nuux iyo Dr. Maxamed Cabdi. 

Hay’adda CCS iyo doorkeeda Daryeelka dadka la nool HIV/AIDS

Hargeysa (Ogaal)- Hay’adda samafalka Wadaniga ah ee CCS ayaa shalay tababar u furtay koox ay gacan siiso oo La-taliyayaal iyo taakuleeyayaal u ah dadka la nool xanuunka HIV/AIDS.

Tababarkan oo muddo laba maalmood ah socon doona waxa  suurtageliyay ururka Haweenka Somaliland ee Denmark, isla markaana waxa maalgelisay hay’adda DANIDA,  halka ay fulinayso hay’adda wadaniga ah ee CCS, kaasoo lagu badhi-taarayo korna loogu qaadayo adeegyada kaalmaynta dadka la nool HIV/AID’S . Kooxdan oo hore tababar noocan oo kale ah ay CCS u siisay, waxay ka kooban yihiin 23 xubnood, kuwaasoo ka hawlgala xarumaha hay’adda CCS ku leedahay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera. “Waxaanu ka shaqaynaa in aanu caawino, taakulayno oo aanu wax u qabano dadka la nool xanuunka HIV/AIDS, kuwaasoo aanu ka caawino dhinacyo badan sida; Maskax ahaan iyo jidh ahaan intaba. Waxaanu ka koobanahay 23 xubnood oo ku filiqsan gobollada Hargeysa, Togdheer iyo Saaxil. Waxaanu ka caawinaa dadka xanuunka la nool sidii ay ula noolaan lahaayeen, haddii ay daawooyin qaataan sidii ay u isticmaali lahaayeen iyo sidii ay bulshada inteeda kale ula shaqayn lahaayeen,  niyad ahaana u dhismi lahaayeen dadka xanuunka la nool HIV/AIDS.” Sidaa waxa yidhi Isaxaaq Maxamuud Maxaamed oo ka mid ah kooxdan La-taliyeyaasha, tabantaabiyeyaasha iyo xannaaneeyayaasha u ah dadka la nool HIV/AIDS oo shalay Saxaafadda xog-waran ka siisay hawsha ay qabtaan.

Isaxaaqa wuxuu  intaa ku daray oo uu yidhi;“Midda kale, dadkan xanuunka la nooli waa dad niyad ahaan u xanuunsanaya, waxayna aaminsan yihiin in mar haddii xanuunkaas laga helay ay dhimanayaan. Markaa  iyadoo dhimashadaasi jirto, haddana, waxaanu u sheegnaa in xanuunkaa lala  noolaan mudo badan, dhimashaduna ku xidhan tahay saacada uu Alle u qadaray. Sidaa darteed, inta ugu badan waxaanu ka shaqaynaa sidii aanu dadkaa u taakulayn lahayn, u caawin lahayn, waxna u bari lahayn, gaar ahaan waxyaabaha xanuunkan la xidhiidha oo dhan,”  Wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi; “Meelaha aanu inta badan ka shaqayno waxa ka mid ah; ururka Talo-wadaag oo ah meel la isugu keeno dadka xanuunka qaba, waxaananu dadkaa HIV-ga la nool tababaro ku siinaa halkaas, iyadoo xubnahayagaa uu kolba midi tababarkaa u galo. Isla markaana  waxaanu u dhignaa duruus kala duwan oo la xidhiidha sidii dadkaasi xanuunka ula noolaan lahaayeen. Markaa, waxyaabaha ugu badan ee guddigan La-taliyeyaalka ahi waxa weeye  dhismaha dadkaa  Maskaxdooda iyo qiyamkoodaba.”

Isaxaaq Waxa uu sheegay in muddo sannad ah ay soo wadeen hawshan, isla markaana ku talogalkoodu yahay sidii ay u sii laban-laabi lahaayeen u adeegida dadka qaba xanuunka HIV/AIDS. 

“Waxaan rejaynayaa wixii hadhsan (arrimaha Doorashada) in si wadajir ah loo dhamaystiro”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Oslo (HWN/Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay kulan la yeeshay Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Oslo ee caasimada dalka Norway.

