Somali News  
 


News from Somalia in Somali
Wararkii wargeyska ogaal

Hargeysa, Khamiis , July 3 2008 SMC

“M/weyne in Ciise wada casheeyo miyaanay Xeerkeena ku jirin?”


“Ninkaan Madaxweyne siiyay wuxuu Ganacsade ku falayo garan maayo”

“Anigu waxaan isweydiiyaa Madaxweynihii miyaanu noolayn. Waayo…”
Ganacsato

Hargeysa (Ogaal)- Wefti Ganacsato Sacuudiyaan ah oo ka ganacsada Xoolaha oo Isniintii toddobaadkan socdaal ku yimi dalka, ayaa la sheegay inay shalay gelinkii dambe dib ugu laabteen dalka Jabuuti ka dib markii ay sida la sheegay ay ku hungoobeen wada-hadallo ganacsiga Xoolaha khuseeya oo ay doonayeen inay la yeeshaan Madaxweynaha. Kaas oo lagu ballansanaa inay shalay gelinkii hore isku arkaan Madaxweynaha iyo Ganacsatada Carbeed, balse ilo xog-ogaal ahi ay tibaaxeen aanay Ganacsatadaasi kala kulmin Madaxtooyada qaabillaaddii ay filayeen.

Siday tibaaxeen ilo u dhuun-daloolay qasdiga Ganacsatadaa Sacuudiyaanka ah oo ka soo kicitimay dalka Jabuuti, imaatinkoodu wuxuu ka dambeeyay martiqaad ay ka heleen Xukuumadda Somaliland, kaas oo la sheegay inuu daba socday is-arag hore oo ka dhacay dalka Jabuuti markii uu Madaxweyne Rayaale booqashada ku joogay halkaa. Hase yeeshee, wararku waxay intaa ku dareen, in Weftigaasi haatan ku laabtay Jabuuti in markii ay yimaaddeen Hargeysa aanu si rasmi ah u suurogelin kulan la sheegay in shalay 10:00-kii uu Madaxweynuhu kula ballansanaa. Wararku waxay intaa ku dareen, in Madaxweyne Rayaale halkii ay ka filayeen Weftigu inay kulan wada-hadal ah isku arkaan, uu u sheegay inuu soo dersi doono Dokumenti qoraal ah oo la sheegay inay u dhiibeen. Isla markaana, uu u raaciyay inay iskaga laabtaan Jabuuti, halkaana ay ku sugaan jawaabta qoraalkooda.

Dhaqdhaqaaqa Ganacsatadan Sacuudiyaanka ah ee Xoolaha iibsataa waxay mar kale soo noolaysay niyadda Xoolo-dhoofiyayaasha waddaniga ah oo tan iyo intii ay Xukuumaddu heshiiska la gashay Ganacsatadaha Sacuudiga ah ee Al-Jaabiri qaylo-dhaanta cabashadoodu taagnayd. Isla markaana si isdaba joog ah ugu baaqayay Madaxweyne Rayaale in xayiraadda kootada laga qaado Ganacsiga dhoofka Xoolaha. Sidaa daraadeed, imaatinkii ganacsatada Sacuudiyaanka ah ee shalay ku laabtay, waxay sababtay inay Hargeysa ku soo ururaan Ganacsatada Xoolaha dhoofisa ee ka qaylinaysay in Al-Jaabiri oo kaliya loo xayiro Xoolaha. Waxay eegayeen in Madaxweyne Rayaale uu si nool u qaabili doono Ganacsatadan cusub ee Sacuudiyaanka ah, kuna qanci doono soo celinta Xorriyaadkii ganacsiga Dhoofka Xoolaha. Hase ahaatee, waxay niyad-jab ka muujiyeen natiijadii ay Ganacsatadaasi kala kulmeen Madaxtooyada. Isla markaana, Ganacsatada Xooluhu kulan ay shalay ku yeesheen Hotel-ka Ambassador waxay mar kale ku celiyeen oo ay ugu baaqeen Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa, inay hoos u eegto Xaaladda adag ee nololeed ee heshiiska Al-jaabiri u horseeday Bulshada. Isla markaana, si taa looga baxo waxay u soo jeediyeen Xukuumadda in ay xayiraadda kootada ka qaaddo dhoofka Xoolaha, si fiicanna ula macaamisho ganacsatadan cusub ee Sacuudiyaanka ah. Kuwaas oo ay sheegeen inay kor u qaadayaan qiimaha neefka ah ee hadda dhul-yaalka ah, abuurayaanna tartanka ganacsiga dhoofka Xoolaha sidii ay horeba u ahayd.

