Somali News  
    Heesta Somaliweyn: Hees  
 
 


News from Somalia in Somali
Nafaqo-darrada oo si weyn u kordheysa iyada oo gargaarkuna sii yaraanayo

Hargeysa, Talaado, July 01 2008 SMC     

Xaaladda bani’aadamnimada ee Soomaaliya, gaar ahaan degaanka Muqdisho ayaa ah xaalad degdeg ah oo caafimaad iyo mid quudineed oo si xawaare badan u sii xumaanaya. MSF waxa ay Soomaaliya ka shaqeyneysaa ilaa 1991-gii waxaana ilaa bishii Abriil 2007 ay barnaamij degdeg ah oo caafimaad ka waddey degaanka Xaawo Cabdi ee ku yaalla waddada Muqdisho iyo Afgooye u dhexeysa. Iyada oo marka laga soo bilaabo bishii Abriil oo ahayd markii hawlgalka laga bilaabey degaanka ay tirada dadka nafaqo-darradu hayso ka sarreysey tirada la filayo marka xaaladaha degdegga ahi ay jiraan, haddana saddexdii bilood ee ugu dambeysey, kooxaha MSF waxa ay arkeen in 400% ay kordheen tirada carruurta da’doodu ka yar tahay 5 jir oo barnaamijka ku soo biiraya.

Qoraalkan waxa uu bixinayaa xogta caafimaadka barnaamijyada MSF ee Xaawo Cabdi iyo Afgooye si qaylodhaan ay ugu noqoto dhibaatooyinka quudinta ee ka jira daafaha Muqdisho. In kasta oo qoraalkan uu diiradda saarayo degaannada Xaawo Cabdi iyo Afgooye, haddana welwelka ay MSF qabto kuma koobna labadaan degaan. Soomaaliya gebi-ahaanteedba waxa dadka haysta xaalad bani’aadamnimo oo aad u ba’an.

Kooxaha MSF waxa ay joogaan 12 goobood oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ah. Waxa aan aragney in dhammaan goobahaasi sanadkii la soo dhaafey ay xaaladdooda caafimaad aad u sii xumaaneysay, iyo in ay nafaqo-darrada kordheysey saddexdii bilood ee la soo dhaafey. Heerarka nafaqo-darrada ee MSF ay u jeeddo ayaa tilmaamaya dhibaato taas ka weyn, kaas oo ah isku-qasmidda dadaallada siyaasadeed iyo geynta gargaarka bani’aadamnimada ee Soomaaliya iyo ixtiraam la’aanta qaadista tallaabo bani’aadamnimo ee arrintan hore ka dhalatey. Horey looma soo arkin baahi degdeg ah oo ka weyn tan hadda loo qabo in waxqabadka bani’aadamnimadu uu ka madax-bannaanaado mid kasta oo ka mid ah ama dhammaan dadaallada siyaasadeed.

Xaalad degdeg oo caafimaad iyo mid quudineed ayaa ka jirta Muqdisho iyo hareeraheeda

Sanadkii 2007 dad lagu qiyaasey 700,000 ayaa ka qaxay Muqdisho[1]. Bil kasta, kumannaan dad ah ayaa banneynaya guryahooda si ay uga baxsadaan rabshadda joogtada ah ee ka jirta caasimadda. Jidka Muqdisho iyo Afgooye u dhexeeya, in ka badan 250,000 oo dad gudaha ku barokacay ah ayaa cooshado xunxun ka dhistey degaanno iskuraran ah oo aan lahayd adeegyada aasaasiga ah ee ugu yar.

MSF waxa laga soo bilaabo Abriil 2007 ay ka waddey barnaamij caafimaad oo degdeg ah degaanka Xaawo Cabdi, ee ku yaalla waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye. Marka laga reebo la-talinta guud ee bukaan-socodka, kooxaheena caafimaadku waxa ay leeyihiin waax caafimaadka carruurta oo leh 50 sariirood, xarunta quudin-ku-daweynta degdegga ah (ITFC) oo leh 85 sariirood, iyo laba barnaamij oo ah quudin-ku-daweynta bukaan-socodka oo loogu talogalay carruurta da’doodu ka yar tahay shan jirka ee ay hayso nafaqo-darrada ba’an (Mid Xaawo Cabdi ah iyo Mid magaalada Afgooye ah). Bishii Abriil 2008, markii ay kordheen tirada dadka shubanku hayo, MSF waxa ay furtey Xarunta Daweynta Daacuunka waxaana ilaa waqtigaa ay daweysey wax ka badan 1,100 bukaan.

Muddo sanad ka badanba, tirada carruurta ay nafaqo-darradu ku hayso degaannada dadka gudaha ku barokacay ayaa ka sarreeysey tirada caalami ahaan loo aqoonsan yahay in ay tahay heerka caadiga ah ee la filan karo[2]. Dhibaataduna kuma koobna oo keliya dadka gudaha ku barokacay. Bishii Maajo 2008, 20% dadka lagu qaabilay xarunta ATFC ee Xaawo Cabdi waxa ay barnaamijka uga soo safreen Muqdisho. Toddobaadkii u horreeyey ee bisha Juunyo waxa ay tiradaan u korodhey 55%.

