Wararka : Wargeyska OGAAL
Hargeysa Axad 07 Febraayo 2010 SMC
Xukuumadda oo Xabsiga dhigtay arday iyo Haween Mudarahaad ka dhigay Laascaanood
-Khasaare nafeed oo uu sababay dibax-bax rabshado watay
Laascaanood 07, Feb.2010 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga dhigtay arday iyo dumar shalay Mudaharaad ka dhigay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo hal qof ku dhintay mudaharaadkaas oo rabshado watay.
Siday faafisay idaacadda Raadyow Hargeysa, dadweyne ardayda dugsiyada, dhalinyaro iyo dumar u badan ayaa shalay mudaharaad ka dhigay magaalada Laascaanood.
Warku wuxuu intaa ku daray, in dadweynahaas oo isugu soo baxay badhtamaha magaaladaas ay ka gadoodeen Macalimiin wax ka dhiga Madaarista Laascaanood oo loo qabqabtay baadhitaano la xidhiidha qaraxyadii u dambeeyay.
Sida warku sheegay, waxay Ciidanka amaanku qabqabteen tiro ka mid ah ardayda iyo haweenka mudaharaadka dhigayay, kuwaasoo xabsiga loo taxaabay.
Mudaharaadayaasha oo ku dhawaaqayay erayo ay ku diidan yihiin xadhiga macalimiintaas iyo kuwo ay ku diidan yihiin Somaliland, waxay taayiro ku gubeen jidadka magaalada qaarkood. Dibad-baxaas oo ahaa mid rabshado watay, waxa ku dhintay hal qof oo shicib ah, ka dib markii gaadhi Ciidanku leeyahay ku xerooday guri dad shacab ahi degen yihiin. Sidoo kale, dadkaa dibad-baxa dhigayay waxay dhagxaan la dhaceen Saldhiga Booliska magaaladaas.
Bareyaasha dugsi Qur’aanka xadhigoodu rabshada dhaliyay, waxay Xukuumaddu u xidhay tuhumo la xidhiidha inay ku lug lahaayeen qaraxyada muddooyinkii u dambeeyay ruxay magaalada Laascaanood.
Dhinaca kale, weftiga Wasiirada ah ee todobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa Laascaanood, waxay shalay u hawlgaleen sidii ay u dejin lahaayeen xiisada ka dhalatay arrintaas, dareenka dadweynaha iyo xaalada magaalada.
Tirada dadka Abaaruhu saameeyeen iyo tiraabta Xukuumadda Somaliland
“Abaartu dalka oo dhan way ka jirtaa, waxaanay ugu sii daran tahay Gobollada..”
Wasiirka Qorshaynta Qaranka
Hargeysa, 07 Feb, 2010 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in guud ahaan gobollada dalka ay soo food-saartay abaaro ba’ani, waxaanay qaylo-dhaan abaareed u dirtay Beesha Caalamka, Ganacsatada iyo Hay’adaha Caalamiga ah.
Wasiirka Qorshaynta Somaliland iyo xidhiidhka Hay’adaha Caalamiga ah Cali Ibraahim Maxamed iyo Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka dabiiciga ah ee NERAD Maxamed Muuse Cawaale oo shalay si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay Xafiiska Wasaaradda Qorshaynta, ayaa shaaciyay in ay dalka soo waajahday abaarahaasi.
Wasiirka oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa hadalkiisii ku bilaabay, “Lixda gobol ee dalka waxa ka jira, haba ku sii kala badnaadaane. Waxa sababay Gu’gii inoo da’ay oo ka yaraa intii hore, sidoo kalena waxa yaraaday Deyrtii iyo Xayskii. Gobollada bariga dalka ee Togdheer, Sool iyo Sanaag Roob kama di’in, taas ayaa keentay in abaari timaaddo.”
Wasiirka oo ka hadlayay habka ay u qiimeeyeen Abaarahan, ayaa yidhi, “Baadhitaano ay sameeyeen Hay’adda FSNU iyo Hay’adda diyaar-garowga Aafooyinka dabiiciga ah ee Qaranka ee NERAD, ayaa lagu ogaaday in Biyo iyo Baadkiiba ka dhammaadeen deegaanada, kana bilaabmeen biyo-dhaamisku. Haddii ay sidan ku sii socotana waxay keenaysaa in Xooluhu itaal-gabo oo dadku ay nafaqo-darro waajahaan.” Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Waxaanu baaq u dirnay Hay’addaha gargaarka, kuwa Qaramada Midoobay iyo Ganacsatada, si ay kaalmo degdeg ah ula soo gaadhaan dadka ay Abaaruhu ku bilaabmeen.”
