News from Somalia in Somali |
Jaaliyada soomaliyeed oo gobolka westren cape oo raja wanaagsan ka muujiyay xaalada soomalida ku nool wadanka koofur africa

Cape town, Arbaco, July 02 2008 SMC“
 
Ka dib shir jaraa,id ay ku qabteen xafiiskooda mus,uuliyiinta jaaliyada soomaliyeed ee westren cape aya ka warbixiyay muddo lix bilood ka dib xaalada ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaliyeed ee ku sugan dalka koofur africa ayagoo sheegay in ay rajo weyn ka qabaan in xilligan ay soo hagaageeso xaalada soomalidii dhibaatada loogu gaystay wadanka koofur africa dabaayaqadii bishii hore inkatoo weli ay taagan tahay saameeyntii balaarneed ee soo gaartay ganacsatadii soomaliyeed oo hantidooda la boobay isla markaana laga barakiciyay goobahooda ganacsi.
Godoomiyaha soomaali community board of westren cape Mudane Cabdi Axmed Cumar (Cabdi Jiidow) oo saxaafada kula hadlayay xafiiskooda ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in 3000 kun oo qof oo Soomali ah in ay ka barakaceen goobahooda ganacsi kuwaas loo kala qeybiyay xerooyin qaxooti iyo Masaajidyo kuwaas oo si ku meel gaar ah loogo quudinayay goobahaasi Godoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in ka badan 470 Ruux oo muwaadiniin Soomali ah lagu dilay gudaha dalkani koofur africa oo ku sugnaa goobahooda ganacsi ayagoo waxba aanan galabsan sidoo kale waxa uu sheegay in ay weli jiraan dhibaatooyin xallin u baahan sida dad aanan awoodin in ay goobahooda ganacsi dib ugu laabtaan sababo la xiriira dhanka dhaqaalaha iyo kuwo loo diiday in ay ku laabtaan dukaamadooda ganacsi iyadoo ay la wareegeen dukaamadaasi dadka deegaanka.
Dhanka kale waxaa halkaasi ka hadlay afhayeenka jaaliyadaasi Maxamed Cusmaan Jaamac (Dheereeye) ayaa isagana ku nuux nuux saday in xilligan loo baahan yahay in soomalida dhexdeeda ay is fahamto ayna ka tanasusho waxa loo yaqaano qabyaalada oo soomalida inta badan kala geeyay waxa uuna afhayeenka intaasi ku daray in jaaliyada soomaliyeed ee gobalka westren cape ay dadaal dheer ugu jirta sidii ay u mideen lahaayee guud ahaan soomaalida ku nool dalkani koofur africa si ay meel isaga saaraan caqabadaha soo wajihi kara waxa uuna ugu baaqay shacabka soomaliyeed ee ku dhaqan dalkani in ay la yimaadaan niyad sami iyo waxqabad dhab ah oo aanan aheen dan gaar ah balse ah dan guud taana waa tan looga gudbi kara dhibaatooyinka aan kala kulano dalka aan joogno.
Sidoo kale waxa ay sheegeen ururka Soomali community board in ay u sameyn doonaan dadka da,da ah iyo dhalinyarada aan nasiib u helin waxbarasho Aas aasi ah in ay u diyaariyeen waxbarasho lacag la,aan ah iyo macalimiin soomali ah oo si tabarucaad ah oo wax ku baraya arrintaasi oo inta badan u riyaaqay dadkii ka soo qeyb galay shirkaasi waxayna arintaani u muuqataa hadii ay hir gasho mid hor mar u noqota dadkaasi
Sidoo kale waxay soo hadal qaadeen in dadkii soomalida oo ku jiray xerooyinka qaxootiga iyo masaajidada ay dib ugu laabteen goobahoda ganacsi inta badan kuwa ku harayna la rajaynayo in dhawaan ay dib u yagleelaa mehradahoodii ganacsi
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqanaysa in ay dadaal faraban wadaan waxgaradka jaaliyada soomaliyeed oo xilligaan u istaagay wax uqabashada muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalkani k/Africa walow sanadkaani muwaadiniinta soomaaliyeed ay soo wajaheen dhibatadiii abid ku qabsata wadankaani inkastoo ay haatan kasoo kabsanayaan.
maxamed deeq muuse nuur(deeq darajo)
deeqdarajo100@hotmail.com
Cape town 27721277344
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|