Wararka : Wargeyska OGAAL
Hargeysa Isniin 08 Febraayo 2010 SMC
Tirada dhimashada Tahriibayaal ku soo caaryay xeebta Sanaag oo kordhay
“Waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, waxaana dhici karta in khasaaruhu…”
Madaxa laanta Socdaalka G. Sanaag…..Waraysi GAAR AH
Ceerigaabo 08, Feb.2010 (Ogaal)- Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, ka dib markii Laash ay saarnaayeen kula soo caaryay xeebaha gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland.
Sida uu Wargeyska Ogaal u sheegay madaxa laanta Socdaalka ee gobolka Sanaag Saciid Cige Maxamed, dadkaa dhintay waxay ka mid ahaayeen 110 Tahriibayaal ah oo Doon ka raacay xeebaha Puntland, kuwaasoo Laashkii ay wateen markii uu xumaaday kula soo caaryay xeebta tuulada Waqdariya oo 25 Km Galbeed ka xigta degmada Laasqorey.
Waxa uu sheegay inay haatan xaaladoodu liidato ilaa 70 qof oo ka mid ah Tahriibayaashaas oo Itoobiyaan u badan, isla markaana la la’yahay ilaa 30 kale, kuwaasoo ku sii jeeday dalka Yemen. “Waxa la xumaaday Laashkii ay wateen, waxayna ku soo caaryeen xeebta Waqdariya,” ayuu yidhi. “Dadkani waa Itoobiyaan. Xog badan kama hayno, mana ogin inta maalmood ee ay Doonta dulsaarnaayeen, laakiin Tahriibayaashu waxay noo sheegeen inay ku socdeen Yemen, kana yimaadeen Boosaaso,” ayuu raaciyay Siciid Cige oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal.
Waxa uu sheegay in xaalada dadkaa ay haatan Ciidanka Xeebuhu ku hayaan Waqdariya ay la socodsiiyeen hay’addaha gargaarka degdega ah ee gobolkaa ku sugan. “Waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, waxaana dhici karta in khasaaraha dhimashadu sii kordho. Waxaanu ku wargelinay hay’adda Bisha Cas ee Ceerigaabo oo noo sheegay inay u baxayaan degaankaas,” ayuu yidhi Madaxa laanta Socdaalka gobolka Sanaag. “Waxay ahaayeen 110, ilaa todobaatan waa la hayaa, kuwii dhintay waa la aasay, intii kalena baadi-doonkoodaa lagu jiraa,” ayuu raaciyay. “Inta la hayo, waxa ku jira qof keliya oo Soomaali ah,” ayuu yidhi Mr. Siciid Cige.
Tahriibayaasha ka socdaalada xeebaha Puntland oo Doonyo liita ka raaca Boosaaso, intooda badana u socdaala Yemen iyo Sucuudiga, waxay la kulmaan dhibaatooyin galaafta ama halis geliya naftooda.
Shirguddoonka Guurtida oo shaaciyay waqtiga ay soo af-jaryaan khilaafkii u dhaxeeyay
“Ilmaadeerayaaloow haddaydaan midoobayn, waxaad na tidhaahdaan Shirguddoon kale keena”
Xil. Dheeg
Hargeysa, 08 Feb, 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii u horraysay shaaciyay waqtiga ay rasmiyan heshiis buuxa ka gaadhayaan khilaafkii kala qaybiyay Golahaas.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud waxa uu arrintan kaga hadlay Fadhigii shalay ee Golaha Guurtida oo uu guddoominayay, waxaanu sheegay in khilaafkii u dhaxeeyay Shirguddoon ahaan ay soo af-jarayaan, isla markaana waxay isla gartaan ay Golaha horkeeni doonaan.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maadaama dhinacooda khilaafku ka yimi ay tahay in ay xal keenaan. “Wixii dhibaatooyin ah ee dhex yaalay golaha, waxaad mooddaa in Goluhu Anaga (Shirgudoonka) nagu soo riixay, mar haddii aad leedihiin idinkiiba is-hayee xal noo keena, waxaan ka idhaahdaa ma jiraan. Haddii aanu eedaysaneyaal noqonay waa inaanu anagu xalkii keenaa.” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlayay fadhigii shalay ee Golahaas. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Mudadaba Arrintani way jiitameysay kolay shan todobaad way tahay sadex aan joogay iyo laba aan maqnaaba. Waxaan leeyahay wixii aanu xal u aragno waxaanu isla qaadanay inaanu u gondo-degno, taayada (Shirgudoonka) ta golaha ayaa ka weyn. In kasta oo aad iska soo dudeen (leexiseen), haddana Goluhu waa qeybsan yahay, markaa waxaan odhan lahaa ducaysanay oo wax wada cunay, kuna faataxasanay.”