Cali Ibraahim waxa uu sheegay in deegaanada Somaliland qaarkood ay ka bilaabantay gargaarka Biyo-dhaamisku, waxaanu baaq u diray Hay’adaha Caalamiga ah oo uu sheegay in ay shirar la leeyihiin hadda. “Astaamaha la arkaa waxa weeye in meelaha qaarkood laga bilaabay Biyo-dhaamis. Sidaa darteed, waxaanu ugu baaqaynaa Hay’adaha Caalamiga ah, kuwa Qaramada Midoobay, ganacsatada iyo guud ahaan Beesha Caalamkaba in ay gargaar degdeg ah la soo gaadhaan dadka abaaraha u tabaalaysan.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Hay’adaha dalka jooga shirar baanu la lahayn ilaa Khamiistii, waananu ka wada hadlaynaa arrintan.”
Mar uu Wasiirku ka hadlayay tirada dadka ay Abaartu saamaysay guud ahaan Somaliland, ayaa wuxuu yidhi, “Dadka ay abaartu haleeshay ee Somaliland waxa uu noqonayaa 1,400,00 (Hal Milyan iyo afar boqol oo Kun oo qof) oo u dhigmaysa 40% dadka dalka ku nool.”
Dhinaca klae, waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka dabiiciga ah ee NERAD Maxamed Muuse Cawaale oo sheegay in abaartan loo magac bixiyay SIMA. “Abaartan maanta waxa dadkeenu u bixiyeen sima, sababtoo ah waxay sintay dalka oo dhan oo ay saamaysay.” Ayuu yidhi Dr. Cawaale, waxaanu ka digay khatar dadka iyo xoolaha ku soo fool leh haddii aan Roob di’in bisha April ee sanadkan. “Haddii aan dalka Roob ka di’in bisha April waxa khatar ku jira nolosha dadka iyo xoolaha.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha NERAD.
Dr. Maxamed Muuse Cawaale wuxuu sheegay in uu is-bedelay Dalka iyo Dhaqankii Miyigu. “Dhulkii iyo dadlkuba wuu isbedelay oo Dhirtii baa la gumaaday, dhaqankiina wuu isbedelay. Haddii aan dhaqankii Miyiga iyo sida Xoolaha loo dhaqo aan la soo celin oo aan Kaydkii la soo celin, dhibteeda ayaa ka dhalanaysa.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed.
Intaa ka dib, qaar ka mid ah Su’aalihii halkaa lagu waydiiyay iyo jawaabtii ay ka bixiyeen waxa uu u dhacay sidan;
S: Marka laga yimaaddo in dalka ay Abaartu ka jirto, ma noo sheegi kartaan deegaannada ay ugu badan tahay?
J: M. Muse: Waxa ugu sii xun Dhulka Hawdka Burco iyo Hargeysa, waxa iyana ay ka jirtaa Sool iyo Nugaal, markanse way ka sii dartay. Sidoo kale, inkasta oo aanan tegin, haddana waxa qaylo-dhaantu ka soo yeedhaysaa Salal iyo Borama.
S: Wasiir, caadiyan markay Abaaruhu yimaaddaan dhinaca ILaahay ayaa Muslimiin ahaan u ciirsan jirnay oo Roob-doon ayaa la tukan jiray, taana kumaydun baaqin ee siday idiinla muuqataa?
J: Wasiirka: Horta, cidi kama quusato rejada iyo naxariista Ilaahay, baaqa aanu jeedinayno ayay ku hoos jirtaa oo Roob-doonta iyo abaabulku wuu socdaa, waxase ka horreeya baaqa in aanu shaacino.
S: Haddiiba sidan aad sheegaysaan xaaladdu khatar tahay, ma la odhan karaa waqtigeedii maydun dirin baaqan?
J: M. Muse: Horta, waxa wax la shaaciyaa marka ay Hay’aduhu soo maraan dhulka Abaaruhu ka jiraan ee ay Buug ka soo saaraan, sababtoo ah haddii kale cid wax kaa maqlaysaa ma jirto.
S: Waxa jirta in waqtiyada Roobku da’o ay Biyuhu meel walba qulqulaan, idinka qorshaha ma idiinku jirtaa in aad Dhaamam iyo Ceelal samaysaan?
J: Wasiirka: Haa, qorshaha way noogu jirtaa in aanu samayno Ceelal iyo Dhaamam.
