Wararka : Wargeyska OGAAL
Hargeysa Arbaco, 01 July 2009 SMC
Hadal adag oo Md. Donald Payne ku soo khatimay Shirkii S/Land ka baaqatay ee Maraykanka
“S/land hadday doonayaan inay is-go’doomiyaan, waxaan samaynayaa wax kasta oo aanu ku go’doomin karno”
Donald Payne – Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka khaarajiga Maraykanka
“Waxa suurtogal ah in maalin uun ay Somaliland go’aansan doonto inay ka mid noqoto Soomaaliweyn”
“Waxa cad in aanay u baahnayn (Somaliland) caawimada iyo taageerada Dawladda Maraykanka. Sidaa darteed, waa in aanu..”
Donald Payne
Washington (Ogaal)- Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Maraykanka Mr. Donald Payne, ayaa sheegay in Dawladdoodu ay ka xuntahay diidmadii Xukuumadda Somaliland ay ka cudur-daaratay ka qayb-galka Shir ay isugu yimaadeen Dawladda Shariif Sh. Axmed iyo Maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya, isla markaana wuxuu ku tilmaamay tallaabo ay Somaliland isku go’doomisay. Waxaanu sheegay in ay diidmadaa u arkaan in Somaliland aanay diyaar u ahayn caawimo ay ka hesho Maraykanka, taa bedelkeedana ay Dawladdoodu ay taageero u fidin doonto Dawladda Shariifka iyo Maamul-gobolleedka Puntland.
Diidmadii Somaliland ee Shirka:
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa 25-kii bishii June ee aynu ka soo gudubnay Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa ku sheegay in Xukuumadda Somaliland ay diidday, kana cudur-daaratay kulan Warbixin-dhegaysi ah oo laysugu keenayay Somaliland, Dawladda Shariifka iyo Maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya. Kulankaas oo dhacayay maalinimadii 25-June ee uu soo galayay habeenimadii 26- June, ayaa uu Wasiirku ku tilmaamay mid sharaf-dhac ku ah Somaliland. “Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha dibedda ee Koongareeska Maraykanka Mr. Donald Payne ayaa marti-qaad noo soo diray, gaar ahaan aniga igu casuumay in aanu ka qayb-galno kulan ka dhici doona Maraykanka, kaas oo aanu u sheegnay in aanu mabdi’iyan qaadanay, balse aanu ka wada-tashano. Dabadeed, waxaanu u xil saaranay Wakiilka Somaliland ee Washington Dr. Sacad Sh. Nuur, Mr. Donald-na wuxuu u xil saaray guddi, iyada oo qaban-qaabinta arrintaasi socoto, ayaa waxa dhacday in aanu helnay xogo sheegaya in Shirkaasi uu yahay mid la doonayo in laysugu keeno Somaliland oo qaran jira ah iyo dhinacyada Federaalka Soomaaliya. Markii aan kula noqday Madaxweynaha iyo Xukuumadda, waxaanu isla garanay in ay sharaf-darro iyo sharaf-dhac ku tahay Somaliland.” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland.
Natiijadii Maraykanku kaga dhawaaqay Shirka:
Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha dibedda ee Koongareeska Maraykanka Mr. Donald Payne, ayaa sheegay in diidmada Somaliland ee shirkaasi uu yahay mid ay ka xumaadeen, islamarkaana ay Somaliland go’doon isku-gelisay. Waxaanu sheegay in ay rejaynayaan in maalin uun Somaliland ka mid noqoto Soomaaliweyn, isla markaana ay dib ula midowdo Soomaaliya oo ay ka qayb-gasho dedaaladda loogu jiro soo-noolaynta rejadii Nabadda Soomaaliya. Mr. Donald Payne ayaa hadalkan ka sheegay gebo-gebadii shirka ay Somaliland ka baaqsatay ee ay isugu yimaadeen Maamul-gobolleedka Puntland oo uu metelayay Madaxweyne Faroole iyo Dawladda Soomaaliya oo uu meteleyay ku-xigeenka Safiirka Maraykanka u fadhiya. “Mar labaad waxaan doonayaa in aan soo bandhigo sida aanu uga xunnahay diidmadii Somaliland ee inay ka soo qayb gasho Shirkan. Si kastaba ha ahaatee, hore ayaynu u soconaynaa. Waxa suurtogal ah in maalin uun ay Somaliland go’aansan doonto inay ka mid noqoto Soomaaliweyn, una yimaadaan sida aad intiina kale u timaadeen.” Ayuu yidhi Mr. Payne oo sida uu muujinayo Cajalad Muuqaal ah oo laga baahiyay Khudbaddiisii u muuqday nin baahinaya go’aanka dawladdiisa ee ku aaddan Somalilad. “Waxaananu ka welwelsanahay, haddii ay doonayaan inay is-go’doomiyaan, waxa loo xaqiijin karaa inaan samaynayo wax kasta oo aanu ku go’doomin karno.” Ayuu intaa raaciyay Mr. Payne.
Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha dibedda ee Koongareeska Maraykanka Mr. Donald Payne waxa uu sheegay in tallaabada Somaliland qaadday ay ula muuqato in Somaliland aanay doonayn caawimo iyo taageero ay Maraykanka ka hesho, sidaa darteed ay caawimo u fidinayaan Maamul-gobolleedka Puntland iyo Dawladda Shariifka ee Soomaaliya. “Waxaana cad in aanay u baahnayn (Somaliland) in la caawimada iyo taageerada Dawladda Maraykanka. Sidaa darteed, waa in aanu caawinaa Soomaaliya iyo Puntland, waxaananu u samayn doonaa wax kasta oo aanu awoodno. Ugu dambayntii, waxaan idinku hambalyaynayaa (Ka-qaybgalayaashii Shirka) ka soo qayb-galkiina.” Ayuu hadalkiisa ku soo gebo-gebeeyay Mr. Donald Payne.
Gunaanad:
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo aanay Xukuumadda Somaliland si cad u sheegin sabab dhab ah oo Somaliland uga baaqsatay kulankan oo u muuqda mid dibloomaasiyad ahaan ka weji duwanaa sida loo fahmay, isla markaana ahaa mid dhegaysi ah oo dhinac waliba ku soo bandhigayay waxyaabaha u qabsoomay, wuxuu tebayo iyo codsiyadooda, haddana waxay Xukuumaddu hore u shaacisay in Mr. Donald Payne uu saaxiib la yahay Somaliland, waxaanay hore u dedafaysay Warar Warbaahintu baahisay oo sheegayay in uu si cadho leh uga jawaabay diidmada Somaliland ee shirkaas.
Garnaqsigii M/weynaha Puntland ee Shirkii saddex-geesoodka ahaa ee Maraykanka
“Waxaanu jecelnahay in Saldhigyo Ciidamo nalooga sameeyo Eyl, Boosaaso, Garacad, Laas-qoray, Caluula, Bargaal, Qandala iyo Bayla oo dhammaantood Puntland ah”
Cabdiraxmaan-Faroole
Washington (Ogaal)- Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa khudbad uu ka jeediyay shir ay isugu yimaadeen Maamul-gobolleedka Puntland iyo Dawladda Shariifka ee Soomaaliya, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Beesha Caalamka, khabiiro aqoon u leh Afrika iyo marti-sharaf kale, ayaa beesha Caalamka ka codsaday in wax lagala qabto arrimaha Budhcad-Badeedda iyo culayska nololeed ee Qaxootiga ka baro-kacay Koonfurta Soomaaliya ku hayaan maamul-gobolleedkiisa. Waxaanu sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya laga dhiso Jamhuuriyad Federal ah, isla markaana aanay diyaar u ahayn in Soomaaliya qaybsanto.
Madaxweynaha Puntland oo 25-kii bishii June ka hadlay Shir ay soo qaban-qaabiyeen Guddi-hoosaadka arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Maraykanku oo ka dhacay Magaalada Washington, ayaa waxyaabihii kale uu khudbaddiisa kaga hadlay waxa ka mid ahaa arrimaha amniga, Budhcad-Badeedda, midnimada Soomaaliya iyo sidoo kale sooyaalka taariikheed ee Maamul-gobolleedka uu Madaxda ka yahay.
Khudbaddii Madaxweynaha Puntland oo dheerayd, isla markaana ku qornayd Afka Ingiriisiga, ayaa akhristayaal iyada oo Wargeyska Ogaal idiin soo turjumay intii ugu muhiimsanayd waxay u dhignayd sidan,
“Galab wanaagsan, guddoomiye Payne iyo xubnaha guddida arrimaha dibedda ee Baarlamaanku. Aniga oo ku hadlaya Afka dadka iyo dawladda Puntland, waxaan doonayaa in aan idiinka mahad-celiyo fursaddan, waxaanan jeclaan lahaa in Walaalahayaga Somaliland ay goob-joog ahaadaan maanta (25/6/09)...Puntland waa gobol xasiloon oo ku yaala dhinaca Waqooyi-bari ee Soomaaliya..qiyaastii waxa ku nool 3-Milyan oo qof, kana shaqaysta. Halkaas oo ay ka jirto Dawlad shaqaynaysa, Ciidamo iyo nidaam Dimuqraadi ahi. Bishii January 2009 waxa Puntland qabsaday doorashoodii saddexaad oo si nabadgelyo ah ugu dhacday.. Puntland waxa la aas-aasay sanadkii 1998-kii, ka dib kulan ballaadhan oo ay isugu yimaadeen waxgarad kala duwan…waxa qurxoon in Shacabka Maraykanku uu fahmo taariikhda dalkayga..ilaa markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, qarankii Soomaaliyeed wuxuu u burburay gobollo. Hadda waxa jira laba gobol oo xasiloon oo kala ah Somaliland iyo Puntland. Koonfurta iyo badhtamaha dalku oo ay ku jirto Caasimadda Muqdisho waxa ka sii socda qalalaase.
