Somali News  
    Heesta Somaliweyn: Hees  
 


Aan u hanbalyayno Golaha Guurtida Somaliland

Mogadishu Sunday 07 February 2010 SMC 

Meel kasta oo ay xummadda iyo xaraaradduba gaadheen, habeenkii Jimcaha hoos-u-dhaceedii ayaa bilaabmay. Ma hoos-u-dhac iyo baad tidhi oo aad aammustay. Xawliga hoos-u-dhacaasi ku socday mar ayaan ka baqay in aynu farxadda iyo reyn-reynta la suuxnaba. Ma habeenkii xalay ahaa! Waa telefishannadii oo gudbinaya odayaashii Golaha Guurtida oo meel ku wada qadaynaya. Hadda qaar baa indhaha marmaranayay oo rumaysan waayay. Maxaa intaa raacay? Waa khudbado gaaggaaban oo jilayaashii Golaha Guurtida ugu mudnaa dadka ugu bushaaraynayaan in ay isku saamaxayaan. Ma sida ay munaasabadda u doorteen? Ma sida ay u dareemeen werwerka iyo walaaca ummadda ku habsaday ee ka dhashay muranka dhexdooda ka aloosmay beryahan ugu danbeeyay! Ma sida cadowgu ugu farxay. Ma sida gacal iyo xigaalba wixii ay Somaliland lahayd uga naxeen.  Alleylehe isha ayay ka rideen. Ka naxow nafta waa. Isku baxa intii murankaa u rixisaay. Haddii ay murankaa cidi ka adeegtay oo alooskiisii ka qayb-qaadatay, inkaarta shacbiga Somaliland idin ku dhacday oo Ilaahay idankii kama kacdaan oo kama soo kabataan. Xasan Ganey iyo hal-abuurka tufka leh aan u rakaabsano oo nidhaahno:

“Dalka kii xumeeyoow,

 Deg-deg oo ha noolaan,

Ma haddii la waayo oo habaarkaasi idin cuskan waayaa, Xasan Ganey ayaanu mar kale ku noqonaynaa, waxaanu leenahay:

“Dagantaad dhacaysaan,

 Waa duul an lagu jirin,”

Hanbalyo dhammaan Golaha Guurtida madax iyo minjaba. Si wanaagsan ayaad ka yeesheen istiqaaladdii Sheekh Axmed Nuux. Sidii ugu fiicnayd ee ugu naxliga yareyd ayaad u maareyseen. Golaha Guurtida dhexdiisa ayaad ku maareyseen iyada oo aanay nac iyo naxli midna ku jirin. Haddii kale waa ay inagaga dheeraan lahayd, faraqyo badanna waa loo yeeli lahaa oo dhinac walba waa laga soo geli lahaa. Nac iyo naxlina kama madhnaadeen. Aan hanbalyayno Sheekh Axmed Nuux. Si wanaagsan ayuu yeelay. Go’aankii wadareed ayuu u hoggaansamay, ballan-qaadna raaciyay. Si loo ducaystana qedo sharafeed la isku beer-xaadhay ayuu ku khatimay oo lagu ducaystay. Qalabka war-baahinta kama aynu maqale, waxaan ku hanweynahay in Sheekhu fadhigiina ku daray oo casuumaddu is-raac ahayd. Hanbalyo iyo hanbalyooyin aan odeyga Saleebaan ah gaadhsiinno. Si mas’uuliyadi ku dheehan tahay oo xilkasnimo leh ayuu u dhaqmay si mowjadaha kacay dal iyo dadba looga muquurto. Diiradda iyo seebka islama seegine si fiican ayuu inoo la dabbaashay.