Xisbiga UCID iyo waqtiga uu filayo in ay doorasho dhacayso
“Maan moodayn inay intan qaadanayso, laakiin waxaanu filaynaa in Doorashadu dhacayso..”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID
Hargeysa, 07 Feb, 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay hannaanka geedi-socodka diyaar-garowga Doorashada iyo waqtiga uu filayo in ay qabsoomayso, waxaanu sheegay in khuburada farsamo ee Caalamiga ahi ay ka habsaameen intii uu filayay inay hawlaha ku dhammaystiraan.
Guddoomiyaha oo dhawaanahanba socdaal uu ku marayay dalalka Yurub, haatanna ku sugan dalka Finland, ayaa ka war-bixiyay ujeedada socdaalkooda iyo in uu la xidhiidho olole salka ku haya siyaasadda Xisbigooda. “Haddaanad xidhiidho la samaysan Beesha Caalamka markaad Madax tahay, sida Dawladda UDUB ayuun baad Madaxtooyada dhex fadhiyi doontaa. Sidaa darteed, Olole nagama aha ee waxaanu qabanaynaa hawl ay lahaayeen Wasaaradda Khaarajiga iyo Safaaraduhu.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID oo u waramay barta Internet-ka ee Hadhwanaagnews. Waxaanu sheegay in ay qorshahooda Siyaasadeed ay ku jirto sidii loo joojin lahaa Tahriibta. “Dee horta, meeshii tahriibi jirtaa waa meeshii dawlad xumi jirto, markaa anagu tahriibta iyo musuqmaasuqa waanu joojinaynaa Insha Allah, shaqooyin baananu abuuraynaa.” Ayuu yidhi Faysal.
Eng. Faysal Cali Waraabe mar wax laga waydiiyay xidhiidhka ka dhaxeeya isaga iyo Wakiilka Somaliland ee Maraykanka, wuxuu Xukuumadda ku eedeeyay in ay Wakiilada Somaliland ee dalalka dibedda ku ballamiso in aanay Masuuliyiinta Mucaaradka soo-dhawaynin markay ka degaan dalalka ay Wakiiladu joogaan. “Saaxiib baanu nahay Dr. Sacad, markaanu tagno wuu na casuumaa oo wuu ku mahadsan yahay. Laba door ayuu mid ku guulaystay in uu iga hor-istaago in aan la kulmo Wasaaradda Khaarajiga, dabadeed waan xishooday markii laygu yidhi iska joog, waxaan markaa la socday Komishanka iyo Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka ee aanu la soconay Sopra.” Ayuu yidhi, waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa raaciyay oo uu yidhi, “Markii labaadna, markii la yidhi nimankaasi dalka (Maraykanka) way joogaan ee ka waran, wuxuu yidhi danahooda ayay u socdaan oo diyaar uma aha inay idinla kulmaan. Arrintaana waxa laga soo amray gudaha (Dalka gudihiisa). Dawladdu iyadaa jecel in ay tidhaahdo Safaaradaheena Dalalka dibedda, gaar ahaan Itoobiya inay tidhaahdo ha ka hor imanina (Mucaaradka), waayo waa dad shaqaale ah. laakiin, anagu Sacad Sheekh shaqsiyan dad saaxiib ah ayaanu nahay.”
Mar Guddoomiyaha wax laga waydiiyay waqtiga uu rejaynayo in ay dalka Doorasho ka dhacdo iyo waqtiga uu markii hore filayay inay ku qabsoonto, ayaa wuxuu yidhi, “Waxaad mooddaa in ay si gaabis ah u socoto oo maanu moodayn inay intan qaadanayso khuburada Caalamiga ahi, waxaanu filaynay in ay Doorashadu February dhacdo, laakiin waxa imika dhacday in gudihii ay wax ka dhismaan, waayo hore gudaha Komishan hagaagsani ugamay jirin oo Xafiiska (Komishanka) waxa jiray Agaasime guud iyo Xisaabiye, wax kale ma jirin.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Markaa imika waxa la dhisayaa qabyadii gudaha (dalka). Laakiin, anagu waxaanu hubnay in aanay 90 maalmood aanay ka badan waqtiga la samaynayaa, imikana waxaanu filaynaa in Doorashadu dhici doonto Bisha April dhexdeeda ama May aakhirkeeda.”
Guurtida oo dib u bilaabay hawlahooda shaqo iyo guddoomiye kuxigeenka 1aad oo ka baaqday
Hargeysa 07, Feb.2010 (Ogaal)- Mudaneyaasha golaha Guurtida, ayaa shalay loo qaybiyay Xeerka xakamaynta hubka fudud oo ay dhowaan ansixiyeen golaha Wakiillada Somaliland.
Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadam oo fadhigaa shalay hagayay, waxa uu Mudaneyaasha ku adkeeyay inay degdeg uga soo baaraan degaan xeerka xakamaynta hubka fudud, si ay doodiisu u bilaabanto.
Saleebaan Maxamuud Aadam waxa uu sheegay in fadhigaas aanu xanuun dartii uga soo xaadirin guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golahaas Sh. Axmed Nuux Furreh.
Hase yeeshee, Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay haboonayd in aan fadhigaas loo kala maqnaanin, isla markaana ay ahayd inay wada yimaadaan.
Fadhigaa Guurtida ee shalay waxa uu ahaa fadhigii u horeeyay ee muddo bil ah ay arrimo shaqo gudogalaan, ka dib markii khilaaf xoogan oo ka dhashay wax-ka-bedel lagu sameeyay guddiga Joogtadu uu kala qaybiyay golahaas.
Xus loo sameeyay sannad-guuradii 37aad ee geeridii Abwaan Timacadde
Hargeysa 07, Feb.2010 (Ogaal)- Munaasibad lagu xusayay sannad-guuradii 37aad ee ka soo wareegtay Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacade, ayaa xalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Munaasibadaas waxa ka qaybgalay madaxda axsaabta Mucaaradka, aqoonyahano, abwaano, salaadiin iyo martisharaf kale.
Ugu horayn, Boobe Yuusuf Ducaale oo hadal ka jeediyay halkaas, waxa uu ku dheeraaday taariikhdii Cabdillaahi Suldaan Timacadde iyo gabayadiisii. Waxa uu sheegay in sannadkii 1973 uu Marxuum Timacadde ku geeriyooday tuulada Kalabaydh ee u dhexaysa degmada Gabiley iyo magaalada Boorama. “Waxaan xasuustay Cabdilaahi Suldaan Timacade wuxuu yaalay markaas meel Galoolay la yidhaahdo, xaaskiisii Ardo Qalinle Illaahay naxariistii janno ha siiyo, ayaa noo timi dhawr iyo toban cisho ka hor, markaasay tidhi ‘odaygii xaalkiisii wuu xun yahay, maalmahaas halkaasaan joogay. Cabdillaahi Suldaan Timacade Kansar baa cunaha kaga dhacay oo dalooliyay,” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Abwaan Axmed Aw Geedi oo isna hadal kooban halkaas ka jeediyay, waxa uu ka waramay suugaantii Abwaan Timacadde.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu halkaas ka jeediyay Maanso la yidhaahdo Hal-abuur oo uu kaga hadlayay hal-abuurka iyo qiimaha uu leeyahay. “Waxa in kulmiyay Cabdillaahi Suldaan Timacade, xaaladan oo kale marka laga hadlayo qofkii dhintay in la xusayo, qofna qoys baa xusa, nin qabiil baa xusa, nin-na qaran baa xusa. Malaha caawa (xalay) Cabdillaahi Suldaan Timacade waa loo dhan yahay,” ayuu yidhi Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame.
Maryam Cabdilaahi Suldaan Timacade oo iyana hadal kooban munaasibadaa ka jeedisay, waxay muujisay siday ugu faraxsan tahay xuska loo sameeyay aabaheed.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna hadal kooban xuskaa ka jeediyay, waxa uu sheegay in marxuum Timacade ka soo qaybqaatay halgankii dalka.
Sidoo kale, guddoomiye kuxigeenka xisbiga UCID, ahna kusimaha guddoomiyaha Aadam Maxamed Mire (Waqaf) oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu Illaahay uga baryay inuu marxuumka janada ka waraabiyo.
Ugu dambayn, Wasiirka Ganacsiga Abiib Xasan Filfil oo hadal kooban ka jeediyay xuskaa, waxa uu tilmaamay in gabayadii marxuumku u badnaayeen kuwo wanaajinaya wada noolaanshaha bulshada.
Jeneraal Galaal oo ku biiray Ehlu-sunna iyo jawaabta Al-Shabaab ka bixisay
Muqdisho, 07 Feb, 2010 (Ogaal)- Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Ciidamadii Dawladdii hore ee Soomaaliya, ayaa la sheegay in uu ku biiray Ururka Ehlu-sunna-wal-Jameeca.