..qalalaasaha iyo baro-kaca shacabka ee soo socda iyo sidoo kale xaaladaha bani’aadamnimo ee ka sii daraya Soomaaliya, oo sida Qaramada Midoobay sheegtay sababay baro-kaca 3-Milyan oo qof, kuwaas oo u baahan kaalmo cunto iyo gargaar bani’aadamnio, ayaa dadka baro-kacay waxay dhibaatooyin dhaqaale iyo bulsho ku hayaan gobollada la deriska ah ee ay Puntland ka mid tahay. Waxaanay Puntland ka abuureen xaalado degannaansho-la’aan iyo amni-darro ah.
..Haddaan laga hortegin Kooxaha argagixisada iyo xag-jirka ah ee Soomaaliya, waxay istiraatiijiyad ahaan khalkhal gelin doonaan oo ay saamayn ku yeelan doontaa Amniga gobolka iyo Dunida..khataraha ka soo wajahan Kooxahan, waxa saldhig u ah laba qodob, 1) Istiraatiijiyadda Juquraafiyadeed ee Soomaaliya iyo 2) Danaysi Ajaanib ka faa’iidaysanaya dawlad-la’aanta Soomaaliya ee ilaa 1991-kii…Xaaladda degdega ah ee Soomaaliya waxay sababaysaa in kumannaan kun oo qof oo baro-kacay ay u soo qaxaan Puntland..Sidaa darteed, dawladda Puntland waxay u baahan tahay difaac adag oo dhinaca Gobolka Mudug ah, kaas oo ku yaala xadka Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay la wadaagto Puntland.. Waxaanu Puntland ahaan u baahanay in la sameeyo Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo federal dhab ah..Maraykanka haddaad tihiina waxaanu idiinka baahanahay taageero, si aanu door wax-ku-ool ah arrimaha Soomaaliya uga ciyaari karno.
..Si aanu jawaab waafi ah ugu helno dhibaatada Budhcad-Badeednimada, waxaanu u baahanahay aasaaska siddeed xarumood oo Ciidamada Badda ah. Xarumahan oo laga samaynayo deegaammada kala ah, Eyl, Boosaaso, Garacad, Laas-qoray, Caluula, Bargaal, Qandala iyo Bayla oo dhammaantood Puntland ah. Waxananu u baahanahay in la qalabeeyo xarumaha Ciidamada Badda, lana tababaro ciidamada…Dawladda Puntland waxay xidh-xidhay ilaa 100 Budhcad-Badeed ah oo ay ku jiraan 62 la xukumay. Waxaananu sheegaynaa maanta in ay jiraan warar aan run ahayn oo ay baahiyaan Warbaahintu oo ku aaddan dedaalka Puntland ee la-dagaallanka Budhcad-Badeedda…Dawladda Maraykanku way caawin kartaa Soomaaliya si loo soo celiyo nabaddii iyo xasiloonidii oo aan la haynin muddo 20 sanno ku dhaw. Balse, taasi yaanay noqonin faro-gelin Milatari oo toos ah.. Puntland waxay rumaysan tahay in Waxbarashada iyo amnigu isku xidhan yihiin, waxaanu u baahanay in dib loo aasaaso Dugsiyadii Dawladda ee qiimaha lahaa oo uu weheliyo Manhajkii waxbarsaho. Tani waa dariiqa kaliya ee aanu ku toosin karno mustaqbalka da’ayarta, laguna bari karo faa’iidada nabadda, dimuqraadiyadda iyo xorriyadda. Arrimaha muhiimka ah ee loo baahan yahay ee kale waxa ka mid ah;
-In taageero amni iyo horumarineed loo fidiyo Dawladda xasiloon ee Puntland
-Iskaashi dhex mara Ciidamada Badda Maraykanka ee Badaha ku sugan iyo Dawladda Puntland, si loogu midoobo ololaha la-dagaallanka Budhcad-Badeedka.
-In la dhiirigeliyo Dawladaha xulufada la ah Maraykanka iyo qaramada saaxiibka la ah, si loo aqbalo ambaqaadkan cusub..
Arrimaha kale ee aanu u jeedinayno Koongareeska Maraykanka iyo Maamulka Maraykanka eek u addan xaaladda cakiran ee Soomaaliya, ayaa ah wax ka qabashada caawimada bani’aadamnimada oo la hubiyo inay gaadhay dadkii u baahnaa, la-dagaallanka argagixisada iyo xag-jirka, Budhcad-Badeedda iyo sidoo kale in la hubiyo in dhammaan Soomaalida ay khusayso arrimahani ay ka qayb-galaan Shirarka Caalmiga ah.
Soomaaliya waxay u baahan tahay Federalnimo, sida dalka Maraykanka..Federalnimo ku xurmaysan runta..Maamullada caddeeyay inay ku shaqayn karaan Dimuqraadiyad soo koraysa, gooni-isu-taaggu ma shaqayn doono. Puntland waxay raadinaysaa inay noqoto meel xasiloon, barwaaqaysan, Dimuqraadina ah. Puntland waxay leedahay waxa kaliya ee shaqayn karaa waa Federalnimo.”
