Somali News  
    Heesta Somaliweyn: Hees  
 


Baryada iyo baroorta Xasan Daahir iyo bililiqeysiga maliishiyaadka Xisbul Islaam xagee ayaa u dambeyn doonta? (faallo)

Mogadishu Friday 05 February 2010 SMC

Xasan Daahir Aweys oo ahaa sarkaal hore uga tirsanaa ciidamadii xooga dalka Soomaaliya ayaa xiligii dagaalada sokeeye iyo fowdada si aad ah ugu caan baxay in uu shaar diimeed hogaanka dalka ku raadiyo, iyadoo marar badana uu adeegsaday qaabab dadban oo uu ku hiigsanayo hadafka uu leeyahay, waxaana dad badani ay xusuustaan xiligii midowga maxaakiimta islaamiga ah ay xamar ka hirgaleen inuu hadafkiisu ahaa in xoogagaasi taageerada shacabka heystay uu hogaanka u qabto balse waxa caqabad ay ka soo foodsaartay dadkii gadaal ka riixayey dhaqdhaqaaqan oo u arkay Xasan Daahir inaanu ka gadmeyn qeybo badan oo dadka soomaaliyeed ka tirsan sidaana uu fursad ku helay Shiikh shariif oo xiligaasi aan sidaa loo aqoon.

Sheekh Xasan ayaa markaa kadib waxa uu go'aansaday in uu kor ka ilaashado hogaankii maxaakiimta oo uu saadaalinayey mar uun inuu kala wareegi doono Shariifka, waxaase waagu ku baryey kadib isbaheysigii dib u xoreynta in fursad uu helay shariifka oo xiligaasi beesha caalamku ay hooganka la dooneysay, markaas ayey ahayd markii Xasan uu shariifka ku tilmaamay inuu ku biiray koox uu ugu yeeray dowladda ridada, waxaana inta badan Xasan Daahir gurbaan been ah u tumayey rag qurbo joog ah oo qeyb ka qaatay dhismaha xisbul islaam balse markii xabadu xamar dib uga bilaabatay soo kala yaacay, qaarkoodna aad ku arkeyso dariiqyada magaaalooyinka waaweyn ee yurub iyaga oo si nabad ah u dhex mushaaxaya kadib markii xabadda ay ka soo carareen isla markaana dabka ay geliyeen dhalinyaro dalka ku sugan.

Hadii aan u soo laabta cinwaanka qormada ee aan ugu magac daray BARYADA IYO BAROORTA XASAN DAAHIR, Waxa igu dhaliyey inaan qoro kadib markii in badan ideecadaha aan ka dhageystay Sheekh Xasan oo ka hadlaya khilaafaadka iyo dagaalada marmar dhex mara ururka uu hogaamiyo iyo urur diimeedka Alshabaab, waxaana fadeexadii ugu weyneyd ay odayga la soo deristay kadib markii qeyb ka mid ah ururkiisa Xisbul Islaam ay Kismaayo laga saaray kadib dagaal iyaga iyo xoogaga Al-shabaab halkaa ku dhexmaray waxaana Alshabaab ay tilmaamaameen in ninka hogaaminayey kooxdaasi ee Axmed Madoobe uu yahay murtad, waxaana Xasan Daahir uu dhaafi waayey inuu yiraahdo oo kaliya walaalaheen Al-shabaab waa inay na xurmeeyaan, isagoo dhinaca kalena qiraya in Axmed madoobe uu ururkiisa ka tirsan yahay.

Waxa dagaalada ururkiisa lagu qaadayo hareer socday dil qorsheysan oo loo geysanayo saraakiil ka tirsan ururkiisa iyadoo dilkaasina lagu tuhmayo inay geysanayaan rag ka tirsan xarakada Alshabaab, waxaana saraakiishii laga dilay ururkiisa ka mid ahaa kuwo lagu dilay deegaanka ceelasha biyaha oo ah halka ay sida weyn ugu sugan yihiin kooxda uu hogaamiyo xasan Daahir ee la baxay Xisbul islaam, waxa kale ee degmada Tiyeegloow dil loogu geystay sarkaal la yiraahdo Aadan Mursal oo ururkan ka tirsanaa iyadoo intaa oo idil kooxda mr. Daahir uu hogaamiyo ay qirayeen in dilkaasi ay ku tuhmayaan Alshabaab balse ay ka badin waayeen inay baryo iyo calaacal galaan.