Saleebaan Maxamuud waxa uu ka hadlay muddada ay Shirguddoon ahaan xal ka gaadhayaan khilaafka oo ay soo af-jarayaan. “Xeerka xakamaynta hubka fudud waanagii sabtidii idiin qeybinay sidii caadadu ahaan jirtay xeerka maanta laga bilaabo 48 saacadood ku soo darsa. Anaguna 48 kaasi saacadood arrinta khilaafka waa inaanu ka keenaa wixii xal ah Isniinta iyo Salaasada waynu kala maqnaanaynaa oo Arbacada ayaynu isku imanaynaa. Goluhuna hawshiisa ha wato, Anaguna Shirgudoon ahaan waa inaanu wixii aad na farteen galnaa oo keenaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Intaa ka dib, mudanayaal uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo halkaa hadallo ka jeediyay, ayaa isaga oo dhawaaqaya hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Waxaanu ku cel-celinay waar khilaaf kale nama hayo oo sadexdiinaasi (Shirguddoonka) haddii aad soo midowdaan, Goluhuna wuu midoobayaa. Ilmaadeerayaaloow haddii aydaan midoobayn, waxaad na tidhaahdaan Saddex kale (Shirguddoon kale) keena, Golahan ayaananu soo dhex fadhiisanaynaa. Khilaafka waxa ka wayn Golaha’e yaanu inaga burburin.”
Xisbiga KULMIYE oo ka digay khatar amni-darro oo ka soo korodha G. Sool
Hargeysa, 08 Feb, 2010 (Ogaal)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa ka hadlay xaaladaha ammaan-darro ee dhawaanahan ka taagnaa Magaalada Laascaanood, waxaanu ka digay in ammaan-darradaasi horseeddo fidmo dalka ku baahda.
Warsaxaafadeed uu Xisbiga KULMIYE soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha guud ee Xisbigaas Keyse Xasan Cige, ayaa lagaga hadlay arrimaha la xidhiidha ammaanka Laascaanood, waxaanay baaq u jeediyeen Axsaabta Qaranka, Xukuumadda iyo shacabka Somaliland-ba.
Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan;
“Waxaynu bilihii ugu dambeeyey la soconaa ammaan daradda kasoo cusboonaatay Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood halkaaso ay qaraxyo isdabajoog ahi ka dhaceen.
Qaraxyadaasi is-dabjooga ahaa waxay sababeen disho iyo dhaawac fara badan oo ku yimiid saraakiil xilal waaweyn ka hayey dawladda iyo shacabweynaba; waxaana soo waajahay shacabweynaha reer Sool argagax , cabsi xoog leh iyo waliba tuhun soo kala dhexgalay shacabka reer Sool iyadoo ilaa hadda aan maxkamad la hor keenin dambiilayaashii falalkaasi aragagixiso geestay.
Waxaa mar marka ka dambaysa soo badanaya qaraxyada laga fulinayo Gobolka Sool kuwaasoo laga hoggaaminayo aaladaha laga hago meelaha fogfog (remote controls), oo ah arrin ku cusub Somaliland.
Shaki kuma jiro in haddii ay qaraxyadani sii socdaan ay u horseedi doonaan Somaliland fidno iyo burbur aad u ballaadhan oo curyaamin kara geedi socodka nabadda, xassiloonida iyo dimoqraadiyad aynu maanta hadhsanayno.
