News from Somalia in Somali |
Dood furan oo ku saabsan dib u heshiisiinta Soomaalya xarunta dr ismaacill Jimcaale

Muqdisho, Jimco, July 04 2008 SMC“
Dalkeena Soomaaliya muddo ka badan 17-sano waxaa ka socda dagaalo iyo rabshado aan joogsi laheyn kuwaasoo sababey nabad la’aan keentey in ay dalka ka dhacaan xadgudubyo baahsan oo lid ku ah xuquuqda aadamiga oo nooc walba leh oo loo gaystey dadka rayidka ah ee soomaaliyeed.
Wali kuma guulaysan dhinacyada siyaasada soomaaliya in ay khilaafka u dhaxeeya ku xaliyaan wadahadal nabadeed inkastoo shirar farabadan loo qabtey kaasoo uu ugu danbeeyey midkii lagu soo dhisey Dowlada Fedraalka KMG ah taasoo iyana yeelatey mucaarad hubaysan oo dagaalo kala horyimid.
Dowlda iyo ciidamada itoobiya oo dhinac ah iyo dhinacyada ka soo horjeeda ayaa dalka meelo badan oo ka mid ah haba udarnaato Magaalada muqdisho ay dagaalo ku dhexmaraan si joogto kuwaasoo ay ka dhashaan xadgdubyo baahsan oo soo gaara dadka rayidka ah ee aan ku lugta laheyn dagaaladaas.
Waxaa xusid mudan in heshiis hor dhac ah oo ay soo qaban qaabisey UN –ka ay ku gaareen dalka Jabuuti Dowlada Fedraalka KMG ah iyo Isbahaysiga Dib uhoreynta soomaaliya kuwaasoo kala saxiixdey 10 june 2008 heshiis ka kooban 11 Qodob kuwaasoo la xiriira amaanka iyo nabadgelyada dalka soomaaliya iyo waliba gaarsiinta dadka ku barakacey dagaalada ee tabaalaysan gargaarka beni’aadnimo, waxaa xusid mudan in ay jiraan kooxo kale oo aan ka qaybgalin shirkaas kana soo horjeeda go’aanadii ka soo baxay.
Hadaba si loo sii horumariyo dib uheshiisiinta ayna u noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka qaybgalaan dhamaan dhinacyada siyaasada soomaaliya ayaa laga maarmaan ka dhigtey in xarunta Dr.ismaaciil oo gacan ka helaysa Hay’ada OxfamNovib ay isku duwdo doodan furan oo oo soconeysa muddo hal maalin.
Ujeedadada Dooda:
1. in ay ka soo baxaan talooyin wax ku kordhin kara dib uheshiisiinta soomaaliya.
2. In bulshada Soomaaliyeed lagu baraarujiyo iney doorkooda ka qaybqaataan dib uheshiisiinta.
3. In dawlada Fedraalka KMG ah iyo dhamaan dhinacyada ka soo horjeeda loogu baaqo iney ka qaybgalaan dib u heshiisiinta si ay u noqoto mid loo dhan yahay oo horseeda nabad waarta.
4. In dhinacyadaiskaga soo horjeeda siyaasada soomaaliya dhamaantood lagu dhiirigeliyo sidii ay khilaafka u dhaxeeya ay ugu xalin lahaayeen Wadahadal nabadeed, dib u heshiisiin dhab ah iyo isu tanaasul.
5. In bulshada caalamka loogu baaqo in ay gacan ka gaystaan sidii soomaaliya ay uga dhici laheyd nabad iyo dib u heshiisiin waarta oo keenta nabad iyo dowlad soo celisa sharcigii iyo kala danbeeyntii uu dalka lahaa.
Ajandaha doodan furan ayaa wuxuu yahay inaan ka doodno islana meeldhigno su’aalahan kooban ee ku saabsan dib u heshiisiinta soomaaliya:
1. Sidee loo heli karaa dib uheshiisiin loo dhan yahay oo dhexmarta dhamaan dhinacyada isku khilaafsan siyaasada soomaaliya taasoo ka reeban faragelin shisheeye?
2. Maxaa sabab u ah shirkastoo dib uheshiisiineed oo la qabto iney kooxuhu ku kala fakir duwanaadaan ama la fulin waayo go’aanada soo baxa?
3. Door ceenkee ah ayey bulshada soomaaliyeed ka qaadan karaan dib uheshiisiinta?
Sidee loo sii horumarin karaa heshiiska dhexmarey Dowlada Fedraalka KMG ah iyo isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo dhinacyada diidan shirkaas?
4. Waa maxay doorka bulshada caalamka kaga aadan dib uheshiisiinta soomaaliya?
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|