Maxaa ka soo baxay kulankii shalay ee Komishanka iyo Xisbiyada Mucaaradka?
Hargeysa (Ogaal)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa shalay kulan gaar gaar ah la yeeshay labada xisbi Mucarad ee UCID iyo KULMIYE.
Siday xalay faafisay Idaacadda Horyaal, Komishanka Doorashooyinku waxay Xisbiyada u bandhigeen cidhiidhiga xilliga doorashada Madaxtooyada oo loo muddeeyay 27 September 2009 iyo sida loogu baahanyahay in Axsaabtu heshiis ka gaadhaan muranka u dhexeeya. Taas bedelkeedana Komishanku waxay ku dooddeen in haddii ilaa Jimcaha inagu soo fool leh Axsaabtu heshiis ka gaadhi waydo khilaafka u dhexeeya, in taasi sababi karto dib-u-dhac mar kale ku yimaada qabsoomida doorashada Madaxtooyada. Hase yeeshee, waxa la sheegay in Madaxda Xisbiyada ee kulankaas ka qaybgalay ay Guddiga Doorashada la socodsiiyeen inay dhinacooda diyaar u yihiin heshiis laga gaadho muranka jira iyo fulinta Shuruudihii Deeqbixiyeyaashu soo jeediyeen, waxayna xisbiga UDUB ku eedeeyeen inuu masuul ka yahay jiitanka khilaafaadka arrimaha doorashada iyo inuu diidan yahay aqbalaada Shuruudihii Kaalmeeyayaasha Caalamiga ah ee doorashooyinka Somaliland soo jeediyeen. Siday Idacaddu faafisay, xubnaha Xisbiga Mucaaradka ka socday ee kulanka la yeeshay Komishanku, waxay ku cawdeen in had iyo jeer xisbiga UDUB wadahadalada u soo diro masuuliyiin aanay talada xisbigoodu ka go’in.
Dhinaca kale, Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa la filayaa inuu maanta kulan la yeesho xisbiga talada dalka haya ee UDUB, kaasoo sida la sheegay uu u bandhigi doono cidhiidhiga waqtiga doorashada Madaxtooyada iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafaadka jira.
“Deeq-bixiyayaashu may diidin inay la kulmaan M/weynaha, waxaana metelayay..”
Weftiga Deeq-bixiyayaasha oo sheegay inay wada-jir ula kulmeen saddexda Xisbi Qaran
Hargeysa (Ogaal)- Wefti ka socday Deeq-bixiyayaasha Caalamiga oo booqasho dalka ku yimi, ayaa dedafeeyay Warar ay baahiyeen Warbaahinta maxalliga ah qaarkood, kuwaas oo sheegayay in Xubnaha Weftigani ay diideen inay la kulmaan Madaxweyne Rayaale. Waxaanay ka warbixiyeen sababta ay ula kulmi waayeen Madaxweyne Rayaale.
Sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha guddida kormeerka Barnaamijka Dimuqraadiyadaynta Somaliland Mr. Richard Hands, Weftigani markii ay dalka yimaadeen waxa si wada-jir ah ula kulmeen saddexda Xisbi Qaran. Waxaana War-saxaafadeedkaas lagu sheegay in aanay jirin wax iska bedelay qorsihii ay hore ugu heshiiyeen Komishanka, Weftigani markii ay dalka yimaadeen waxa si wada-jir ah ula kulmeen saddexda Xisbi Qaran. Waxaana War-saxaafadeedkaas lagu sheegay in aanay jirin wax iska bedelay qorsihii ay hore ugu heshiiyeen Komishanka, Dawladda, Axsaabta iyo Deeq-bixiyayaashu.
Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiran ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Qoraal lagu baahiyay Wargeyska Jamhuuriya 30-kii June 2009 (shalay) oo ku saabsanaa Weftiga Deeq-bixiyayaasha ee Hargeysa yimi 29-June-2009. Deeq-bixiyayaashu waxay doonayaan inay caddeeyaan arrimahan soo socda;
Deeq-bixiyayaashu may diidin inay la kulmaan Madaxweynaha Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu lahaa ballamo kale, sidaa darteed wuxuu u xilsaaray in uu kulanka Weftiga u metelo Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdilaahi Maxamed Ducaale.
Jadwelkii hore ee Weftiga waxa ku jiray kulamo ay la yeeshaan Komishanka Doorashooyinka iyo cid kale. Hase ahaatee, Cimilada xun hadda ee Hargeysa darteed, Diyaaraddii sidday Weftiga ee ka soo kicitintay Nairobi, waxay u leexatay dhinaca Berbera, taas oo keentay inay Hargeysa soo gaadhaan Weftigu saddex saacadood ka dib waqtigii ballanku ahaa. Markaa dib-u-dhacan Weftigu wuxuu si cad u soo koobo Barnaamijkaas, laakiin, si kastaba ha ahaatee, waxay maareeyeen (Weftigu) inay si wada-jir ah ula kulmaan saddexda Xisbi Siyaasi.