Kulankaas ka dib, waxay ganacsatada madashaa fadhiday qabteen Shir-jaraa’id oo ay kaga hadleen Xaaladda taagan.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Cabdiraxmaan oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in arrintoodu ku xidhan tahay Madaxweynaha, isla markaana cid kasta oo ay u tagaan, si ay ugala hadlaan arrinta xayiraadda Xooluhu ay isu dhaafiso oo ay u tilmaanto Madaxweynaha. “Waxaanu nahay Ganacsatadii Xoolaha ee inta badan ka dalbatay in xayiraadda laga qaado Xoolaha.. waxaanu dawladda, gaar ahaan Madaxweynaha oo la yidhi isaga ayay gaar ugu xidhan tahay, oo haddii nimankii Xoolaha loo xidhay ee kaligood imika dira aanu la hadalnay, waxay yidhaahdeen anaga Madaxweynahaa noo xidhay, haddii Wasiiro lala hadlay ay nagu yidhaahdeen Madaxweynahaa arritantaa awood u leh, oo aanu yaqiinsanay oo aanu isleenahay waa awood darteed. Waxaanu mar labaad iyo mar saddexaad cod kii la mid ah ku leenahay in umaddaa uu Madaxweynaha u yahay ee raalida ka wada ah Xoolihii u fasaxo oo aad awooddaada isticmaasho.” ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Waxaanu ugu baaqay Madaxweyne Rayaale inay kulan isugu yimaadaan Guddida uu guddoomiyaha ka yahay iyo Madaxweynuhu. “M/weyne jawaab degdeg ah ayaanu kaa sugaynaa iyo inaad noo yeedho oo aynu kulan isugu nimaadno” ayuu yidhi.