Guddoomiyaha oo ay socdaalkiisa ku weheliyaan Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg), waxa uu Jaaliyada uga xog-waramay xaalada guud ee dalka. Kulanka oo ka dhacay xarunta Jaaliyada Somaliland dalkaa ku dhaqani ku leedahay magaalada Oslo, waxa ugu horayn hadal ka jeediyay guddoomiyaha Jaaliyaddaas Xusseen Aadan Cadib, kaasoo weftiga Guddoomiyaha uga mahadceliyay socdaalkoodaas iyo la kulanka Jaaliyada reer Norway. “Nasiib wanaag Somaliland marka danteeda laga hadlayo waxaa ka wada tashada oo isaga yimaada Culimada, Aqoonyahanka, dawladda iyo Xisbiyada Mucaaridka ah, taasina waa ta aynu Nabadda ku gaadhnay.” Sidaa waxa yidhi Sh. Ismaaciil-dheeg oo hadal kooban ka jeediyay kulankaas. “Annigu waxaan ahay Mujaahid ninba inbuu sheegtaaye, Annigu ilaa 1991-kii wadanka Somaliland jiritaankiisa ayaan u halgamayay, waxaanan ka soo qabtay xilal badan, Wasiir leh oo Agaasime leh, imikana Xildhibaan baan u ahay.” Sidaana waxa yidhi Xil. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo isna halkaa ka hadlay.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaa, ayaa jaaliyada reer Norway uga mahadceliyay soo dhawaynta ay u sameeyeen. Isla markaana waxa uu si guud-mar ah ugaga waramay xaalada haatan Somaliland ku sugan tahay. “Diiwaangalintii way dhamaatay, hawshii Server-kana waynu sugaynaa. Waxaynu rejaynaynaa inay doorashadu ku dhacdo waqtigeeda (27 Sep.2009). Lacagtii Dawladda ku xidhnayd ee ahayd %25 way shubtay, Xukuumadduna wixii hadhsana waxaanu rejaynaynaa in si wadajir ah loo dhamaystiro oo la wada qabto, Addunkuna wuu inagu eegaya dooradhada,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.  

Xukuumadda Somaliland iyo Hargab Doofaarka 

Hargeysa (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa shalay markii ugu horraysay ka hadashay Cudurka Hargab-doofaarka oo dalal badan oo dalka la deriska ah ee Itoobiya ka mid yahay lagu arkay, kaas oo Hay’adda Caafimaadka Dunidu ay u aqoonsatay in uu yahay mid dilaa ah.

Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adda WHO ee Caafimaadka Dunida, ayaa shalay si wada-jir ah u shaaciyay dhibta Cudurkan, tirada ugu dhimatay Dunida ama u jiifa iyo sidoo qorshaha ku-talo-galka ee Cudurkan ay ku wajahayso Somaliland iyo waxyaabaha uga meel yaalaba. “Cudurka la yidhaahdo hargab Doofaarka inta la ogyahay hadda soo gaadhay qaar ka mid ah wadamada Jaarka inala ah sida Itoobiya iyo Kiiniya, oo tirada uu ku dhacay dunida ay imika marayso 7893 qof, dhimashadiisa ilaa hadda la xaqiijiyay waa 311 qof. Marka aad eegto Goboladeena inta ay Gobolka Galbeedka Midhatareeniyaanka, inta uu ku dhacay waa 313, dhimashana malaha Gobolka aynu ka midka nahay.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland Cabdi Haybe oo isaga, Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxa Hargeysa u fadhiya Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay si wada-jir ah shalay Shir-jaraa’id ugu qabteen Xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa. Waxaanu Wasiirku kaga warbixiyay Shirka-Jaraa’id Xanuunka Hargab-Doofaarka, Calaamadaha lagu garto iyo sida ay Xukuumad ahaan uga gaashaanteen ama ugu diyaar garoobeen haddiiba lagu arko Somaliland.

Wasiirka Caafimaadku wuxuu sheegay in ay tababaro ku saabsan Cudurka Hargab-doofaarka loo furay Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka. “Waxaanu maanta shirkan nagala soo qaybgalay Hay’addda Caafimaadka Adduunka WHO, taasoo markii ugu horeysey ee cudurkan dunida lagu arkay aanu ka codsanay inay Shaqaalaha Laababka Somaliland iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadkaba tababbar xanuunkaas ku saabsan ay soo siiso, Shaqaalahaasi tababbarkaas way soo qaateen, Macluumaadka sidii loo baadhi lahaa iyo sidii looga hortagi lahaaba waanu haynaa, WHO-na dawadii la siinayay dadka lagu arko ama cudurkaas loo isticmaalayay way keentay oo way inoo taalaa.” Ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu sheegay in ay Wasaarad ahaan aanay haynin Shaybaadhkii lagu baadhi lahaa qofka Cudurkan laga baadhayo, hase ahaatee, dhiigga laga qaado loo diri doono Dunida. “Haddii la arko dad leh astaamaha xanuunkan waxa dheecaada laga qaado loo dirayaa adduunka, waayo dawadii Hay’adda WHO way keentay balse waxa aan diyaar ahayn qalabkii wax lagu baadhayay, waana la keeni doonaa haddii alle yidhaahdo,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.

