News from Somalia in Somali |
Dr. C/Qaasim oo ka qeybgalay Xaflad lagu maamuusayay Munaasabadaha xuriyada Soomaalida oo xalay lagu qabtay Magaalada Qaahira

Muqdisho, Jimco, July 04 2008 SMC“
Xafladan oo lagu kulmiyay Sadex munaasabadood oo kala ah 27 jun oo ah maalintii ay xornimada qaatay dalka Jabuuti iyo 26 jun oo ah maalintii ay xoreebeen Gobalada waqooyi iyo 1da luulyo oo ah maalintey xoreebeen Gobalada koonfureed ee soomaaliya isla markaana midoobeen labada qeybood ee waqooyi iyo koonfur ayaa waxaa markii danbe ka dhacay fowdo aysan jecleysan dadkii kasoo qeyb galay oo salka ku hayay is qabqabsi udhaxeeyay madaxda naadiga ardada iyo urur dhalinyaro oo dhawaan lagaga dhawaaqay dalka masar oo lagu magacaabo SYO.
Munaasabada xafladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen naadiga ardada soomaaliyeed ee dalka masar ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee soomaaliya Dr.C/qaasim Salaad xasan iyo Duqii hore ee magaalada Muqdisho Dr.Xuseen cali axmed iyo mas'uuliyiin kale iyo dadweyne aad ufara badan waxaana ugu horeyn halkaasi Tix gabay ah kasoo jeediyay abwaan da'yar oo lagu magacaabo C/naasir Axmed kheyre (Abtiga) taasi oo uu ku cabirayay marxalada adag ee uu maanta ku sugan yahay dalka soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in ay umadda soomaaliyeed gacmaha isqabsadaan.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi khudbad kasoo jeediyay Gudoomiyaha naadiga ardada soomaaliyed ee dalka masar C/qaadir kheyre oo ka hadlay qiimaha ay munaasabadahani ugu fadhiyaan umadweynta soomaaliyeed iyo sida loogu baahan yahay in mar walba la xasuusto oo aysan ka tirmin maskaxda da'yarta soomalaiyeed.
Kadib waxaa halkaasi khudbad dheer kasoo jeediyay madaxweynihii hore ee soomaaliya Dr.C/qaasim salaad xasan oo ku dheeraaday taariikhda halgankii loosoo galay xornimada iyo sida ay umada soomalaiyeed naftooda ugu hureen sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen heeryadii gumeysiga.
"Ma ahan wax dheel dheel ku yimid xornimada ee waxaa naftooda uhuray geesiyaal soomaliyeed oo geed gaaban iyo mid dheerba ufuulay sidii ay gumeysiga uga saari lahaayeen ciida soomaaliyeed isla markaana ay umideyn lahaayeen guud ahaan soomaali weyn"Ayuu yiri Dr.C/qaasim salaad xasan isagoo si weyn uga sheekeyay Halgankii ay hormoodka ka ahaayeen geesiyadii Axmed Guray iyo Sayid maxamed Cabdule xasan oo uu ku tilmaamay halgamayaal aan maskaxda umada soomaliyeed marna ka tirmeyn.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxa uu sidoo kale kudheeraaday taariikhda ururkii gobanimadoonka SYL iyo sidii ay ugu guuleysteen in ay gobalada koonfureed e dalka uga xoreeyaan gumeystihii talyaaniga iyo ururadii kale iyo halgamayaashii ka jiray Gobalada waqooyi, soomali galbeed, NFD iyo jabuutiba.
Sidoo kale Dr.C/qaasim intii uu khudbadiisa waday waxa uu amaan balaaran usoo jeediyay dowlada masar oo uu ku tilmaamay in ay siweyn uga qeyb qaateen halgankaasi dalka lagu xoreynayay.
"Aniga kontomeeyadii waxaan imid qaahira waxaana ay xukuumada masaarida magaalada ka hirgalisay idaacad ku hadli jirtay afka soomaaliga oo dhiirigalin usameynjirtay halgankii xornimadoonka iyagoo masaaridu hiil iyo hooba lagarabtaagnaa shacabka soomalaiyeed"Ayuu yiri Dr.C/qaasim oo ka codsatay dadkii faraha badna ee kasoo qeybgalay xaflada xalay in ay u ogolaadaan in uu umahad celiyo Xukuumada masar oo uu uhoreeyo Madaxweyne mubaarak iyo shacabkoodaba.
Xafladaasi loogu dabaaldagayay maalmaha xornimada soomaalida ayaa intii ay socotay waxaa gabagabadeedii hareeyay buuq iyo fowdo salka ku hayay isqab qabsi udhaxeeyay mas'uuliyiinta Naadiga ardada soomaaliyeed ee dalka masar iyo Urur dhalinyaro oo dhawaan lagaga dhawaaqay dalka masar SYO kadib markii ay mas'uuliyiinta naadiga ardada soomaaliyeed ee dalka masar dhibsadeen wareysi ay saxafiyiin soomaali ah gudaha hoolka kula yeelanayeen madaxda ururkaasi kadibna ay korontadii ay adeegsanayeen ka jareen taasi oo keentay fowdo ku cayaartay gabagabadii xaflada.
Bashiir Maxamed warsame (albashiir)
Qaahira Masar
albashiir88@hotmail.com
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|