News from Somalia in Somali |
Baroor diiq loo sameeyey marxuun Sheekh Axmed Gabale

Minnesota, Talaado, July 01 2008 SMC“

Jaaliyada Soomaliyeed ee ku dhaqan Gobalka Minnesota iyo gobalada ku dhaw dhaw ayaa baroor-diiq iyo fiddow aqris u sameeyay Alaha u naxariistee marxuun Sheekh Axmed Gabale oo bishaan June 16keedii, sannadka 2008, Ku geeriyooday magaala madaxda Soomaliya ee Muqdishu.
Kulanka baroor diiqda iyo fiddow aqriska waxaa lagu qabtay dugsi loogu magac darey madaxweynihii ugu horreeyey Soomaliya, ( first President of Somalia) H.E. Al Haji Aadan Cabdulle Cismaan ( Academic) ee magaalada Rochester ee gobalka Minnesota, taariikhdu markey aheyd Sabti, June 28, 2008.
Alaha u naxariistee maadaama uu marxuunku ka mid ahaay culumaa'udiinka waaweyn ee Soomaliyeed, waxaa ka soo qeyb galay Fiddow aqriskaas iyo baroor diiqdaas loo sameeyey Alaha unaxariistee marxuun Sheekh Axmed Gabale dad-weyne aad u fara badan, Culumaa'udiin iyo mas'uuliyiin sar sare oo qaar-kood wiji-yadooda ka muuqaneysay tiiraanyo iyo mad-luunimo aad u xooganeed.
Munaasibadaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ku bilaabatay "Aayado Qur'aan ah" oo uu aqriyey Macallim Axmed Xalane, waxaa xigey wacdiyo dhaadheer oo leysku xusuusinaayay Aaqiro iyo in aan adduunkaan lagu waareyn, Nabi Ammaan, subac aqris iyo Qaar ka mid ah Mashaayiiqda ugu caansan Soomalida oo Qadka Teleefonka uga soo qeyb galay kulankaas, iyagoo jooga magaala madaxda Soomaliya ee Muqdishu, waxayna dhammaantood u duceeyeen marxuunkii dhowaan geeriyooday Sheekh Axmed Gabale, mashaayiiqdii ka hor geeriyootay, ka soo qeyb galayaashii kulankaas iyo in Ilaahay Shacabka Soomaliyeed ka dul-qaado dhibaatadda, todobo iyo toban (17) sano iyo lix bilood jirsatey. Diseember 31st 1990 - June, 2008.
Ugu danbeyntii, culumaa'udiin waaweyn oo aad looga yaqaan inta badan Soomaaliya, gaar ahaan koofurta Soomaliya iyo Mas'uuliyiin xilal kala duwan ka soo qabatay Dowladdii Sifiliga aheyd , iyo tii Milateriga aheyd, ( Somalia's former Civilian Government and Military Regime members), ayaa ka sheekeeyay taariikh nololeedkii marxuun Sheekh Axmed Gabale, oo dhammaan ka soo qeyb galayaashii kulankaas intoodii badneed indhahooda ilmo ka soo daadatey, ka gadaal markii laga sheekeeyey sidii uu marxuunku ugu dabiibi jirey Diinta Ilaahay bukaanada aay dabeylaha buka aay dar-dareen lixdankii (60) sano ee la soo dhaafey ( mysterious traume patients treater by miracle ways for more than six decades), iyo doorkii uu ka soo qaatay fidinta Diinta Islaamka, asagoo Mawlacyo badan ka soo sameeyey meelo badan oo Soomaliya ka mid ah sida:- Fiida Jameeco, Xaradheere, Aaden Yabel, Naawir, Cali Guduud, Cadale, Warsheekh, Xamar iyo Qalimow oo aheyd Xaruntiisa ugu weyneed.
Ma dhinte waa Ilaah, waana dhab in aaynu dhammaanteyno qof qof geerida u dhe-dhe-min-doonno ee Aaqiro haloo diyaar garoobo walaalayaal Rag iyo Dumarba, sidaas waxaa Fiddow aqriskii iyo Baroor diiqdii loo sameeyey Alaha unaxariistee marxuun Sheekh Ahmed Gabale ku soo gabagabeeyey Guddoomiyihii Guddigii qabanqaabada Macallim Axmed Maxamed Hassan ( Macillim Ahmed Buraale)




Sawir Qaade: C/allhi Cali C. Bagaxey (Yaah Yaah)
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Somaliweyn Media Center “SMC”
Wararka
Maanta 14-May-2008 |
Ethiopian troops base in Baladweyn town attacked with grenade overnight (Read
more) SMC-14-May-2008
Jowhar traders committee chairman quits his title after squabble (Read
more) SMC-14-May-2008
The Ethiopian troops should first pullout from Somalia (Read
more) SMC-14-May-2008
People died in crossfire at Kismayu town in the Juba region (Read
more) SMC-14-May-2008
Ethiopian troops in military maneuvers in Baladweyn town (Read
more) SMC-13-May-2008
50 diarrhea patients admitted at Bandir general hospital (Read
more) SMC-13-May-2008
Bakara Market community appealed the TFG government (Read
more) SMC-12-May-2008
One person died in clan Vendetta grounds in the middle Shabelle region in Somalia (Read
more) SMC-12-May-2008
Illegal roadblocks intensively increasing in Kismayu Town (Read
more) SMC-12-May-2008
Baladweyn residents show concern over the Ethiopian troops (Read
more) SMC-12-May-2008
The spring rains observed in Galgadud region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The commander of the lower Shabelle region says they would confront (Read
more) SMC-11-May-2008
Ethiopian troops entered inside Baladweyn town in central Somalia overnight (Read
more) SMC-11-May-2008
Mohamed Hassan Haad: says, “We don’t think much would be achieved” (Read
more) SMC-11-May-2008
A court Jude resigns in Hiran region in central Somalia (Read
more) SMC-11-May-2008
The place where deadly combat occurred yesterday is tranquil today (Read
more) SMC-10-May-2008
Severe drought in some parts of Bakool region in southern Somalia (Read
more) SMC-10-May-2008
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|