Aan hanbalyayno jilayaasha kale ee xisbiyada iyo daneeyayaasha kale lahaa. Haa markii xiisaddu ay curatay dhinacyo kala duwan ayay sheekada ka joogsadeen. Baaqyo ayaa laga soo saaray. Shirar jaraa’id oo nac iyo naxliba cokanaa ayaa laga qaban-qaabiyay. Idinkana aan idiin qirno in aad maalmahan danbe naga aammusteen. Xukumimayno ‘baaddinkiinna’ bal se inta ‘daahirkiinna’ nooga muuqatay waa la idinka ammaan helay. Arrinkii arrin Guurti oo faro-gelintu ku yar tahay ayuu noqday. Iyaguna sidii ay ku cel-celiyeen in badan waa kuwaa maaro u helay.

Xaaji Cabdi Xuseen, Dhugad iyo dhammaan xildhibaannada Golaha Guurtidaba aan hanbalyaynno. Noqda kuwii aan shacbiga la kufin…noqda kuwii aan la kadeedmin…noqda kuwii aan la kadmin….noqda kuwii aan kadh-kadh la marin….noqda kuwii kaarkooda iyo xummaddoodaba qiyaasa ee hadba xiisadda ku aloosanta bakhtiiya.

Alleylehe xil ayaad naga furateen. Culays aannaan qaadi karayn ayaad naga dul qaaddeen. Salaaddiin baan isu yeedhan….Culimadii ayaan is-raadsan…indheer-garad baan isu baaqin….ganacsatadii ayaan baadi-goobka ku daalin….barbaartii ayaan baaqyo is-baafin……haweenkii ayaan hayaayda hagoogan….intaas iyo in kale oo badan oo aan soo gurman ayuu xilku idin solay oo aad ummaddan daallan furateen…Sow tii maah-maahda lagu heesay ee hore loo yidhi:

“Haddayn caano daataan,

 Dabadood la qabayaa.”

Maanta dhiilladu waa doorashooyinka baaqday. Waa kuwa waqtigoodii dhow yahay ee qaabka Golaha Guurtida loo soo dooranayaa ka kow tahay. Waa ta Golayaashii Degaanka ee muddo-dhaaftay ee u baahan in dib loo muddeeyo si xeradii iyo xeyndaabkii sharciyadda loogu soo noqdo. Waa doorashada ugu muhiimsan ee shacbiga noloshiisa si toos ah u taabanaysa. Horaa loo yidhi: “Haani gun ayay ka tolantaa.” In ay ka mudnaato mooyaane kama liidato ta Madaxtooyada iyo ta Golaha Wakiillada midna. Ajendaha ku darsada oo sharciyaddeeda dhakhso ha loo maareeyo.

Maanta waxa ay ahayd in aynu isu diyaarinno doorashada Golihii Degaanka ee 2aad. Meersiyo badan ayaynu toli lahayn. Gefaf badan oo aynu hore u soo gallay ayaynu sixi lahayn. Haatanna waxa aynu ku dhow nahay in aynu iskaba illowno doorashadii Golayaasha Degaanka oo doorasho-la’aantoodu wax caadiya iska noqoto. Bal ka warrama haddii ay doorashooyinkuba jidkaa wada qaadaan oo kuwii ay ahayd in la doorto oo ay xeerka dhowraanna inoo aamusaan innaguna inta guul qeyrkeen suntaday kaga gaabinno.

Ha daalina…..ha dakaamina…..daalaa-dhaca iyo deel-qaafba inaga ilaasha…..dedaalkiinnii hore wax ku dara….soo jeeda oo ha seexanina….safafka murmaya ha kala suntannina…..ha la kala soconina….ha u kala soconina…idinkana yaanay idiin kala socon…yaanay idinla kala socon….xil culus baad siddaane ha seexanina….ha salcaamina….sakalaha siyaasadeed…..dabinnada saynsaaban iyo surimmada cidhiidhyoon Ilaahay sibiq idin ku dhaafi

Aan kaga baxo tuduc Timacadde lahaa oo Golaha Guurtida mid ahaantiisa ugu idhaahdo:

“Xilka weyne ku saaranood,

Siddaan guul kugu siinnayoo,

Cadawgaa ma siraato oo,

Taladu kaama sal-guurta oo,

Arrimaa siddahoodana,

Ilaahay kuma seeja oo,

Sidaana waan ku duceeyay”