Siday sheegayaan Wararka ka imanaya Degmada Guriceel ee Gobolka Gal-guduud ee Koonfurta Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Ciidamadii Dawladdii hore ee Soomaaliya, kana mid ahaa masuuliyiintii Soomaalida ee dhawaan Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya Xabsiga u taxaabeen iyaga oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalkaas, ayaa gaadhay Degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud, halkaas oo la sheegay in ujeedada ka dambaysa socdaalkiisaasi ay tahay sidii uu ugu biiri lahaa Ururka Ehlu-sunna-wal-jameeca.
Warku wuxuu intaa ku daray in uu halkaa kulamo kula qaatay waxgaradka iyo Saraakiisha Ururka Ehlu-sunna-wal-jameeca. Sidoo kale, waxa uu Warku sheegay in ujeedada ka dambaysa in uu ku biiro Ehlu-sunna ay tahay sidii uu khibraddiisa ugu biirin lahaa Ururkaas oo dagaal hubaysan kala horjeeda Kooxda Al-Shabaab.
Inkasta oo aanay jirin wax War ah oo rasmi ah oo labada dhinac ka soo baxay, haddana waxay sheegeen in ay maalmaha soo socda Warbaahinta loo soo bandhigi doono waxyaabaha ka soo baxa kulamadaas.
Dhinaca kale, Wararku waxay sheegayaan in Kooxda Al-Shabaab ay cambaarayn kaga jawaabeen tallaabadaa uu Jeneraal Galaal ugu biiray Ehlu-sunna-wal-jameeca.
Roobab shalay ka da’ay Gobollada Awdal iyo Salal
Borama, 07 Feb, 2010 (Ogaal)- Roobab lagu diirsaday ayaa shalay ka da’ay Magaalada Borama iyo nawaaxigeeda, waqti ay shalay Xukuumadda Somaliland baaq qaylo-dhaan abaareed ah u dirtay Beesha Caalamka.
Siday sheegayaan Wararka ka imanaya Magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal, shalay abbaaro 2:30 duhurnimo ayaa Roob biyo-dhigay oo lagu diirsaday uu ka da’ay Magaalada Borama iyo nawaaxigeeda. Isla markaana waxa kale oo uu Roobku ka da’ay deegaano ka mid ah gobolka Salal.
Roobkan ka da’ay shalay magaalada Borama, ayaa ku soo beegmay waqti isla shalay ay Xukuumadda Somaliland ay shaacisay inay abaaro ba’ani ka jiraan gobollada Somaliland. isla markaana waxay qaylo-dhaan abaareed ay u dirtay Beesha Caalamka, Hay’adaha Caalamiga ah iyo Ganacsatada.
Ciidanka Ruushka oo gacanta ku xidhay Budhcad-baddeed Soomaali ah
Moscow 07, Feb.2010 (W.Wararka/Ogaal)- Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Ruushka, ayaa gacanta ku dhigay Dooni ay saarnaayeen koox Budhcad-baddeed Soomaali ah.
Sida uu shalay warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlay Ciidanka Ruushka ee ku sugan biyaha Soomaaliya, kooxdan Budhcad-baddeeda ah oo tiradooda todoba qof lagu sheegay waxay ku hawlanaayeen sidii ay Markab xamuul uga afduubi lahaayeen gacanka Cadmeed.
Markabka laga badbaadiyay afduubka Budhcad-baddeeda Soomaalida, isla markaana ay leedahay shirkadda Ariella ee dalka Slovenia, waxa saaran 15 shaqaale ah oo u dhashay Philppines, todoba Ukraine u dhashay iyo saddex u dhashay dalalka Slovenia, Bulgaria iyo India, wuxuuna sida la sheegay ku sii jeeday dalka Indonesia.
Markabkaa dagaal ee Ruushka oo lagu magacaabo the The Neustrashimy, waxa uu Markabka xamuulka ah ee The Ariella u sii galbinayay jihada uu u socday.
Ma cadda sida uu Ruushku ka yeeli doono Budhcad-baddeeda Soomaalida ah ee ay gacanta ku dhigeen, in lagu maxkamaddayn doono dalkaas iyo inkale, iyadoo Ruushku ka mid yahay dalalka Yurub ee Ciidankoodu sida joogtada ah muddooyinkii u dambeeyay ugu sugnaayeen xeebaha Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan Bad-jiifka Soomaalida ee Maraakiibta iyo doonyaha ka qafaasha gacanka Cadmeed.
Jidkee ayay Somaliland u maraysaa fursaddaha uga banaan AU-da?