Sidaasi daraadeed wuxuu Xisbiga Kulmiye ugu baaqayaa Xisbiyada Qaranka, Xukuumada iyo shacabweynaha inay si wadajira isaga kaashadaan sidii looga hortegin lahaa fidnada ka bilaamatay Sool iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka iyo xassiloonida Jamhuuriydda Somaliland.
Waxaa kaloo uu Xisbiga Kulmiye ku boorinyaa shacabweynaha Somaliland inay ka wada tashadaan sidii gacan adag loogu qaban lahaa cadowga naxariista daran ee kusoo duulay dalkooda.”
Isgaadhsiinta gobolka Sool oo xayiraadii laga qaaday
Caynabo: Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo Xabsiga ku booqday 65 qof oo arday u badan
Laascaanood 08, Feb.2010 (Ogaal)- Wefti Wasiiro ah oo ka socday Xukuumadda Somaliland oo todobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa gobolka Sool, ayaa shalay xabsiga degmada Caynabo ku booqday 65 arday iyo dhalinyaro ah oo lagu soo qabqabtay mudaharaad ay doraad ka dhigeen Laascaanood.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Wargeyska Ogaal ee gobolka Sool, Xukuumaddu waxay shalay fasaxday Isgaadhsiinta gobolkaas ka dib markii ay 25 bishii aynu ka soo gudubnay xayirtay.
Go’aanka Xukuumaddu hore ugu xayirtay Isgaadhsiinta gobolka Sool, waxay ku sheegtay mid lagu xoojinayo amaanka gobolkaas, ka dib markii muddooyinkii u dambeeyay qaraxyo khasaare keenay ruxeen magaalada Laascaanood.
Dhinaca kale, wefti Wasiiro ah oo Xukuumadda Somaliland ka socda oo todobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa gobolka Sool, ayaa shalay Xabsiga degmada Caynabo ku booqday 65 dhalinyaro ah oo arday u badan, kuwaasoo lagu soo qabqabtay mudaharaad ay doraad ka dhigeen magaalada Laascaanood.
Taliyaha Booliska degmada Caynabo Jaamac Ibraahim Aadam oo warbaahinta u waramay, waxa uu sheegay in 26 ka mid ah dhalinyaradaa xabsiga la dhigay ay gabdho yihiin.
Taliyuhu waxa uu sheegay inay baadhitaan ku hayaan dhalinyaradaa mudaharaadka ay dhigeen lagu qabqabtay.
“Xataa haddii Midowga Yurub iyo NATO awood Milateri adeegsadaan, ma soo celin karaan Nabadda Soomaaliya”
Wasiirka Khaarajiga Spain
Munich 08, Feb.2010 (W.Wararka/Ogaal)- Ururka Midowga Yurub, ayaa sheegay in iyaga iyo isbahaysiga NATO aanay awood u lahayn inay nabad ku soo celiyaan Soomaaliya.
Wasiirka Khaarajiga dalka Spain, ahna madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub Mr. Meekawil Mishal, ayaa sheegay in xataa haddii ay awood Milateri adeegsadaan aanay awood u lahayn xasilinta Soomaaliya oo labaatankii sannadood ee u dambeeyay dhibaatooyin ka taagnaayeen.
Wasiirka Khaarajiga Spain oo ka hadlayay shir lagaga hadlayay arrimaha nabadgelyada caalamiga ah oo ka dhacay magaalada Munich ee dalka Jarmalka, waxa uu sheegay in amaanka qaarada Yuurb ku xidhan yahay dalalka deriska la ah eek u yaala qaarada Afrika iyo Bariga dhexe.
Wasiirku waxa uu sheegay in Budhcad-baddeeda Soomaalidu sii labanlaabeen hawlaha afduub ee ay wadaan, taasna ay sabab u tahay xaalada cakiran ee ka taagan dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in aanu xalku ku jirin in awood Milateri loo adeegsado Soomaaliya, isla markaana ay keenayso inay xaaladu ka sii darto.