Marka laga hadlayo taageerada dhaqaale ee Deeq-bixiyayaasha ee Doorashada Madaxtooyadu, halkii ay hore uga wada-hadleen Deeq-bixiyayaasha, Komishanka Doorashooyinka, Xisbiyada Siyaasadda iyo Dawladdu, waxba iskamay bedelin.”
Golaha Guurtida oo Kulamo Albaabadu u xidhan yihiin ka dib ka heshiiyay khilaafaadyo u dhaxeeyay
Hargeysa (Ogaal)- Golaha Guurtida Somaliland oo maalmihii la soo dhaafay kulan albaabadu u xidhan yihiin oo Saxaafaddu dibedda ka joogtay ku lahaa Xaruntooda Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay heshiiyeen, isla markaana ay xalliyeen khilaafaadyo u dhexeeyay, kuwaas oo uu ka mid ahaa muran ka dhashay muddo-kordhintii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka oo ay ku kala qaybsameen Goluhu.
Shirarkan Albaabadu u xidhan yihiin oo labadii maalmood ee laga soo gudbnay Golaha uga socday Hoolka shirarka ee Guurtida, ayaa markii ay shalay ka soo dareereen kulankoodii labaad ee ay arrintan ka yeeshaan oo ay shalay isugu yimaadeen Mudanayaashu Goluhu mar kale, ayaa mar ay Saxaafaddu Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan wax ka waydiisay natiijadii shirarkan iyo wixii lagaga wada hadlay, wuxuu yidhi, “Waar yaadhaheen (Saxaafadda) Rikoodhadiinan i hoos dhiga ama ha i hoos dhigina, Golaha labadii fadhi ee ugu horeeyey kalfadhigan 38-aad-ba waad joogteen, fadhigii shalayna (dorraad) waanu ballanay uune’e waxba kamaanu hadlin. Waxa sababay waad ogeydeen khilaafaad kalena ma jirin ee cabashooyin ayaa ka muuqmuuqday, waxaanu ka hadlaynaynay wanaaga iyo wada shaqeynta.”
Dhinaca kale, Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yaasir oo ka mid ahaa Mudaneyaasha ay aadka isku hayeen Guddoomiyaha ee khilaafku u dhaxeeyey oo isna shalay Saxaafaddu wax ka waydisay waxa lagaga hadlay kulamadan iyo in ay ku shifoobeen kulankaa turxaan-bixinta ah, ayaa wuxuu yidhi, “Heshiis wanaagsan ayaa ka soo baxay, kaas oo la xidhiidha in khilaafaadkii Golaha ka jiray la aaso oo wanaag iyo wada jir lagu waddo shaqeeyo.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Wax kale oo aan ku soo qaadnay wacyigelinta nabadgelyada iyo xoojinteeda”
Shirguddoonka Wakiillada oo dafiray habac-sanaanta xil-gudashada Golahooda
Hargeysa (Ogaal)- Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa difaacay dhaliilaha Golahooda loogu jeediyo in aanay sidii looga baahnaa xilkooda u gudan iyo habacsanaan hadhaysay xil-gudashada hawlmaalmeedka Golahaas oo Mudaneyaasha qaarkood aanay inta badan ka qaybgalin fadhiyada Golaha.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo shalay u waramay Telefishanka Horn Cable, waxa uu sheegay in Mudane kasta loo hayo Rikoodhkiisa, inta fadhi ee uu ka qaybgalay iyo Xeerarka uu u codeeyay, lana soo bandhigi doono marka tartanka doorashada la gaadho. Baashe Maxamuud-Cadde waxa uu naqdiyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Shuruucda iyo Xuquul-insaanka Golaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalim oo sheegay in aanu Golaha Wakiilladu qabanin hawshii loo doortay, isla markaana si ba’an u dhaliilay habacsanaan ka jirta hawl-gudashada Mudaneyaasha Golaha iyo kooram la’aan hadhaysay fadhiyadii u dambeeyay ee Golahaas, isla markaana ay haboonayn lahayn in Mudaneyaashu iscasilaan. Hase ahaatee, taas bedelkeeda Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilladu waxa uu ku doodday in Goluhu qabtay hawshii loo igmaday, isla markaana goluhu sameeyay Shuruucdii looga baahnaa, inkastoo uu qiray in dhamaan hawlihii looga baahnaa aanu samaynin. Waxa uu sheegay in dhaliilaha loo jeediyo Golaha Wakiillada ay qayb ka tahay Xukuumadda oo uu sheegay in aanay ogolayn in wax-ka-bedel lagu sameeyo Distoorka oo uu ku tilmaamay mid caqabad ku ah dalka. “Waxa weeye; in 9:00 subaxnimo Golaha la yimaado oo Xildhibaan waliba isu soo xilqaamo, waayo shaqadiisu waxay tahay inuu Golaha yimaado, haddii aanay markaa jirin wax dhibaato ah oo ku dhacay. Laakiin, xataa taasi haddii ay jirto sida Xeer-hoosaadku qorayo Xildhibaanku fadhiga kama maqnaan karo haddii aanu fasax uu Shirguddoonka waydiistay qaadan. Taa shalay dhacday (fadhigii doraad oo dib-u-dhac ku yimi) way jirtaa, marmarna way dhacdaa,” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax. Wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaan daawanayay Xildhibaan (Cabdiraxmaan-dheere) Golahooda dhaliilaya waan maqlayay. Laakiin, Xildhibaanka Golahiisa dhaliilayaa haddii waxaa uu sheegayo qabo (inay xilka ka tagaan Mudaneyaashu) waa inuu isagu iska bilaabo oo uu isagu shaqada ka tago, markaas baana loo qaadanayaa waxaas uu sheegayaa inay run yihiin. Laakiin, maaha Xildhibaanku haddii wax uu diidan yahay markaa Golaha yaalo inuu sabab uga dhigo Goluhu ma shaqeeyo ama dhaliilahaa la soo jeedinayay….Goluhu wuu shaqeeyaa, Xeerarkii laga rabayna wuu soo saaraa. Kuma lihi sidii loo rabay buu u wada shaqeeyaa, laakiin waxaan qabaa inuu 80% Goluhu shaqadiisa guto.”