Shirweynihii Afrika: Hadallo waqti keenay iyo hoos-u-dhaca saamaynta Somalia
Cabdiweli F. Jaambiir
Qaybtii 2aad:
Guddoomiyihii hore ee AU-da Mr. Qandaafi oo muddooyinkii la soo dhaafay u ololaynayay inuu isbedel ku sameeyo wejiga AU-da waxa uu ku guulaystay inuu bedelo astaanta calankii hore ee AU-da. Hase yeeshee wuxuu u muuqday mid aan intaa ku hadhayn, sababta oo ah, marka loo eego sida uu si kalsooniyi ku jirto ugu tilmaamayay Ururkii uu guddoomiyaha ka ahaa ee AU-da, waxa laga dheehan karayay inuu laabta ku sito qorshaha talaabooyin kale oo aanu xataa qarsanayn. Madaxweynaha Liibiya, waxa uu xiise badan u hayaa sidii uu dalkiisa taariikh uga tegi lahaa, magaciisana loo xusi lahaa waqtiyo badan oo soo socda. Waxa ka guuxaya inuu ka raro Xarunta AU-da Caasimadda Addis Ababa, iyada oo ay ka muuqato inuu taas u mari doono isaga oo ururan hada jira ku bedelaya mid kale oo uu ugu yeedhayay ‘Qaramada Midoobay ee Afrika.’ Laakiin, wuxuu u muuqday in weli aanu taas taageero dhamaystiran u haysanin. Isla markaana halkii uu taas taageero uga raadin lahaa shir-weynihii dhamaaday, waxa bedelkeeda u gashay inuu cadaawad ka kasbado hogaamiyeyaal aan yarayn oo Afrikaan ah.
“Haa, aniga iyo dadka Afrikaanka ahiba waanu ka niyad-jabsanahay mudada dheer ee aanu ururkani (AU) waxqabadka lahayn. Markaa waxaanu samaynaynaa midow kale, kaas ayaana la doonayaa inuu marinka u xaadho imaatinka Urur la yidhaahdo ‘Qaramada Midoobay ee Afrika.’ Tan iyo xilligii la abuuray OAU sannadkii 1963-kii, dabcan aniga (Qandaafi) iyo dadka Afrikaanka ahiba ma arki karayno wax horumar ah. Markaa ma doonayno inaanu dib-u-dhac ku sugnaano, balse siday USA u midowday, siday Yurub u midowday, siday Labadii Jarmal u midoobeen, ayaanu anaguna u jecelahay inaanu ahaano Qaramada Midoobay ee Afrika.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Liibiya oo shir-jaraa’id qabtay ka dib markii uu wareejiyay guddoomiyenimadii AU-da. “Waxaan is-waydiinayaa derejadaydii guddoomiyenimada ee aan sannadka soo hayay, sababta oo ah shirar caalamiya oo aan tegay, waxaanu isugu nimi Meles Zenawi, Madaxweynaha Angola, Xoghayaha AU-da, waxaan garan waayay saxaafadii caalamka waxaan u sheegi lahaa. Markaa anigu waxaan ahaa askari difaacayay uun Afrika mudaddaas,” sidaa waxa yidhi Mucamar Al Qandaafi oo hoos u dhigayay meeqaamka qiime ahaan ay AU-du urur ahaan ka taagan tahay dhiniciisa.
Ka sokow, dardaar-werintii Qandaafi, waxa muuqatay in aanay jirin wax badan oo lagu difaaci karayay weerarkiisii, balse Guddoomiyaha cusub ee AU-da oo ah Madaxweynaha Malawi Bingu Wa Mutharika muxuuisku difaacay? “Afrika waa Qaarad Saynisyahanadeedii, Dhakhaatiirteedii, Aqoonyahanadeedii, Injineerradeedii, Xirfad-yaqaankeedii iyo intii isbedel keeni lahayd ee u dhalatayba ay ka kala tageen Yurub, Ameerika iyo……” sidaa waxa khudbad uu ka jeediyay Shir-weynihii Afrika ee Addis Ababa Madaxweynaha dalka Malawi Bingu Wa Mutharika oo markaa la wareegayay jagada Guddoomiyenimada AU-da. Waxaanu intaa raaciyay, “Waa in lays waydiiyaa sida horumar lagu gaadhi karo! Waa inaynu muujinaa sidii ay dib inoogu soo noqon lahaayeen aqoonyahankeena Qaaradda Afrika ka haajiray!” Madaxweyne Bingu Wa Mutharika oo aad u dhibsanayay odhaahyadii Mucamar Al Qandaafi dardar hor leh ayuu ku macasalaameeyay Xarunta AU-da ee uu Guddoomiyaha ka ahaanayo sannadka soo socda. Isla markaana Madaxweyne Bingu Wa Mutharika ayaa loo arkay nin si xamaasad lahayd ugu diyaar-garoobay isbedel uu ku sameeyo qaab-shaqeedka caadiga ah ee ururka iyo waxa uu noqon doono qorshayaashiisu sannadkan.