Sidoo kale Shirkaa jaraa’id waxa ka hadlay xubno kale oo Ganacsatada ka mid ah. “Aniga Suldaan Maxamed Jaamac Cabilaahi baa lay yidhaahdaa, ganacsade Xoolaha nool ayaan ahay. Waddanka abaar baa ka dhacday, xoolihii way joogsadeen..Nimanka Xoolaha dhaqa ayaa aad u qiimo badan oo in la ilaaliyo mudan. Laakiin nimankaa sicir baa loo jaray oo 28 Dollar ayaa neefkii la siisanayaa, markii ay Heshiiska la gashay Dawladdu Al-Jaabiri neeftu wuxuu qiimihiisu marayay 47 Dollar…Haddii ay dawladdu heshiis la gashay ninkaa oo ay markii hore sax u arkaysay, dadkii qalad buu ku noqday arrinkaasi..Waxaanu doonaynaa in nimankaa (Weftiga Sacuudiyaanka ah) qaddiyadday wadaan la soo dhaweeyo oo lala shaqeeyo oo aanay dawladdu dib u celinin. .Waxaanu dawladda kula talinaynaa oo aanu leenahay anaga oo M/weynaha ku xigeenkaba salaamayna, arrintaa (heshiiska Al-jaabiri) si degdeg ah dib ha loogu eego. ” Waxaanu isaga oo ka sii hadlaya heshiiska Xukuumaddu la gashay Al-jaabiri intaa ku daray oo uu yidhi, “Dadkii Xoolaha ka ganacsanayay inay dawladdu laba nin ka qaadato umaddu way liqi kari wayday. Waxaanu leenahay labaddaa nin xuquuq bay leeyihiin, dadka kalena xuquuq bay leeyihiin. Laakiin in laba nin oo kaliya casheeyaan in dadku wada casheeyo ayaa ka wanaagsan. Ciisuhu markay wax isku qabtaan waxay yidhaahdaan, waar miyaanay Xeerkeena ku jirin Ciise ha wada casheeyo?. Markaa M/weynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin waxaanu leenahay dadku ha wada casheeyo. Ganacsiga Xoolaha Nooli baratanka ayay ku wanaagsan yihiin ee waxaanu leenahay arrintaa Xukuumaddu dib ha uga fiirsato.”
Waxa kale oo dadkii halkaa ka hadlay ka mid ahaa Ismaaciil Ibraahim Xuseen (Siikaawi) oo ka mid ah Ganacsatada Xoolaha. “Anigu waxaan qabaa inaanu Madaxweynuhu dalkaba joogin, waxaan isweydiiyaa habeenkii, waar Madaxweynuhu halkuu jiraa? Waayo 17 bilood ayaanu hadlaynay Madaxweynuhu wali noogamuu soo jawaabin hadalkayagaa, Wasiir noomuu soo dirin, Agaasime noomuu soo dirin iyo Badhasaab toona. Waxaan is-leeyahay malaha Madaxweynihii ma noola. Waxaan leeyahay, waar Madaxweynaha ma Idaacaddaa ka mamnuuc ah oo aanu dhegaysan, ma TV-gaan Gurigiisa oolin, ma Jaraa’idkaan loo geynin, mise Sirdoonkiisa ayaan daacad ahayn oo aan la shaqaynin, anigu waan yaabbanahay. Markaa waxaanu leenahay, waar ciddii Madaxweynaha wax ku falaysaay ee dalka wax ku falaysaay, 15 bilood ayaanu hadlaynee, wararkaanu ku hadlaynay Madaxweynaha hor dhiga.” ayuu yidhi Ismaaciil Xuseen. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Markaanu hadalnaba Cali iyo Aadan baa yidhaahda Mucaaradkiibaa hadlay. Doorashadii Madaxweynaha, ayaa Maalin maalmaha ka mid ah gobolka Togdheer ayaa Cali oo Mucaaradka u codaynaya iyo Cabdilaahi Maxamed Cabdiraxmaanna oo u codaynayo Madaxweynaha JSL Daahir Rayaale Kaahin, ayaan taagnaa. Saddex bakhaar oo uu Cali Magaalada Burco ku lahaa waxa yaallay Daasadaha suntan faraha rinjiga lagaga tiro, oo wuxuu lahaa ku laba noqda oo Kulmiye u codeeya, ina Cabdiraxmaan-na hadba inyar uun buu kala hadhayoo wuxuu lahaa u codeeya Madaxweynaha, UDUB u codeeya. Markii adhigii loo xidhay wuxuu yidhi ina Cabdiraxmaan waa Mucaarad oo waa Kulmiye, isaguna wuxuu sheegtay UDUB. Waxaan leeyahay, ma waxa UDUB ah kolba labada nin ee mansab hela ee dadka inta kale UDUB-ba maaha? Waar anigu waan yaabbanahay oo dee malaha Xukuumaddan wax baa u dhiman. Waxaan leeyahay, anagu haddii aanu adhiga diri jirnay UDUB baanu ahayn, haddii aanu camal-la’ayn UDUB baanu ahayn, haddii adhiga naloo diidana UDUB baanu ahaanaynaa. Laakiin ninka markii adhiga loo xidhayna UDUB ah, haddii la yidhaahdo imika adhiga dadkaa loo qaybinayaana ka baxaya ayay Xukuumaddu doonaysaabaan filayaa.”

