News from Somalia in Somali |
Naaibka Mowlaca Maana Xamsata Sheekh Uways Al-Qaadiriyah oo sheegay inay Qaati ka tagan yihiin Ciidamada Dowladda KMG...

Muqdisho, Jimco, July 04 2008 SMC“
Naaibka Mowlaca Maana Xamsata Sheekh Uways Al-Qaadiriyah oo sheegay inay Qaati ka tagan yihiin Ciidamada Dowladda KMG ah oo falal dhac ah dhowr Jeer ka geystay Masjidkaasi iyo Gurigiisaba.
Sheekh C/Casiis Sheekh C/Qaadir Sheekh C/Laahi Casir Naaibka Mowlaca Maana Xamsata Sheekh Uways Al-Qaadiriyah ee magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Masjidkaasi lagu dukan waayay Salaadaha Maqribka iyo Cishahaba, sababo ammaan awadaaood.
"Rag ku hubaysan dareyska Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa caadeystay in dhowr jeer ay gudaha Masjudkaasi ka geystaan falal dhac ah, iyagoo dadka ka dhacaya Mobil-da ay wataan iyo wixii hanti ah oo ay haystaan" ayuu yiri Casir Naaibka Mowlaca Maana Xamsata Sheekh Uways Al-Qaadiriyah ee magaalada Muqdisho oo wareysi gaar ah siinaayay Idaacadda Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho.
Sheekh C/Casiis Sheekh C/Qaadir Sheekh C/Laahi Casir Naaibka Mowlaca Maana Xamsata Sheekh Uways Al-Qaadiriyah ayaa sheegay inay iyagu qabaan dhib qaas ah oo soo wajahay Mowlaca uu Naaibka ka yahay.
"Dadka Deegaanka iyo waxgardaka Xaafadda uu Mowlaca ku yaal waxaan ugu yeeraynaa inay arintaasi ka dhiidhiyaan, oo ay ka hirtagaan" ayuu yiri Naaibka Mowlaca Maana Xamsata Sheekh Uways Al-Qaadiriyah oo intaas ku sii daray "Dowladda KMG ah waxaan leenahay waxaad hanan weysay amaankii ay shcabka Soomaaliyeed kaa sugayeen, sidaas darted waxaan leenahay maadaama hubkii shacabka haystay ee uu ku difaacanaayay hantidiisa iyo naftiisa ay ka cabsanayaan inay la soo baxaan ay u fasaxdo inay hubkooda qaataan si ay isaga celiyaan Tuugta caadeysatay inay boobaan".
Naaibka ayaa sheegay inay awoodaan inay iska celiyaan kuwa damiirlawayaasha ah ee caadeystay inay dhowr mar ka gaystan Mowlacaasi falal dhac ah, "Waxaan helaynaa ilaa kun Rag ah oo hubka qaadan kara, waxaana ka doonaynaa Dowladda inay na fasaxdo si aan isaga celino, waxaan ka cabsanaynaa in nala yiraahdo meeshaan Wadaado ayaa isku aruursaday" ayuu yiri Sheekh C/Casiis Sheekh C/Qaadir Sheekh C/Laahi Casir Naaibka Mowlaca Maana Xamsata Sheekh Uways Al-Qaadiriyah.
Mowlaca ay ku aasan tahay Maana Xamsata Sheekh Uways al-Qaadiriyah ayaa ah mid dhisan Nus Qarni, wuxuuna Naibka Mowlacaasi sheegay inay quudiyaan dadka baahan, islamarkaana ay dhar siiyaan kuwa aradan, iyadoo uu sheegay in dadka jiran ay daweeyaan, wuxuuna ka codsaday Umadda Islaamka ah ee Soomaliyeed inay wax ka qabtaan arinkaasi, hadii kale ay meeshaasi ka dhici doonto wax lagu cibra qaato
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|