Baarlamaanka Puntland oo Dastuur cusub ansixiyay
Garoowe (Ogaal/W.Wararka)- Baarlamaanka Maamul-gobolleedka Puntland ee Waqooyi/bari Soomaaliya, ayaa shalay fadhi ay yeesheen ku ansixiyay Dastuur cusub oo Maamulkaasi yeelan doono.
Fadhigan oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Maamul-gobolleedka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi, waxay xildhibaanadu ku ansixiyeen Distoorkaa ka dib markii sida uu Guddoomiyuhu sheegay ay muddo 36 maalmood ah ka dooddayeen qodobada uu ka kooban yahay. Fadhigaa shalay oo ay ka qaybgaleen 55 xubnood oo ka tirsan Golahaas, waxa cod-bixin gacan-taag ah oo loo qaaday ansixinta iyo ku dhaqanka Distoorkan cusub ku ogolaaday 49 xubnood, saddex xubnoodna way diideen, halka saddex kalena ka aamuseen. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxa uu sheegay in Distoorku sidaa ku dhaqan galay, kaasoo sida uu sheegay laga soo shaqaynayay muddo saddex sannadood ah.
Distoorkan cusubi waxa uu ogolaanayaa in Maamulkaasi yeesho hanaanka xisbiyada badan, waana markii ugu horeysay ee Puntland Distoor yeelato, iyadoo markii hore lagu dhaqayay Axdi kumeel-gaadh ah.
Ogeysiis: Caleemo-saar Caaqil cusub
“Anigoo ah Salaan Cismaan Aadan, waxaan dadweynaha la socodsiinayaa in Mahdi Jaamac Cumar oo ah Caaqil cusub oo ay Beesha Muxumed Aadan (Muuse Carre/Habar-yoonis) dooratay, toddobaadka soo socda Insha Allah lagu caleemo-saari doono Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer. Kaas oo ka mid noqon doona Cuqaasha reerkaas. Sidaa darteed, waxaanu idin leenahay ka soo-qaybgal wacan.”
Somaliweyn Media Center (SMC)
| Arabic News
الافراج عن طبيبين من منظمة اطباء بلا حدود خطفا في الصومال
(Read
more) 28-Apr-
2009
مصر تلقت طلبات لتبني عملية المصالحة الصومالية
(Read
more) 27-Apr-
2009
البرلمان الصومالي يشهد مشادات خلال اجتماعه لتقرير الميزانية الجديدة
(Read
more) 25-Apr-
2009
مقتل ٨ من بينهم طلبة وجرح أكثر من ١٠ أشخاص إثر قصف تعرض له البرلمان الصومالي
(Read
more) 25-Apr-
2009
العاصمة الصومالية تشهد إشتباكات عنيفة بين القوات البروندية و عناصر من المعارضة
(Read
more) 25-Apr-
2009
Somalia: 9 people were killed in volleys of mortars in Mogadishu (Read
more) 25-Apr-
2009
Expanding Humanitarian Aid where it is most needed
Support from Somali communities (Read
more) 25-Apr-
2009
موافقة البرلمان الصومالي علي تطبيق الشريعة الإسلامية
( Read
more) 18-Apr-
2009
شاب صومالي يعاني من إصابة برصاصة في جسده تعيق حياته ولا يجد من يعينه
(Read
more) 18-Apr-
2009
الحزب الإسلامي يدين مقتل المسئولين الصوماليين ويدعوا لوقف عمليات الإغتيالية
(Read
more) 18-Apr-
2009
الحكومة الصومالية تكشف عن دخول 90 مسلحا إلي العاصمة مقديشو لتنفيد عمليات إغتيالية ضد أعضاء حكوميين
(Read
more) 18-Apr-
2009
الصومال علي شفي حرب أهلية جديدة بين الفصائل الإسلامية
(Read
more) 18-Apr-
2009
الحكومة الصومالية تعلن أنها لن تتحمل إغتيالات وإستهدافات أعضائها من قبل عناصر المعارضة
(Read
more) 16-Apr-
2009
مقتل مسؤل كبير في المحاكم الإسلامية بمقديشو
(Read
more) 16-Apr-
2009
مقتل مدني وإصابة ثلاثة آخرين في إشتباك بين عناصر من القوات الحكومية في مدينة مقديشو في حين يخطوا الحزب الإسلامي
(Read
more) 15-Apr-
2009
إغتيال نائب في البرلمان الصومالي علي يد مسلحين في شمال العاصمة الصومالية
(Read
more) 15-Apr-
2009
تنظيم مؤتمر دولي حول الصومال
(Read
more) 15-Apr-
2009
البحرية الفرنسية تعتقل 11 مشتبها بالقرصنة قبالة سواحل كينيا
(Read
more) 15-Apr-
2009
قراصنة صوماليون يستولون على سفينتي شحن ويفشلون في خطف اخرى