Cabdi Haybe wuxuu sheegay in la sameeyay guddi ka hawl-gasha ka hortagga iyo la-dagaallanka cudurkan, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi,“Innagu Somaliland ahaan waxaynu xuduud la leenahay dhawr wadan, Siyaasad ahaanna Wasaaraddu waxay samaysay Guddi la socota hadba xaaladda iyo inta uu inoo jiro Cudurkani. Guddigaas oo ka kooban Wasaaradda Caafimaadka, WHO, Wasaaradda Duulist iyo Hawada, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ciidamada Booliska iyo Dekadaha, Xuduudaha sidii looga hortagi lahaa dhammaan cidda dalka diyaarad ku imanaysa, cidda gaadhi ku soo galaysa, cidda Dekad ka soo galaysa iyo cid kasta oo xanuunkaas looga shakiyo.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland Anwar Maxamed Cige, oo isaguna shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyay calaamadaha lagu garan karo Cudurka Hargab-Doofaarka iyo sidoo kale qaabka loo kala qaadi karo ama qofka qabaa uu cid aan qabin ugu gudbin karo. “Waxa lagu garan karaa xanuunkaas oo uu leeyahay Xumad fara badan, Cuna-xanuun, Shuban iyo Matag, waana xanuun sambabada ku dhaca, kana xumad badan Hargabkii caadiga ahaa ee aynu naqaanay. Waxyaabaha lagu kala qaadana waxa ka mid ah, Salaanta, Dhunkashada, Neefta, hal weel oo wax lagu wado cuno, qufaca, taabashada iyo wixii la mid ah.”  ayuu yidhi Anwar.

Sidoo kale, waxa halkaa ka Aasiya Cismaan oo Madax ka ah Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Xafiiskeeda Hargeysa, waxaanay sheegtay in ay Wasaaradda Caafimaadka iyo HWO ay iska kaashadeen sidii dad gaar ah loogu soo tababari lahaa, isla markaana looga diyaargaroobi lahaa wax kasta oo lagaga hortagi karo ama wax lagaga qaban karo cidda xanuunkaa lagu arko. “29-kii bisha June dadka uu saameeyay waxay marayeen 7893, 311 ayaa dhintay, dalalka Gobollo ayaa loo qaybiyay..Waxaanu xanuunkani ka yimi Doofaarka, ka dib dadkii ayuu u soo gudbay, sidoo kale waa xanuun si fudud loo kala qaado oo calaamadahaa uu Agaasimuhu sheegay ayaa lagu kala qaadaa..” ayay tidhi marwo Aasiya, waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, “Ilaahay inooma keenee haddii uu xanuunkan lagu arko Somaliland waxa dheecaanka loo qaadi doonaa dibada si loogu soo baadho inta la keenayo qalabkii lagu shay-baadhi lahaa balse ay diyaar yihiin shaqaalihii oo la soo tababaray. Waxaan soo jeedinayaa in Wasaarada caafimaadka iyo WHO ay yeeshaan xidhiidh joogto ah iyo isku xidhnaan la xidhiidha isha ku haynta xanuunkan” 

Maxkamadda Gobolka Saaxil oo dil toogasho ah ku xukuntay eedaysane

Berbera (Ogaal)- Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa shalay xukun dil ah ku ridday eedaysane lagu magacaabo Axmed Nuur Xasan, kaas oo loo haystay in uu dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Cismaan Cawil Jaamac oo la sheegay in uu 24-kii bishii hore ku dilay Magaalada Berbera.

Siday sheegayaan Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa dhegaysiga dacwaddan ka dib shalay xukun dil ah ku ridday eedaysane Axmed Nuur Xasan oo loo haystay Kiis ah in uu goor subaxnimo ah 24-kii bishii aynu ka soo gudubnay ee June si u kas ah u dilay Marxum lagu magacaabi jiray Cismaan Cawil Jaamac. Waxay wararku sheegayaan in eedaysanahan la xukumay lagu soo oogay in uu Marxuumka ku dilay si ula kac ah, sidaas darteed, ay Maxkamaddu ku xukuntay dil.