Ismaaciil Siikaawi oo ka tirsan Guddiga Ganacsatada Xoolaha ee shalay Shirka jaraa’id ku qabtay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, oo ka kala yimid magaalooyinka iyo gobollada dalka, sida Sool, Ceerigaabo, Burco, Berbera, Hargeysa, Gabiley, iyo Borama, ayaa wuxuu sheegay inay Xoolo kaga xanniban yihiin Dekedda Berbera. “Muddo 25 cisho ah ayaa adhi tiradoodu dhan tahay 380 igaga geedo cunayaan Dekedda Berbera, laba goor ayay Cali iyo Aadan igaga guureen. Markii aan xisaabiyay lacagta ay igaga geedo cunayaan Xoolahaasi, neef waliba 7-Dollar iyo badh ayuu maalintii igaga geedo cunayaa, dibna uga celin maayo haddii ay Cadceeddu madoobaanayso. Inay 380 ee neef halkaa ku bes beelaan iyo inay ka dhoofaan mid ahaan ayuun bay noqonaysaa. Waxa uu soo jeedin u jeediyay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo sidoo kale Golayaasha Qaranka. “Waxaan Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Golayaasha kaleba u sheegayaa adhigii Cali iyo Aadan oo maanta (shalay) soo dhaadhacaya ha wada joogeen adhiyuhu ama ha wada dhoofeen. Laakiin, ma yeelayno in midna soo hadho, midna uu dhoofo, cid walba anaga ayaa ka nabad jecel” Ayuu yidhi Ismaaciil.

Waxa kale oo uu sheegay in Weftiga Carabta ah ee dalka yimid doonayaan Xoolaha Somaliland, sidaa darteed ayuu yidhi, “Haddii Madaxweynuhu u ogolaado caawa ayaan u rari lahaa adhiga Berbera jooga. Waar dalka hoos ha loo eego. Ninka Madaxweyne tan (Somaliland) ka helay, wuxuu ganacsi ku falayo ma garanayo. Daahir Rayaale Kaahin waxaanu u ogolnahay M/weynenimo aan dhacayn, laakiin ninka aan ogolayn inaanu ceeshno oo aanu adhiga rarno, dee Madaxweyne u ogolaan mayno ee Kursigiisa bannaanka ayaanu u dhignay. Anagu Xukuumaddu waxay isku hallaynayso garan mayno, ee waxaanu leenahay M/weyne waxaad ahayd nin doorasho ku soo baxay ee ha ceeboobin ee Xoolaha ka hor baydh” ayuu yidhi

Go’aamo laga gaadhay shaqaaqadii Berbera

Berbera (Ogaal) – Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamed Cabdilaahi Maxamed ayaa shalay saxaafada uga xog-waramay dhacdo shaqaaqo wiil dhalin-yaro ahi ku geeriyooday oo dhawaan ka dhacday magaalada Berbera oo ka dhalatay muran la xidhiidha dhul ku yaala Xeebta Batalaale oo laga dhisayay Hoteel.
Sida uu ku soo waramay wariye Yaasiin Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in odayaasha Marxuumka ku geeriyooday shaqaaqadaasi ay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid-yihiin, “in Dawladu bixiso Magtii marxuumkaasi sida ugu dhakhsaha badan, in nabad-gelyada guud la ilaaliyo. In wixii la xidhiidha muranada dhulka maamulka dawlada hoose si wanaagsan loogala xaalo sharciyadeedana la raaco. Waxa kale oo aanu odayaasha ka codsanay In nalaga daayo dhalin-yarada rabshoolayaasha ah ee meelo kale Gobolka (Saaxil) kaga imanaya.” Ayuu yidhi Gudoomiyuhu

Kulanka heshiiska lagu gaadhay waxa goob joog ka ahaa sida warku sheegay. Suldaan Maxamed Jaamac Guuleed, Boqor Saleebaan Cabdilaahi iyo Jiif Caaqil Saleebaan Aadan, iyadoo isla shalay Maayarka Magaalada Berbera Cabdala Maxamed Carab uu qodo ugu sameeyay Hoteel Xeeb-soor.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil waxa uu ku sheegay xog-warankiisa shalay in qaar ka mid ah dadkii rabshadaha dhawaan lagu qab-qabtay lagu xukumay min sagaal bilood oo xadhig ah. Waxana laba xubnood oo ku eedaysan inay hubaysnaayeen iyaga ku socota weli dacwad sida uu sheegay Badhasaabku. “Cid kasta oo wax u dhimaysa nabad-gelyada gacan bir ah ayaa lagu qaban doonaa.” Ayuu yidhi Badhasaabku waxaana uu intaa ku daray oo uu sheegay in dablay dhawaan goor habeenimo ah qabsaday warshada Laydhka Berbera, iyo koox Doon ka soo afduubay dalka Yamen-ba, lagu daba jiro. Marka ciidamadu gacanta ku dhigaan sharciga la horkeeni doono.