(Read
more) 14-Apr-
2009
قرصان صومالي يرفع شكوى ضد الحكومة الألمانية
(Read
more) 14-Apr-
2009
الرئيس الصومالي يلتقي بوفد الكونغرس الأمريكي في العاصمة الصومالية مقديشو وحركة الشباب تودع الوفد الأمريكي بالقصف المدفعي
(Read
more) 14-Apr-
2009
الشارع الصومالي يستنكر تجدد الإشتباكات في العاصمة الصومالية
(Read
more) 14-Apr-
2009
مقتل أثنين وإصابة أكثر من 20 مدنيا في العاصمة الصومالية علي إثر تبادل للقصف العنيف بين حركة الشباب وقوات حفظ السلام الإفريقية
(Read
more) 14-Apr-
2009
البحرية الأميركية تحرر القبطان فيليبس والقراصنة يتوعدون
(Read
more) 13-Apr-
2009
القراصنة يتوعدون باستهداف الأمريكيين وأوباما يتعهد بمحاربتهم
(Read
more) 13-Apr-
2009
امريكا : التغييرات القانونية مطلوبة لمكافحة القرصنة الصومالية
(Read
more) 12-Apr-
2009
وجهاء الهوية يستنكرون الهجمات التي تشنها بعض الفصائل الإسلامية في العاصمة الصومالية مقديشو
(Read
more) 12-Apr-
2009
وزير الأمن القومي الصومالي يطالب القوات الحكومية بالإستعداد لمحاربة أعداء الشعب
(Read
more) 12-Apr-
2009
مقتل 8 وإصابة 20 مدنيا علي إثر قصف عشوائي للأحياء السكنية من قبل قوات حفظ السلام الإفريقية في مقديشو
(Read
more) 11-Apr-
2009
مجلس الوزراء الصومالي يقر ميزانية الحكومة الصومالية الثلاث أشهر القادمة
(Read
more) 11-Apr-
2009
حركة الشباب تندد بإتفاقية الملاحة التي وقعتها الحكومة الصومالية مع الدولة الكينية
(Read
more) 11-Apr-
2009
قراصنة الصومال يفرجون عن الرهائن الفرنسيين
(Read
more) 11-Apr-
2009
قراصنة يستولون على سفينة أمريكية ترفع علم إيطاليا بخليج عد
(Read
more) 11-Apr-
2009
ادارة أوباما تراقب الجالية الصومالية في ولاية مينيسوتا
(Read
more) 11-Apr-
2009
حركة الشباب الإسلامية تغلق آخر محطة إذاعية مستقلة في جنوب الصومال
(Read
more) 9-Apr-
2009
مدمرة أمريكية تصل إلى سواحل الصومال لإنقاذ القبطان المخطو
(Read
more) 9-Apr-
2009
أوباما يرفض التعليق على خطف قبطان أمريكي قبالة الصومال
(Read
more) 9-Apr-
2009
لبنى القاسمي تبحث مع وزير التجارة الصومالي سبل تطوير التعاون التجاري المشترك
(Read
more) 8-Apr-
2009
البنتاجون: أنباء عن استعادة الطاقم السيطرة على السفينة
(Read
more) 8-Apr-
2009 |
English News
Somalia: President Shariff held talks with Ministers (Read
more) 29-Apr-
2009
Somalia: 4 Puntland Intelligence Service officers died (Read
more) 29-Apr-
2009
Somalia: Elders engaged in releasing Aid workers (Read
more) 29-Apr-
2009
Somalia: Russian destroyer detains 29 Somali pirates (Read
more) 29-Apr-
2009
Somalia: Spain, France propose conference on Somali pirates (Read
more) 29-Apr-
2009
Two Abducted Médecins Sans Frontières Staff Released in Somalia (Read
more) 29-Apr-
2009
Donor funds set to boost Somalia’s efforts atcurbing piracy menace (Read
more) 29-Apr-
2009
Somalia: Kidnapped Aid workers freed in Somalia (Read
more) 28-Apr-
2009
Somalia: Jubba radio station back on air, journalist freed (Read
more) 28-Apr-
2009
Somalia: More EU aircraft needed for Somali pirates: commander (Read
more) 28-Apr-
2009
Transcript of FT interview with Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, president of Somalia (Read
more) 28-Apr-
2009
Life in the world’s largest refugee settlement
(Read
more) 28-Apr-
2009
Somalia’s problems need comprehensive solutions (Read
more) 28-Apr-
2009
Kenya starts Somalia officials training (Read
more) 27-Apr-
2009
Somalia: Al-Shabab forces close down media house (Read
more) 27-Apr-
2009
Somalia: Pirates or Patriots of the Sea? (Read
more) 27-Apr-
2009
Pirate, Who? (Read
more) 27-Apr-
2009
Somalia: “We shall implement Islamic law” Premier Sharmarke (Read