Fadhigii shalay ee Maxkamaddu ku go’aamisay xukunkan dilka ah oo sida ay Wararku sheegayaan goob-joog ka ahaayeen ehelada Marxuumka iyo eedaysanaha, ayay Maxkamaddu u cuskatay xukunkan dilka ah Suuratul-Baqara, Aayadda 178aad iyo Suuratul-Maa’ida, aayadda 45aad ee Quraanka Kariimka ah. Sidoo kale, waxay Maxkamaddu u cuskatay xukunka Dilkan qoddobada 434 Xeerka Ciqaabta guud, 103,104, 108 iyo 14aad ee Xeerka habka Ciqaabta. 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:
Arabic News
Today's News 28-Apr-2009

الافراج عن طبيبين من منظمة اطباء بلا حدود خطفا في الصومال
(Read more) 28-Apr- 2009

Today's News 27-Apr-2009

مصر تلقت طلبات لتبني عملية المصالحة الصومالية
(Read more) 27-Apr- 2009

Today's News 25-Apr-2009

البرلمان الصومالي يشهد مشادات خلال اجتماعه لتقرير  الميزانية الجديدة
(Read more) 25-Apr- 2009

مقتل ٨ من بينهم طلبة وجرح أكثر من ١٠ أشخاص إثر قصف تعرض له البرلمان الصومالي
(Read more) 25-Apr- 2009

العاصمة الصومالية تشهد  إشتباكات عنيفة بين القوات البروندية و عناصر من المعارضة
(Read more) 25-Apr- 2009

Somalia: 9 people were killed in volleys of mortars in Mogadishu (Read more) 25-Apr- 2009

Expanding Humanitarian Aid where it is most needed Support from Somali communities (Read more) 25-Apr- 2009

Today's News 18-Apr-2009
موافقة البرلمان الصومالي علي تطبيق الشريعة الإسلامية
(Read more) 18-Apr- 2009

شاب صومالي يعاني من إصابة برصاصة في جسده تعيق حياته ولا يجد من يعينه
(Read more) 18-Apr- 2009

الحزب الإسلامي يدين مقتل المسئولين الصوماليين  ويدعوا لوقف عمليات الإغتيالية
(Read more) 18-Apr- 2009

الحكومة الصومالية تكشف عن دخول 90 مسلحا إلي العاصمة مقديشو  لتنفيد عمليات إغتيالية ضد أعضاء حكوميين
(Read more) 18-Apr- 2009

الصومال علي شفي حرب أهلية جديدة بين الفصائل الإسلامية
(Read more) 18-Apr- 2009

Today's News 16-Apr-2009

الحكومة الصومالية تعلن أنها لن تتحمل إغتيالات وإستهدافات أعضائها من قبل عناصر المعارضة
(Read more) 16-Apr- 2009

مقتل مسؤل كبير في المحاكم الإسلامية بمقديشو
(Read more) 16-Apr- 2009

Today's News 15-Apr-2009

مقتل مدني وإصابة ثلاثة آخرين في إشتباك بين عناصر من القوات الحكومية في مدينة مقديشو في حين يخطوا الحزب الإسلامي
(Read more) 15-Apr- 2009

إغتيال  نائب في البرلمان الصومالي علي يد مسلحين في شمال العاصمة الصومالية
(Read more) 15-Apr- 2009

تنظيم مؤتمر دولي حول الصومال
(Read more) 15-Apr- 2009

البحرية الفرنسية تعتقل 11 مشتبها بالقرصنة قبالة سواحل كينيا
(Read more) 15-Apr- 2009

Today's News 14-Apr-2009

قراصنة صوماليون يستولون على سفينتي شحن ويفشلون في خطف اخرى
(Read more) 14-Apr- 2009

قرصان صومالي يرفع شكوى ضد الحكومة الألمانية
(Read more) 14-Apr- 2009

الرئيس الصومالي يلتقي بوفد الكونغرس الأمريكي في العاصمة الصومالية مقديشو وحركة الشباب تودع الوفد الأمريكي  بالقصف المدفعي
(Read more) 14-Apr- 2009

الشارع الصومالي يستنكر تجدد الإشتباكات في العاصمة الصومالية
(Read more) 14-Apr- 2009