Ciidamada Puntland oo dib uga gurtay Gobolka Sanaag iyo Wararkii ugu danbeeyay ee qoys afduub loo haysto

Laasqoray (Ogaal) – Ciidamada Maamul-goboleedka Puntland ee ku suganaa deegaanka Laas-qoray ayaa dib uga guuray goobihii ay ku sugnaayeen ka dib markii ay odayaasha iyo wax garadka deegaankaasi oo shir yeeshay go’aamo ay soo saareen kaga dalbadeen ciidamada Puntland inay ka baxaan Gobolka Sanaag, waxa kale oo go’aankooda ay ku xuseen odayaashu sida warku sheegay in ciidamada Somaliland aanay halkooda dhaafin.

Warku waxaa uu intaasi ku daray in ciidamada maamulka Puntland ee ku sugnaa deegaanka degmada Laasqoray ee shalay guurey uu gaadhi kaga rogmaday intay jidka ku sii jireen, kaasoo ay ku dhaawacmeen ilaa 4- Askari oo dhaawacooda la geeyay magaalada Boosaaso.

Ciidamada Puntland ee ka baxay deegaanka Gobolka Sanaag ayaa meesha ka saartay cabsi dadka deegaankaasi ka qabeen inay isku dhacaan labadan ciidan oo hareeraha ka fadhiyay Buuraha Cal-madow oo ay budhcad badeed madax-furasho doon ahi ku haystaan Qoys haysta dhalashada wadanka Jarmalka. Balse asal ahaan ka soo kala jeeda wadamada dalalka Denmar iyo France.
Dhanka kale waxa jira wali dadaalo la doonayo in gacanta Budhacada haysata dadka Ajaanibka ah lagaga soo furdaamiyo iyada oo meesha laga saarayo in wax shuruud ah soo daynta dadkaasi lagu xidho. Iyadoo hore ay budhcadani u dalbatay in la siiyo Laba milyan oo doolarka maraykanka ah.
Badhtamihii todobaadkii la soo dhaafay ayaa budhcad badeed Somali ahi waxay gacanka cadmeed ka Afduubeen laba ruux oo qoys ah (Isu dhaxay) kuwaasi oo ka soo kicitimay magaalada loo dal-xiiska tago ee Sharma-sheekh ee dalka Masar kuna sii jeeday wadanka Tayland.

Hargeysa: Xoghayihii dawlada hoose oo xilkii wareejiyay

“Barigii hore aniga iyo Maxamed Aw Aadan ismaanaan fahmi jirin” Maayarka Hargeysa

Hargeysa (Ogaal)- Xoghaye cusub oo dhawaan loo magacaabay Dowlada hoose ee Hargeysa (Maxamed Aw Aadan Wayrax,) ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegay Xoghayihi hore Maxamed Nuur Axmed, isla markaana munaasibadii xilka wareejinta waxa goob-joog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Axmed - Kayse, Maayarka Caasamadda Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka iyo sidoo kale masuuliyiinta laamaha dawlada Hoose ee Hargeysa.