more) 27-Apr-
2009
Somalia: Kenya starts Somalia officials training (Read
more) 27-Apr-
2009
Somalia: Top UN envoy calls for follow-up to Brussels meeting on Somalia (Read
more) 27-Apr-
2009
Somalia: Miss Uganda wants to be peace envoy in Somalia (Read
more) 27-Apr-
2009
Situation Report Somalia: # 16, 17 - 24 April 2009 UN (Read
more) 27-Apr-
2009
Somalia: Islamists warn outdated drug traders in Kismayu (Read
more) 26-Apr-
2009
Vice President narrowly escapes assassination (Read
more) 26-Apr-
2009
Somalia: Hope fades in the release of MSF hostages (Read
more) 26-Apr-
2009
AU condemns attacks on Somalia parliament (Read
more) 26-Apr-
2009
Funds to boost Somalia security
(Read
more) 26-Apr-
2009
Captured Youth Will Expose European Atrocities Against Somalia (Read
more) 26-Apr-
2009
Somalia's anguish: Nation in ruins needs the world's help (Read
more) 26-Apr-
2009
Who are the real 'pirates' in Africa? (Read
more) 19-Apr-
2009
How Somalia's Fishermen Became Pirates (Read
more) 19-Apr-
2009
US agencies plot piracy response (Read
more) 18-Apr-
2009
Turkey pledges support for Somalia security forces (Read
more) 18-Apr-
2009
One on one with president Dahir Rayaale Kaahin of the democratic republic of Somaliland (Read
more) 16-Apr-
2009
Somalia: WFP accomplished food distribution in Galgadud region (Read
more) 16-Apr-
2009
Africa’s New Human Rights Court:
Whistling in the Wind? (Read
more) 16-Apr-
2009
Report of Shamsul Bari, independent expert appointed by the Human Rights
Council on the situation of human rights in Somalia (Read
more) 16-Apr-
2009
COMPLEX SOMALI WAR THAT WILL NEVER END UNTILL VESTED INTERESTS STOP MEDDLING (Read
more) 15-Apr-
2009
Somali: Somali MP gunned down in Mogadishu (Read
more) 15-Apr-
2009
French warship captures 11 pirates (Read
more) 15-Apr-
2009
Somalia: “Obama must not neglect Somalia” US senator (guji-riix) SMC/Mogadishu/14-Apr-
2009
Somalia: 10 people died of diarrhea at Bur-Hakaba in Bay region (Read
more) 12-Apr-
2009
Somalia: President Shariff met with Finnish delegates (Read
more) 12-Apr-
2009
Somalia: Presidential spokesman remarks Somali Pirates (Read
more) 12-Apr-
2009
Somalia: Volleys of mortars land inside the Somali seaport
(Read
more) 11-Apr-
2009
Somalia: “We shall burn foreign vessels from now” Somali pirates’ spokesman
(Read
more) 11-Apr-
2009
Somalia: Islamic Courts Union comments operations they had conducted in Middle shabelle region
(Read
more) 11-Apr-
2009
Somalia: ship laden with military equipments docks at Mogadishu seaport
(Read
more) 11-Apr-
2009
Press Conference: Advocate child rights campaign for the last five years
(Read
more) 11-Apr-
2009
Somali elders plan mediation mission for U.S. hostage (Read
more) 11-Apr-
2009
Somalia-Kenya maritime boundary MoU, test for Somali gov't (Read
more) 11-Apr-
2009
Somali pirates issue hostage warning (Read
more) 11-Apr-
2009
Pirates demand ransom for U.S. sea captain; warn he will die if they're attacked ( Read
more) 10-Apr-
2009
Somali Government Ready to Resolve Piracy Problems (Read
more) 10-Apr-
2009
Aid Workers Quit Somalia (Read
more) 10-Apr-
2009
From a nomad to life on the banks of River Thames (Read
more) 10-Apr-
2009
Analysis: Pirates put Obama in 21st-century bind (Read
more) 10-Apr-
2009
Pirates’ change of tack worries shippers (Read
more) 10-Apr-
2009 |
|