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale –

Somaliweyn Media Center

English News
Today's News 05-February-2010
Somali Government intends to shutdown several Embassies (Read more) 05-Feb-2010

Galmudug state authority says bilateral talks with Puntland state positive (Read more) 05-Feb-2010

Burundi peacekeepers go on trial for Somali mutiny (Read more) 05-Feb-2010

Today's News 03-February-2010
Ferocious fire in Mogadishu wipes out millions worth of properties (Read more) 03-Feb-2010

Somali bloodshed killed 258 civilians in Jan: UN (Read more) 03-Feb-2010

Kenya tightens security on porous Somalia border (Read more) 03-Feb-2010

Today's News 02-February-2010

كلمة رئيس الجمهورية الصومالية شريف الشيخ أحمد أمام مؤتمر قمة الإتحاد الإفريقي
(Read more) 02-Feb-2010

Hizbul-Islam detains 4 traditional elders (Read more) 02-Feb-2010

Baladweyn airstrip resumes flights (Read more) 02-Feb-2010

Prominent figure in Hizbul-Islam snubs amalgamation between Islamists (Read more) 02-Feb-2010

Somalia pirates release Greek cargo ship (Read more) 02-Feb-2010

Today's News 01-February-2010
Al-Shabab warns Djibouti not to deploy troops in Somalia (Read more) 01-Feb-2010

African Union says Somalia being ignored (Read more) 01-Feb-2010

British hostages: We're being badly treated (Read more) 01-Feb-2010

Spain Calls for Action on Somalia, Discusses Hostages (Read more) 01-Feb-2010

Today's News 31-January-2010
Protest against FGM staged in Abud Waq district (Read more) 31-Jan-2010

Education officer slain in Puntland state overnight (Read more) 31-Jan-2010

Three died in fierce combat in Bula-Hawo district (Read more) 31-Jan-2010

Pres Kibaki calls for UN involvement (Read more) 31-Jan-2010

Today's News 30-January-2010
Somalian government celebrates first anniversary, condemns latest Al shabab attack (Read more) 30-Jan-2010

A ship burnt to ashes in Mogadishu habour (Read more) 30-Jan-2010

Armed bandits ambushed a minibus kill 2 wounded 1 (Read more) 30-Jan-2010

Two Prominent Elders died in crossfire in Haradere district (Read more) 30-Jan-2010

AU troops in Somali sanguinely endorses the extension mandate (Read more) 30-Jan-2010

Schools in Baladweyn town resume lessons (Read more) 30-Jan-2010

Today's News 29-January-2010
Seven hours battle in the Somali capital Mogadishu 20 dead (Read more) 29-Jan-2010

Bandits rape and rob passengers in Somalia (Read more) 29-Jan-2010

China's anti-piracy role off Somalia expands (Read more) 29-Jan-2010

Djibouti says to commit 450 troops to Somalia (Read more) 29-Jan-2010

AU force to stay in Somalia for another year (Read more) 29-Jan-2010

Today's News 27-January-2010
Chieftains in Puntland recommend for swift truce in Hiran region (Read more) 27-Jan-2010

Roadside bombs kill a soldier wound 3 in Puntland (Read more) 27-Jan-2010

Supreme Court Orders two men to be executed in Puntland (Read more) 27-Jan-2010

Eritrea is not involved in the Somali politics, says official (Read more) 27-Jan-2010

Tension between Somali pirates high in Hobyo district (Read more) 27-Jan-2010

Supporting Burundi's efforts in Somalia (Read more) 27-Jan-2010

Seyoum holds talks with British official (Read more) 27-Jan-2010

Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia Marks First Anniversary (Read more) 27-Jan-2010

Today's News 26-January-2010
Kenyan troops Exchange fire with Al-Shabab (Read more) 26-Jan-2010