Munaasibadii ay Xilka kula wareegayeen labada Xoghaye ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Dawlada Hoose ee Magaalada Hargeysa, isla markaana Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Daakhiliga Kayse oo Munaasibadaa hadal ka jeediyay ayaa Xoghayaha cusub u rajeeyay in Illaahay u fududeeyo Xilka Qaran ee uu qabtay, isla markaana waxa uu hambalyeeyay Xoghayihii hore ee Golahaasi Deegaanka Hargeysa, oo uu sheegay in uu si fiican oo hagar la’aan ah u gutay waajibaadkiisii shaqo. “Aad baan ugu faraxsanahay inaan idiin kala soo qayb-galo Xafladan Xilwareejinta ah. Maxamed Aw Aadan, kuma cusba dawlada Hoose, oo maalintii xilka xoghaye-nimo laga wareejinayay laba sanno iyo badh ka hor cadho badan ayaa ka muuqatay, waxaanan kula taliyay in aanu noqon sida dadku marka xilka laga qaado noqdaan ee ay meelaha uga qayliyaan, haduu sidaa yeelana uu xilka ku soo noqon doono. Waanu yeelay, oo waa kaa maantaba xilkii wakhtigaa laga wareejiyay tirsanaya.” Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Arrimaha Guduhu.
Sidoo kale, Duqa Caasimada Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa ka hadlay Xafladaas xil-wareejinta ahayd, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Maxamed Aw Aadan waanu ku soo dhawaynaynaa shaqada, in kasta oo aanu nagu cusbayn oo aanu soo wada-shaqaynay. Isla markaana waxaan Maxamed u sheegayaa in aanu habkii uu nagu ogaa aanu wax badan ka bedalay, Shaqaale badan aanu erinay, dib u soo celintii shaqaalaha aanu joojinay.” “Waxa aanu imika ku shaqaynaa wada-tashi iyo wax wada qabad. Barigii hore aniga iyo Maxamed ismaanaan fahmi jirin oo waxyaabo badan ayaanu isku qabsan jiray, oo uu Maxamed odhan jiray Jiciir isaga ayuun baa wax iska wata. Imika sidii maaha ee waxaan rajaynayaa in aynu si fiican u wada-shaqayn doono.” Ayuu yidhi oo uu hadalkiisa sii raaciyay Maayar Jiciir.

Isla markaana waxa uu ka waramay qorshayaasha dawlada Hoose, oo uu sheegay in ay wakhtiyada soo socda wax badan ka qaban doonaan dhinaca horumarka.

Xoghayaha Cusub ee xilkii Xoghaye-nimo ee dawlada Hoose Maxamed Aw Aadan Wayrax, ayaa isna kalamad halkaasi ka yidhi. “Horta, Xoghayaha hore ee Xilka ugu wareejiyay waan u mahad-naqayaa, waxaan idiin sheegayaa in aanan inta kartidayda ah waxba ka hagran doonin shaqada aan xilkeeda qaaday ee Qaran. Waxaanad Illaahay iiga baridaan in uu ii fududeeyo Xilka Qaran ee aan qabtay.” Ayuu yidhi Maxamed Aw Aadan Xoghayaha cusub ee Golaha Deegaanka Hargeysa.

Xoghayihii hore Maxamed Nuur Axmed, ee xilka wareejiyay ayaa isaguna ka xog-waramay waxyaabihi u soo qabsoomay muddadii xilka uu soo hayay, halka uu ka soo bilaabay iyo waxyaabaha u qorshaysnaa. Isla markaana waxa uu u mahad-celiyay Masuuliyiinta, Xildhibaanada iyo Shaqaalaha kale ee Golaha Deegaanka Hargeysa. “Aad iyo aad ayaan ugu niyad samahay inaan maanta xilkii Xoghaye-nimo ee dawlada Hoose aan ku wareejiyo Xoghaye Maxamed Aw Aadan Wayrax. Waxaanan leeyahay ku soo dhawaw Xafiiska.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayihii hore ee dawlada Hoose.

Ugu dambayntii Agaasimaha guud ee arrimaha gudaha iyo Maayarka Caasimada ayaa u kala wareejiyay Xoghayayaasha xilkii Xafiiska Xoghayaha iyo sidoo kale Dhukumantiyadii Xafiiskaa.

Maxaa hakiyay Diyaaradaha Rakaabka Maraykanka ee isaga gooshayay dunida?

Dallas (Ogaal/AP)- Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in qaar ka mid ah Diyaaradaha Rakaabka ee dalkeeda shaqadii joojiyeen, lana filayo in ay Diyaaraduhu ka baaqdaan 900 oo duullimaad oo ay ku tegi lahaayeen daafaha dunida, ka dib markii uu kor u kacay Qiimaha Shidaalku.

