News from Somalia in Somali |
Xisbiga Ucid oo jawaab deg deg ah ka bixiyay hadal ka soo baxay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland

Hatgeysa, Talaado, July 01 2008 SMC“
Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka ee Ucid ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Madaxtooyada Somaliland taasi oo loogu jawaabayay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe.
hadaba qoraalkan kale ee maanta ka soo baxay xisbiga Ucid ayaa lagu sheegay in ay tahay wax lala yaabo qoraalkii ka soo baxay Madaxtooyada kaasi oo ay sheegeen in uu ahaa qoraal aad u fool oo aanay ahayn in ay ku hadasho meesha dalka looga taliyo.
war-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Xisbiga Ucid Xasan Cod Yare ayaa u qornaa sidan:
"Waxaa Xisbiga Cadalada iyo Daryeelka fajiciso ku noqotay warsaxaafadeedkii ka soo baxay madaxtooyada ee ka aradnaa milgaha iyo xishmada xafiis madaxtooyo oo ummadda looga taliyo taas oo ku tusaysa liidashada maqaamka siyaasadeed ee hogaanka dalka .
Labada shicib ee Soomaalilnad iyo Jabuuti waa dad walaalo ah oo ay ka dhaxayso Ab iyo isirnimo oo wax dhibaato ah dhex oolin
Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelkuna hore u sheegay balse hogaanka sare ee maamulka Jabuuti aanu marnaba rabitaanka dadweynaha soomaaliland aanu tixgalin,aanay kana helin hiilkii walaltininimo ee aqoonsiga Jamhuuriyada Soomaliland.
Waxa layaab leh muddo lix sanno ah oo xukumadda Riyaale talada haysay aqoonsiga ay ka keeni wayday muddadaas hore,in sanadkan oo xaaladiisa ilaahay ogyahay ku keeni doono aqoonsi Xisbiga Ucidna ma qabo. Socdaalkiisan haddana uu la mid yahay kuwii hore ee madhalayska ahaa.
Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelku ma garan goorta ay madax-tooyadu isku bedeshay rug caafimaad oo lagu baadho maskaxda hogaamiyayaasha xisbiyada ee u tartamaya hogaaminta dalka,qiimaynta iyo xulashada hogaamiyayaasha xisbiyada waxay u taalaa dadweynaha reer Soomaaliland inay ka garsooraan xilliga doorashada
Waxaan Shacbi-weynaha reer Soomaliland xusuusinaynaa in heshiiskii sadexda xisbi iyo xukumadu ay dhawaanta gaadheen uu sidiisii u taagan yahay, oo aanay mawqifka xisbiga waxba iska badelin.
Hase ahaatee Xisbiga Ucid wuxuu aaminsan yahay in muddo kordhiska la gaadhay ay ku timi heshiiskaasi balse aanay distoori ahayn muddadaasi sida ay ku andacoonayaan madaxtooyadu.
Xaalada maanta dalku uu maraayo hadii aynu soo uruurino waxa ka taagan baylahyo waaweyn oo ku wajahan bulshada noloshooda iyo horumarkooda oo laga rabay xukumadan taladda haysa inay wax ka bedel ku samayso siyaasadahooda sida arimaha dhaqaalaha daryeelka bulshada ee dalkan ka saari kara caqabadaha ku gedaaman ganacsiga dhoofka xoolaha nool,sicir barraka saameeyay miyi iyo magaalaba intii ay ku rafanayso aflagaado iyo cali baa geel laayay iyo wax ka qabasho la,aanta hoosaysa kaabayaasha dhaqaale sida biyaha,nalka,jidadka iyo xal u helid la,aanta dhacdooyinka la xidhiidha arimaha dhulka oo halis galin kara nabadgalyada iyo xasiloonida dalka. cid kastaa haka cadhootee xisbigu wuxuu ku adagyahay difaacayaana siyaasadaas mugdiga la galiyay iyo qaabka loo wajahayba,waxaanu Xisbigu mar labaad tilmaam cad ka bixibnayaa kuna dhaliilayaa istiraatiijiyad(strategy) la,aanta qaawan ee ayna wax qorshe ah ugu talo galin da,yarta shaqo la,aanta ku habsatay ee baday inay dalka ka tahriibaan".
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|