مقتل أثنين  وإصابة أكثر من 20 مدنيا في العاصمة الصومالية علي إثر  تبادل للقصف العنيف  بين حركة الشباب وقوات حفظ السلام الإفريقية
(Read more) 14-Apr- 2009

Today's News 13-Apr-2009

البحرية الأميركية تحرر القبطان فيليبس والقراصنة يتوعدون
(Read more) 13-Apr- 2009

القراصنة يتوعدون باستهداف الأمريكيين وأوباما يتعهد بمحاربتهم
(Read more) 13-Apr- 2009

Today's News 12-Apr-2009

امريكا : التغييرات القانونية مطلوبة لمكافحة القرصنة الصومالية
(Read more) 12-Apr- 2009

وجهاء الهوية يستنكرون الهجمات التي تشنها بعض الفصائل الإسلامية في العاصمة الصومالية مقديشو
(Read more) 12-Apr- 2009

وزير الأمن القومي الصومالي يطالب القوات الحكومية بالإستعداد لمحاربة أعداء الشعب
(Read more) 12-Apr- 2009

Today's News 11-Apr-2009

مقتل 8 وإصابة 20  مدنيا علي إثر قصف عشوائي للأحياء السكنية من قبل قوات  حفظ السلام الإفريقية  في مقديشو
(Read more) 11-Apr- 2009

مجلس الوزراء الصومالي يقر ميزانية الحكومة الصومالية الثلاث أشهر القادمة
(Read more) 11-Apr- 2009

حركة الشباب تندد بإتفاقية الملاحة  التي وقعتها الحكومة الصومالية مع الدولة الكينية
(Read more) 11-Apr- 2009

قراصنة الصومال يفرجون عن الرهائن الفرنسيين
(Read more) 11-Apr- 2009

قراصنة يستولون على سفينة أمريكية ترفع علم إيطاليا بخليج عد
(Read more) 11-Apr- 2009

ادارة أوباما تراقب الجالية الصومالية في ولاية مينيسوتا
(Read more) 11-Apr- 2009

Today's News 9-Apr-2009

حركة الشباب الإسلامية تغلق آخر محطة إذاعية مستقلة في جنوب الصومال   
(Read more) 9-Apr- 2009

مدمرة أمريكية تصل إلى سواحل الصومال لإنقاذ القبطان المخطو
(Read more) 9-Apr- 2009

أوباما يرفض التعليق على خطف قبطان أمريكي قبالة الصومال
(Read more) 9-Apr- 2009

Today's News 8-Apr-2009

لبنى القاسمي تبحث مع وزير التجارة الصومالي سبل تطوير التعاون التجاري المشترك
(Read more) 8-Apr- 2009

البنتاجون: أنباء عن استعادة الطاقم السيطرة على السفينة
(Read more) 8-Apr- 2009

English News
Today's News 29-Apr-2009
Somalia: President Shariff held talks with Ministers (Read more) 29-Apr- 2009

Somalia: 4 Puntland Intelligence Service officers died (Read more) 29-Apr- 2009

Somalia: Elders engaged in releasing Aid workers (Read more) 29-Apr- 2009

Somalia: Russian destroyer detains 29 Somali pirates (Read more) 29-Apr- 2009

Somalia: Spain, France propose conference on Somali pirates  (Read more) 29-Apr- 2009

Two Abducted Médecins Sans Frontières Staff Released in Somalia (Read more) 29-Apr- 2009

Donor funds set to boost Somalia’s efforts atcurbing piracy menace (Read more) 29-Apr- 2009

Today's News 28-Apr-2009
Somalia: Kidnapped Aid workers freed in Somalia (Read more) 28-Apr- 2009

Somalia: Jubba radio station back on air, journalist freed  (Read more) 28-Apr- 2009

Somalia: More EU aircraft needed for Somali pirates: commander (Read more) 28-Apr- 2009

Transcript of FT interview with Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, president of Somalia (Read more) 28-Apr- 2009

Life in the world’s largest refugee settlement (Read more) 28-Apr- 2009

Somalia’s problems need comprehensive solutions (Read more) 28-Apr- 2009

Today's News 27-Apr-2009
Kenya starts Somalia officials training (Read more) 27-Apr- 2009