Hase yeeshee, Raysal-wasaaraha Spain oo todobaadkii hore ka qaybgalay shir madaxeedkii Afrika ee Addis Ababa, waxa uu shegay in xalka Soomaaliya ku jiro in awood Milateri loo adeegsado.
Somaliweyn Media Center (SMC)
English News
Today's
News 20-January-2010 |
OCHA Somalia Performance Survey (Read
more) 20-Jan-2010
Puntland lawmaker shot dead in Bosasso overnight
(Read
more) 20-Jan-2010
Sudanese ambassador denies the rights of servant
(Read
more) 20-Jan-2010
Somali MPs should register in the Refugee Camps
(Read
more) 20-Jan-2010
There is no Island which I have sold, says President Rayale of Somaliland (Read
more) 20-Jan-2010
Puntland state ignores the new Somali currency (Read
more) 20-Jan-2010
Today's
News 19-January-2010 |
Al-Shabab says it has received fighters from Yemen
(Read
more) 19-Jan-2010
Kenyan GSU Police for the second round arrest Somali MPs (Read
more) 19-Jan-2010
Pirates fight over Ransom 3 killed 7 wounded (Read
more) 19-Jan-2010
Islamist in Somalia spares a lady who has gone into adultery (Read
more) 19-Jan-2010
Two Passengers killed 4 others wounded in an ambushed bus (Read
more) 19-Jan-2010
Today's
News 18-January-2010 |
The authority of Puntland retorts Al-Shabab (Read
more) 18-Jan-2010
A man found in incest case stoned to death in Somalia (Read
more) 18-Jan-2010
Kenyan GSU Police detain Somali MPs in Nairobi (Read
more) 18-Jan-2010
Somali pirates tussle over Greek oil tanker ransom (Read
more) 18-Jan-2010
Today's
News 17-January-2010 |
Kenya condemns Al-Shabab of turbulence in Nairobi (Read
more) 17-Jan-2010
Tears for the bleeding Capital and its people: Mogadishu (Read
more) 17-Jan-2010
Today's
News 16-January-2010 |
Somali ambassador to Italy elucidates treaty between Somalia and Italy (Read
more) 16-Jan-2010
Three Media Houses in Somalia simultaneously come under attack (Read
more) 16-Jan-2010
Weekly Humanitarian Bulletin 8 Jan-15 Jan (Read
more) 16-Jan-2010
FSNAU Nutrition Update November (Read
more) 16-Jan-2010
UNHCR Somalia Fact Sheet January 2010 (Read
more) 16-Jan-2010
Somali Community in Birmingham change their status to Danish (Read
more) 16-Jan-2010
A senior Police officer assassinated at Lasanod in Sool region (Read
more) 16-Jan-2010
FINAL PRESS RELEASE: Somalia: As MSF continues life saving activities in Somalia, Belet Weyne hospital hit by a mortar (Read
more) 16-Jan-2010
Today's
News 15-January-2010 |
Eritrean President Afaworki strongly denounces Al-Shabab (Read
more) 15-Jan-2010
Somali President meets with Yemeni ambassador (Read
more) 15-Jan-2010
Italy offers Somalia help urges others to follow (Read
more) 15-Jan-2010
Today's
News 14-January-2010 |
Somali government reiterates governing the whole country in 2010 (Read
more) 14-Jan-2010
Islamists in Bula-Hawo district obligate civilians to vacate government Buildings (Read
more) 14-Jan-2010
Yemen receives 53 Somali refugees amid fears of Qaida infiltrators (Read
more) 14-Jan-2010
Today's
News 13-January-2010 |
President Shariff of Somalia meets his Counterpart Kibaki of Kenyan (Read
more) 12-Jan-2010
Ex-Somali Premier Gedi meets with Ex-President Daniel Arap Moi (Read
more) 12-Jan-2010
Somali Man Is Charged In 2 More Ship Hijackings (Read
more) 12-Jan-2010
Today's
News 12-January-2010 |
Islamist in Kismayo town instructs people to vacate government buildings (Read
more) 12-Jan-2010
Ex Premier warns splitting up between the Somali government (Read
more) 12-Jan-2010