Sida uu tusayo garaafkan hoose, tirada dadka la keeney waxa ay noqotey afar-laab labada bilood ee u dambeeya, maalin kastana waa ay sii kordhayaan. 17% ayaa ah xaalado ba’an oo u baahan in la seexiyo cusbitaal. Muddadii u dhaxaysey 13kii iyo 19kii Juunyo, wax ka badan 500 oo carruur shan jir ka yar ah ayaa la keeney barnaamijkan quudinta, kuwaas oo ay hayso nafaqo-darro ba’an.

ATFC Xarunta Quudin-ku-daweynta Bukaan Socodka
ITFC Xarunta Quudinta-ku-daweynta Degdegga ah

Iyada oo qaabkan ku socota, tirada carruurta ee barnaamijka ayaa si aad ah kor ugu kacay bishii Maarso. Bsihii Maajo 2008, Kooxaha MSF waxa ay Xaawo Cabdi iyo Afgooye ku daweeyeen in ka badan 2,500 oo carruur nafaqo-darro ay hayso ah.

ATFC Xarunta Quudin-ku-daweynta Bukaan Socodka
ITFC Xarunta Quudinta-ku-daweynta Degdegga ah

Cunsarrada saameeyey ama sii sameyn doona xaaladda quudineed ee dadka Soomaaliyeed waxaa ka mid ah kuwan soo socda:

● Rabshado joogto ah oo aan loo meel-dayin, gaar ahaan degaanka Muqdisho, taas oo keeneysa in dad hor leh ay barokacaan. 33,000 qof oo kale ayaa ka qaxay Muqdisho ilaa 1 Abriil 2008.[3]
● Kororka qiimaha cuntada caadiga ah. Qaar ka mid ah cuntada waxa ay kor u kaceen ilaa 200% ilaa bilowgii sanadkan.
● Kor u kaca ku yimid qiimaha cuntada waxaa uga sii darey qiimo-dhicii ku yimid lacagta shilinka ah. Halkii doolar oo Mareykan ah waxa uu ahaa 15,000 shilin bishii Abriil 2007, waxaana Bishii Abriil 2008 uu gaarey qiyaastii 26,600 shilin, qiimo-dhacan waxa u ku dhow yahay 80%.
● Roobabkii Gu’ga (Abriil – Juunyo) ee yaraa waxa ay ka dambeeyeen kuwii Deyrtii ka horeysey (Okt. – Nof.) oo iyana aad u yaraa, taas oo culays kale sii saartey cuntadii laga helayey gudaha.
● Cuntadii oo ka kala goydey hay’adihii ku hawlanaa cunto qaybinta.


Farqi halis ah oo weyn oo soo kala dhexgaley baahida jirta iyo waxqabadka bani’aadamnimada

Farqiqa baahida Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo hareeraheeda, iyo heerka waxqabadka bani’aadamnimada ayaa u sii kordhaya sababo la xiriira awoodda gargaar gaarsiinta ee hay’adaha gargaarka oo aad u sii yaraanaysa, sababo degganaan la’aanta degaanka la xiriira daraadood.

MSF waxa si toos ah u saameeyey nagadgelyo xumada, iyaga oo ku waayey 4 shaqaale ah sanadka 2008. Hadda waxqabadyadeena aan ka wadno 12 goobood oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ah waxa wada shaqaalaheena dadaalka badan ee Soomaalida ah, iyaga taageero ka helaya shaqaalaha caalamiga ah ee ku sugan Nayroobi.

Haddana gargaarka aan awoodno in aan bixino, ma daboolayo, mana dabooli karo, baahida mar walba sii kordheysa ee kooxaheenu ay ku arkaan dalka. Iyada oo aaney ahayn in aamus loogu jawaabo dhibaato dad haysata, haddana masiibada bani’aadamnimada ee ka socota Soomaaliya ma ay helin dareenka warbaahinta ee loo baahnaa, in kasta oo ururada bani’aadamnimadu ay qaylo-dhaan isdabajoog ah sameyeen. Xaaladdu waa halis hadda waxaana tobanaan kun oo rayid ah ay u tahay arrin nolol iyo geeri ah.

Waa arrin laga argagaxo in waxa laga heley kororka faragelinta caalamiga ah ee Soomaaliya labadii sano ee la soo dhaafey ay noqotey xaaladdii caafimaadka oo si weyn u xumaata.

Somaliweyn Media Center “SMC”

http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=781068&searchposition=176&searchtotal=1000Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:http://www.muslima.com/member_profile.cfm?ID=767625&searchposition=247&searchtotal=1000
Wararka Maanta 14-May-2008
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read more) SMC-14-May-2008

Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read more) SMC-14-May-2008

The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read more) SMC-14-May-2008

People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read more) SMC-14-May-2008

Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read more) SMC-13-May-2008

50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read more) SMC-13-May-2008

Bakara Market community appealed the TFG government (Read more) SMC-12-May-2008

One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read more) SMC-12-May-2008

Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read more) SMC-12-May-2008

Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read more) SMC-12-May-2008

The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read more) SMC-11-May-2008

Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read more) SMC-11-May-2008

Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read more) SMC-11-May-2008

A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read more) SMC-11-May-2008

The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read more) SMC-10-May-2008

Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read more) SMC-10-May-2008

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)