Somalia: Al-Shabab forces close down media house (Read more) 27-Apr- 2009

Somalia: Pirates or Patriots of the Sea? (Read more) 27-Apr- 2009

Pirate, Who? (Read more) 27-Apr- 2009

Somalia: “We shall implement Islamic law” Premier Sharmarke (Read more) 27-Apr- 2009

Somalia: Kenya starts Somalia officials training (Read more) 27-Apr- 2009

Somalia: Top UN envoy calls for follow-up to Brussels meeting on Somalia (Read more) 27-Apr- 2009

Somalia: Miss Uganda wants to be peace envoy in Somalia (Read more) 27-Apr- 2009

Situation Report Somalia: # 16, 17 - 24 April 2009 UN (Read more) 27-Apr- 2009

Today's News 26-Apr-2009
Somalia: Islamists warn outdated drug traders in Kismayu (Read more) 26-Apr- 2009

Vice President narrowly escapes assassination (Read more) 26-Apr- 2009

Somalia: Hope fades in the release of MSF hostages (Read more) 26-Apr- 2009

AU condemns attacks on Somalia parliament  (Read more) 26-Apr- 2009

Funds to boost Somalia security (Read more) 26-Apr- 2009

Captured Youth Will Expose European Atrocities Against Somalia (Read more) 26-Apr- 2009

Somalia's anguish: Nation in ruins needs the world's help (Read more) 26-Apr- 2009

Today's News 19-Apr-2009
Who are the real 'pirates' in Africa? (Read more) 19-Apr- 2009

How Somalia's Fishermen Became Pirates (Read more) 19-Apr- 2009

Today's News 18-Apr-2009

US agencies plot piracy response (Read more) 18-Apr- 2009

Turkey pledges support for Somalia security forces (Read more) 18-Apr- 2009

Today's News 16-Apr-2009
One on one with president Dahir Rayaale Kaahin of the democratic republic of Somaliland (Read more) 16-Apr- 2009

Somalia: WFP accomplished food distribution in Galgadud region (Read more) 16-Apr- 2009

Africa’s New Human Rights Court: Whistling in the Wind? (Read more) 16-Apr- 2009

Report of Shamsul Bari, independent expert appointed by the Human Rights Council on the situation of human rights in Somalia (Read more) 16-Apr- 2009

Today's News 15-Apr-2009
COMPLEX SOMALI WAR THAT WILL NEVER END UNTILL VESTED INTERESTS STOP MEDDLING (Read more) 15-Apr- 2009

Somali: Somali MP gunned down in Mogadishu (Read more) 15-Apr- 2009

French warship captures 11 pirates (Read more) 15-Apr- 2009

Today's News 14-Apr-2009

Somalia: “Obama must not neglect Somalia” US senator (guji-riix) SMC/Mogadishu/14-Apr- 2009

Today's News 12-Apr-2009

Somalia: 10 people died of diarrhea at Bur-Hakaba in Bay region (Read more) 12-Apr- 2009

Somalia: President Shariff met with Finnish delegates (Read more) 12-Apr- 2009

Somalia: Presidential spokesman remarks Somali Pirates (Read more) 12-Apr- 2009

Today's News 11-Apr-2009
Somalia: Volleys of mortars land inside the Somali seaport (Read more) 11-Apr- 2009

Somalia:  “We shall burn foreign vessels from now” Somali pirates’ spokesman (Read more) 11-Apr- 2009

Somalia: Islamic Courts Union comments operations they had conducted in Middle shabelle region (Read more) 11-Apr- 2009

Somalia: ship laden with military equipments docks at Mogadishu seaport (Read more) 11-Apr- 2009

Press Conference: Advocate child rights campaign for the last five years (Read more) 11-Apr- 2009

Somali elders plan mediation mission for U.S. hostage (Read more) 11-Apr- 2009

Somalia-Kenya maritime boundary MoU, test for Somali gov't (Read more) 11-Apr- 2009

Somali pirates issue hostage warning (Read more) 11-Apr- 2009

Today's News 10-Apr-2009
Pirates demand ransom for U.S. sea captain; warn he will die if they're attacked (Read more) 10-Apr- 2009

Somali Government Ready to Resolve Piracy Problems (Read more) 10-Apr- 2009

Aid Workers Quit Somalia (Read more) 10-Apr- 2009

From a nomad to life on the banks of River Thames (Read more) 10-Apr- 2009

Analysis: Pirates put Obama in 21st-century bind (Read more) 10-Apr- 2009

Pirates’ change of tack worries shippers (Read more) 10-Apr- 2009