Sida lagu baahiyay Wakaaladda Wararka AP, Dawladda Maraykanku waxay sheegtay inay shaqada ka fadhiisin doonto tiro aanay wali si rasmi ah u cayimin oo ka mid ah Duuliyayaasha Diyaaradaheeda iyo sidoo kale farsamo-yaqaanada kale ee Diyaaradahaas. Waxaanu Maraykanku sheegay inuu tallaabadaa qaaday si bay yidhaahdeen, “loo dabooli karo baahiyaha dhaw ee Shirkadaha Diyaaradaha iyo sidoo kale sii jiritaanka mustaqbalka ee Shirkadaas”.

Tallaabadan ay Dawladda Maraykanku qaadday ayaa waxa uu walaac wayn ku abuuray dad badan oo dhalasho ahaan dalkaa ka soo jeeda, ka dib markii ay sheegtay in Duulimaadyadeed oo dhan 18,000 ay 900 oo ka mid ah joojisay. “Waxaanu fadhinay dacalka Kuraasta oo waxaanu sugaynay Tigidhadayadii, markii naloo sheegay inay baaqatay Diyaaradaas iyo duulimaadyadii ay ku bixi lahayd” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadkii Rakaabka ahaa ee ay u qorshaysnayd inay raacaan mid ka mid ah Diyaaradaas la joojiyay. Shaqo-joojintan Diyaaradaha Maraykanka ayaa waxa ku shaqo waayaya inta badan 82,000 oo shaqaale ah. “Dhibaatooyin way keenaysaa arrintani, laakiin baahiyaha daruuriga ah ayaa isbedelkan keenay. Waxaanu la kulanay caqabado ka xoog badan Shirkadaha oo soo waajahay oo ah Qiimaha Shidaalka ee kor u kacay iyo dhaqaalah sii liidanaya ee Maraykanka” Sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay Dawladda Maraykanka oo lagu magacaabo Tim Wagner.

Dawladda Maraykanka iyo Shirkadda Diyaaradaha ee American Eagle ayaa la filayaa inay sanadkan oo kaliya ku kharash gareeyaan Shidaalka Diyaaradaha 10-Milyan oo Dollar. Marka loo eego sanadkii hore iyo sanadkan kharashka Shidaalka Diyaaradaha ee ay isticmaalayaan waxay isdheer yihiin oo uu sanadkani dheer yahay kii hore 6.7-Bilyan oo Dollar.

Dhinaca kale Shirkadda Diyaaradaha ee Continental Airline Inc. ayaa la sheegay inay meesha ka saarayso 3,000 oo fursado shaqo ah, isla markaana ay xarayn doonto oo ay dhigi doonto 67 Diyaaradood. Waxaanay ku wargelisay shaqaalihii 10-kii sanno ee u dambeeyay shaqaynayay inaanay lacag siinaynin, balse ay shaqada u bannaan tahay ciddii mutadawacnimo ku shaqaynaysa iyo bilaash.
Sidoo kale Shirkadda kale ee UAL Corp.’s United Airlines oo ah Shirkadda labaad ee ugu wayn dalka Maraykanka, ayaa la sheegay inay shaqada ka fadhiisinayso Duuliyayaal tiradoodu dhan tahay 950 iyo sidoo kale inay meesha ka saarayso boosas shaqo oo gaadhaya 1,600.

Wadani

Dad-yahow dhagaha culus lihi, maanta dhawr su’aalood ayaan idin weydiinayaa.
Waa ta koobaade, Biriishkii baahada badan loo guray, fadhaan fadh baa loo bixiyoo laba kuray oo ciid fadhaya mooyee wax ka soo jeeda ma aragnee lacagtiisii xagay martay sheega?

Waa ta labaade, Xisbigan UDUB ee shirweynihiisii sadex kal-dhaafay maanta ma sharcibaa, ma sharci daraa, Goormaa shirkiisii la qabanayaa?

Waa ta sadexaade, dawlada maanta madaxdeeda markay xilka qabanayeen mid lacag sitay kuma jirin, maantana xaga dhaqaalaha way ku baratamaane shanta ugu lacagta badan iyo siday u kala horeeyaan soo sheega?

Waa ta afraade, inta ganacsade ee dawlada xilal sare ka haysa ma taqaanaan, Baayacmushtarkooduse muxuu yahay?

Somaliweyn Media Center (SMC)
Hargeysa

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)