Soomaaliya indho sidee ah ayaa sannadkan lagu eegay?
Shir-weynihii sannadkan oo ahaa kii 14aad ee AU-da ayaan arrinta mashaakilaadka Soomaaliya ka taagan loo abaarin sidii ay rajaynayeen dalalka qaarkood, isla markaana taas bedelkeeda waxa diirada la saaray dalal kale oo nabadgelyada iyo amaanku aanu cago fiican ku taagnayn. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa hadana sanadkan 2010-ka waxa laysla qaatay inuu ahaado sannad ku magacaaban nabadgelyada iyo xasilinta amaanka guud ee qaaradda Afrika.
La soco……………..
Somaliweyn Media Center (SMC)
English News
Today's
News 20-January-2010 |
OCHA Somalia Performance Survey (Read
more) 20-Jan-2010
Puntland lawmaker shot dead in Bosasso overnight
(Read
more) 20-Jan-2010
Sudanese ambassador denies the rights of servant
(Read
more) 20-Jan-2010
Somali MPs should register in the Refugee Camps
(Read
more) 20-Jan-2010
There is no Island which I have sold, says President Rayale of Somaliland (Read
more) 20-Jan-2010
Puntland state ignores the new Somali currency (Read
more) 20-Jan-2010
Today's
News 19-January-2010 |
Al-Shabab says it has received fighters from Yemen
(Read
more) 19-Jan-2010
Kenyan GSU Police for the second round arrest Somali MPs (Read
more) 19-Jan-2010
Pirates fight over Ransom 3 killed 7 wounded (Read
more) 19-Jan-2010
Islamist in Somalia spares a lady who has gone into adultery (Read
more) 19-Jan-2010
Two Passengers killed 4 others wounded in an ambushed bus (Read
more) 19-Jan-2010
Today's
News 18-January-2010 |
The authority of Puntland retorts Al-Shabab (Read
more) 18-Jan-2010
A man found in incest case stoned to death in Somalia (Read
more) 18-Jan-2010
Kenyan GSU Police detain Somali MPs in Nairobi (Read
more) 18-Jan-2010
Somali pirates tussle over Greek oil tanker ransom (Read
more) 18-Jan-2010
Today's
News 17-January-2010 |
Kenya condemns Al-Shabab of turbulence in Nairobi (Read
more) 17-Jan-2010
Tears for the bleeding Capital and its people: Mogadishu (Read
more) 17-Jan-2010
Today's
News 16-January-2010 |
Somali ambassador to Italy elucidates treaty between Somalia and Italy (Read
more) 16-Jan-2010
Three Media Houses in Somalia simultaneously come under attack (Read
more) 16-Jan-2010
Weekly Humanitarian Bulletin 8 Jan-15 Jan (Read
more) 16-Jan-2010
FSNAU Nutrition Update November (Read
more) 16-Jan-2010
UNHCR Somalia Fact Sheet January 2010 (Read
more) 16-Jan-2010
Somali Community in Birmingham change their status to Danish (Read
more) 16-Jan-2010
A senior Police officer assassinated at Lasanod in Sool region (Read
more) 16-Jan-2010
FINAL PRESS RELEASE: Somalia: As MSF continues life saving activities in Somalia, Belet Weyne hospital hit by a mortar (Read
more) 16-Jan-2010
Today's
News 15-January-2010 |
Eritrean President Afaworki strongly denounces Al-Shabab (Read
more) 15-Jan-2010
Somali President meets with Yemeni ambassador (Read
more) 15-Jan-2010
Italy offers Somalia help urges others to follow (Read
more) 15-Jan-2010
Today's
News 14-January-2010 |
Somali government reiterates governing the whole country in 2010 (Read
more) 14-Jan-2010
Islamists in Bula-Hawo district obligate civilians to vacate government Buildings (Read
more) 14-Jan-2010
Yemen receives 53 Somali refugees amid fears of Qaida infiltrators (Read
more) 14-Jan-2010
Today's
News 13-January-2010 |
President Shariff of Somalia meets his Counterpart Kibaki of Kenyan (Read
more) 12-Jan-2010
Ex-Somali Premier Gedi meets with Ex-President Daniel Arap Moi (Read
more) 12-Jan-2010
Somali Man Is Charged In 2 More Ship Hijackings (Read
more) 12-Jan-2010
Today's
News 12-January-2010 |