Commercial boat caught fire in Kismayo (Read more) 26-Jan-2010

USA takes in 6,000 Somali from Uganda  (Read more) 26-Jan-2010

Weekly Humanitarian Bulletin 15 Jan-22 Jan (Read more) 26-Jan-2010

 

English News
Today's News 25-January-2010
Al-Shabab imposes new rules in Learning centers (Read more) 25-Jan-2010

Three policemen perished in a bomb in Lasanod (Read more) 25-Jan-2010

Somalia, Sudan top agenda of OIC meet in Uganda (Read more) 25-Jan-2010

U.S.-Uganda Arms Aiding Al-Shabaab, Says NGO (Read more) 25-Jan-2010

Donors pledge $204m to support Amisom operations (Read more) 25-Jan-2010

Today's News 24-January-2010
Kenyan MP denounces the recent swoop by the Kenyan Police (Read more) 24-Jan-2010

I will soon reach middle Shabelle, says regional commissioner (Read more) 24-Jan-2010

UK students recruited for Somali jihad (Read more) 24-Jan-2010

Today's News 23-January-2010
Government soldiers shot dead son of an eminent comedian (Read more) 22-Jan-2010

Somali government reacts on Amnesty International’s reports (Read more) 23-Jan-2010

Islamist in the Jubbah regions penalise criminals (Read more) 23-Jan-2010

Amnesty international: Press release: Controls on military assistance to Somalia must be tightened (Read more) 23-Jan-2010

Britain botched rescue attempt for Somalia hostages (Read more) 23-Jan-2010

Somalia under scrutiny as security threat - Soccer World Cup 2010 (Read more) 23-Jan-2010

Focus on Human Rights Consequences of Conflicts (Read more) 23-Jan-2010

Today's News 22-January-2010
Top UN delegation lands in Puntland state in Somalia (Read more) 22-Jan-2010

Reuters should correct its erroneous against us says Al-Shabab (Read more) 22-Jan-2010

British couple held by Somali pirates 'fears death in days' (Read more) 22-Jan-2010

Somali terror suspect being sent to halfway house (Read more) 22-Jan-2010

Qalinle Dayib: Somaliska föreningar i Sverige främjar inte integrationen (Read more) 22-Jan-2010
Today's News 21-January-2010
Kenya is envious of Somalis wealth says Ex Kenyan MP (Read more) 21-Jan-2010

OCHA Somalia Performance Survey (Read more) 21-Jan-2010

Today's News 20-January-2010
OCHA Somalia Performance Survey (Read more) 20-Jan-2010

Puntland lawmaker shot dead in Bosasso overnight (Read more) 20-Jan-2010

Sudanese ambassador denies the rights of servant (Read more) 20-Jan-2010

Somali MPs should register in the Refugee Camps (Read more) 20-Jan-2010

There is no Island which I have sold, says President Rayale of Somaliland (Read more) 20-Jan-2010

Puntland state ignores the new Somali currency (Read more) 20-Jan-2010

Today's News 19-January-2010
Al-Shabab says it has received fighters from Yemen (Read more) 19-Jan-2010

Kenyan GSU Police for the second round arrest Somali MPs (Read more) 19-Jan-2010

Pirates fight over Ransom 3 killed 7 wounded (Read more) 19-Jan-2010

Islamist in Somalia spares a lady who has gone into adultery (Read more) 19-Jan-2010

Two Passengers killed 4 others wounded in an ambushed bus (Read more) 19-Jan-2010

Today's News 18-January-2010
The authority of Puntland retorts Al-Shabab (Read more) 18-Jan-2010

A man found in incest case stoned to death in Somalia (Read more) 18-Jan-2010

Kenyan GSU Police detain Somali MPs in Nairobi (Read more) 18-Jan-2010

Somali pirates tussle over Greek oil tanker ransom (Read more) 18-Jan-2010

Today's News 17-January-2010
Kenya condemns Al-Shabab of turbulence in Nairobi (Read more) 17-Jan-2010

Tears for the bleeding Capital and its people: Mogadishu (Read more) 17-Jan-2010

 

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)