3 kids died in a vicious fire in Mogadishu (Read
more) 12-Jan-2010
Rival Islamists give deadline to residents (Read
more) 12-Jan-2010
|
English News
Today's
News 10-January-2010 |
Baladweyn town falls into the hands Ahlu-Sunnah Waljama (Read
more) 10-Jan-2010
Over 10 children admitted in Baladweyn Hospital (Read
more) 10-Jan-2010
Inappropriateness within the Somali national congress (Read
more) 10-Jan-2010
A ferry has turned to ashes in Bossaso habour (Read
more) 10-Jan-2010
Violence against Journalists Continues in Somalia (Read
more) 10-Jan-2010
Today's
News 09-January-2010 |
An eloper receives 39 lashes on his back (Read
more) 09-Jan-2010
The dead body of a Somali legislator found in a Toilet in Mogadishu (Read
more) 09-Jan-2010
The inhabitants of Garowe town stage Protest against their authority (Read
more) 09-Jan-2010
Gangsters from Somalia hijack a Car from Mandera in Kenya (Read
more) 09-Jan-2010
AU renews Somali peace force mandate (Read
more) 09-Jan-2010
UN aid agencies will not abandon Somalia despite insecurity, says official (Read
more) 09-Jan-2010
THE IMPORTANCE OF FEMALE TEACHERS AND EDUCATION FOR GIRLS (Read
more) 09-Jan-2010
Today's
News 08-January-2010 |
Somalia and the cost of state failure (Read
more) 08-Jan-2010
”Klantänkandet gör oss alla till förlorare” (Read
more) 08-Jan-2010
Weekly Humanitarian Bulletin 1 Jan-8 Jan (Read
more) 08-Jan-2010
AFRICAN GRIEF (Read
more) 08-Jan-2010
Today's
News 07-January-2010 |
Troops conduct landmine excavation operations in the city (Read
more) 07-Jan-2010
Short time combat in the outer edge of Baladweyn town (Read
more) 07-Jan-2010
"Somali pirates should be tried under watch of UN," Turkey says (Read
more) 07-Jan-2010
Media Association of Puntland Welcomes the Release of the VOA Journalist Held in Detention for 17 Days in Puntlnad (Read
more) 07-Jan-2010
Today's
News 06-January-2010 |
“The World Does Not Want Piracy to Stop in Somalia” Says Admiral Qare (Read
more) 06-Jan-2010
Government asks WFP to appraise its Humanitarian suspension in Somalia (Read
more) 06-Jan-2010
A legislator gunned down at Bossaso in Puntland state (Read
more) 06-Jan-2010
U.S. Extends Reevaluation of Security Threats to Yemen and Somalia (Read
more) 06-Jan-2010
Somali Fishermen have rough time with Foreign Vessels (Read
more) 05-Jan-2010
Today's
News 05-January-2010 |
Somali Fishermen have rough time with Foreign Vessels (Read
more) 05-Jan-2010
Today's
News 04-January-2010 |
AU troops cautions Al-Shabab (Read
more) 04-Jan-2010
“The only legitimate Flag in Somalia is the BLACK ONE” says Abuu Mansoor (Read
more) 04-Jan-2010
Condemnation (Read
more) 04-Jan-2010
Today's
News 02-January-2010 |
10 killed in Ferocious fighting in central Somalia (Read
more) 02-Jan-2010
Islamists whip teens watching pornography movies (Read
more) 02-Jan-2010
The Somali government has vowed to fight against Islamists (Read
more) 02-Jan-2010
Attempt to Kill Danish Cartoonist Fails (Read
more) 02-Jan-2010
Somali pirates seize Indonesian chemical tanker (Read
more) 02-Jan-2010
10 killed in Ferocious fighting in central Somalia (Read
more) 02-Jan-2010
Islamists whip teens watching pornography movies (Read
more) 02-Jan-2010
The Somali government has vowed to fight against Islamists (Read
more) 02-Jan-2010
Attempt to Kill Danish Cartoonist Fails (Read
more) 02-Jan-2010
Somali pirates seize Indonesian chemical tanker (Read
more) 02-Jan-2010 |
|