Islamist in Kismayo town instructs people to vacate government buildings (Read
more) 12-Jan-2010
Ex Premier warns splitting up between the Somali government (Read
more) 12-Jan-2010
3 kids died in a vicious fire in Mogadishu (Read
more) 12-Jan-2010
Rival Islamists give deadline to residents (Read
more) 12-Jan-2010
|
English News
Today's
News 10-January-2010 |
Baladweyn town falls into the hands Ahlu-Sunnah Waljama (Read
more) 10-Jan-2010
Over 10 children admitted in Baladweyn Hospital (Read
more) 10-Jan-2010
Inappropriateness within the Somali national congress (Read
more) 10-Jan-2010
A ferry has turned to ashes in Bossaso habour (Read
more) 10-Jan-2010
Violence against Journalists Continues in Somalia (Read
more) 10-Jan-2010
Today's
News 09-January-2010 |
An eloper receives 39 lashes on his back (Read
more) 09-Jan-2010
The dead body of a Somali legislator found in a Toilet in Mogadishu (Read
more) 09-Jan-2010
The inhabitants of Garowe town stage Protest against their authority (Read
more) 09-Jan-2010
Gangsters from Somalia hijack a Car from Mandera in Kenya (Read
more) 09-Jan-2010
AU renews Somali peace force mandate (Read
more) 09-Jan-2010
UN aid agencies will not abandon Somalia despite insecurity, says official (Read
more) 09-Jan-2010
THE IMPORTANCE OF FEMALE TEACHERS AND EDUCATION FOR GIRLS (Read
more) 09-Jan-2010
Today's
News 08-January-2010 |
Somalia and the cost of state failure (Read
more) 08-Jan-2010
”Klantänkandet gör oss alla till förlorare” (Read
more) 08-Jan-2010
Weekly Humanitarian Bulletin 1 Jan-8 Jan (Read
more) 08-Jan-2010
AFRICAN GRIEF (Read
more) 08-Jan-2010
Today's
News 07-January-2010 |
Troops conduct landmine excavation operations in the city (Read
more) 07-Jan-2010
Short time combat in the outer edge of Baladweyn town (Read
more) 07-Jan-2010
"Somali pirates should be tried under watch of UN," Turkey says (Read
more) 07-Jan-2010
Media Association of Puntland Welcomes the Release of the VOA Journalist Held in Detention for 17 Days in Puntlnad (Read
more) 07-Jan-2010
Today's
News 06-January-2010 |
“The World Does Not Want Piracy to Stop in Somalia” Says Admiral Qare (Read
more) 06-Jan-2010
Government asks WFP to appraise its Humanitarian suspension in Somalia (Read
more) 06-Jan-2010
A legislator gunned down at Bossaso in Puntland state (Read
more) 06-Jan-2010
U.S. Extends Reevaluation of Security Threats to Yemen and Somalia (Read
more) 06-Jan-2010
Somali Fishermen have rough time with Foreign Vessels (Read
more) 05-Jan-2010
Today's
News 05-January-2010 |
Somali Fishermen have rough time with Foreign Vessels (Read
more) 05-Jan-2010
Today's
News 04-January-2010 |
AU troops cautions Al-Shabab (Read
more) 04-Jan-2010
“The only legitimate Flag in Somalia is the BLACK ONE” says Abuu Mansoor (Read
more) 04-Jan-2010
Condemnation (Read
more) 04-Jan-2010
Today's
News 02-January-2010 |
10 killed in Ferocious fighting in central Somalia (Read
more) 02-Jan-2010
Islamists whip teens watching pornography movies (Read
more) 02-Jan-2010
The Somali government has vowed to fight against Islamists (Read
more) 02-Jan-2010
Attempt to Kill Danish Cartoonist Fails (Read
more) 02-Jan-2010
Somali pirates seize Indonesian chemical tanker (Read
more) 02-Jan-2010
10 killed in Ferocious fighting in central Somalia (Read
more) 02-Jan-2010
Islamists whip teens watching pornography movies (Read
more) 02-Jan-2010
The Somali government has vowed to fight against Islamists (Read
more) 02-Jan-2010
Attempt to Kill Danish Cartoonist Fails (Read
more) 02-Jan-2010
Somali pirates seize Indonesian chemical tanker (Read
more) 02-Jan-2010 |
|