Shuuke Cabdiraxmaan Odowaa waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ururka xisbul Islaam waxaana uu si niyad jab ah ugu soo biiray dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif ee uu dagaalka kala soo horjeeday kadib markii nin ay walaalo ahaayeen kana tirsanaa hogaamiyayaasha maliishiyada Xisbul Islaam lagu dilay duleedka muqdisho, waxaana uu ku eedeeyey dilka walaalkii inay ka dambeeyeen Alshabaab isla markaana xisbul Islaam aaney ka hadlin, taasoo loo macneyn karo baqdin ay ka qabaan in kii hadla la bartilmaameedsado.

Xasan Daahir ayaa waagu ku baryey kadib markii garab xoogan oo uu isku haleynayey uuna hogaamiyo Xasan Turki ay ku biireen Al-shabaab kadib markii ay dareemeen in Xasan daahir aaney garabsan karin, marka dagaal uu kaga yimaado dhinaca Alshabaab, waxaana ay is tusiyeen in halka kaliya ee ay ku nabad galayaan ay tahay Alshabaab inay ku biiraan.

Sheekh Xasan Daahir waa uu cambaareeyey talaabadaasi waxaana afkiisa ka soo fakaday eraygii ugu cuslaa ee uu al-shabaab u jeediyo oo ahaa in ay bililiqeysanayaan maliishiyadkiisa, isagoo afka ku maceystay in uu jiro heshiis ay hore u wada galeen isaga iyo Alshabaab oo ahaa in maliishiyooyinka aan la iska bililiqeysan, waxa kale oo hore Xasan daahir uga soo yeertay inay la midoobi doonaan Alshabaab balse taasi waa hirgeli weysay waxaana loo maleynayaa in Al-shabaab ay ku gacan seyreen la midoobida Xasan Daahir oo ay u arkeen inaanu la saanqaadi karin mabadiida cadcad ee Alshabaab, isla markaana ay ku tuhmeen in ururkiisa Xisbul islaam la magac baxay uu ku dhisan yahay maliishiyo beeleed ay isku darsadeen rag ay ka mid yihiin Xasan Daahir, Sheekh Cumar Iimaan, Muuse Caraale iyo Xasan Turki.

Ugu dambeyn Xasan Daahir waxa la gudboon in uu laba meel mid isu dhiibo, labadaasi meelood oo kala ah Alshabaab ama dowladda saaxiibkiisi hore ee Shariif, maadaama Sheekh Xasan uu ku guuldareystay masraxa siyaasada Soomaaliya.

W/Q. Jabril Cabdulle (jabra)

Somaliweyn Media Center

English News
Today's News 05-February-2010
Somali Government intends to shutdown several Embassies (Read more) 05-Feb-2010

Galmudug state authority says bilateral talks with Puntland state positive (Read more) 05-Feb-2010

Burundi peacekeepers go on trial for Somali mutiny (Read more) 05-Feb-2010

Today's News 03-February-2010
Ferocious fire in Mogadishu wipes out millions worth of properties (Read more) 03-Feb-2010

Somali bloodshed killed 258 civilians in Jan: UN (Read more) 03-Feb-2010

Kenya tightens security on porous Somalia border (Read more) 03-Feb-2010

Today's News 02-February-2010

كلمة رئيس الجمهورية الصومالية شريف الشيخ أحمد أمام مؤتمر قمة الإتحاد الإفريقي
(Read more) 02-Feb-2010

Hizbul-Islam detains 4 traditional elders (Read more) 02-Feb-2010

Baladweyn airstrip resumes flights (Read more) 02-Feb-2010

Prominent figure in Hizbul-Islam snubs amalgamation between Islamists (Read more) 02-Feb-2010

Somalia pirates release Greek cargo ship (Read more) 02-Feb-2010

Today's News 01-February-2010
Al-Shabab warns Djibouti not to deploy troops in Somalia (Read more) 01-Feb-2010

African Union says Somalia being ignored (Read more) 01-Feb-2010

British hostages: We're being badly treated (Read more) 01-Feb-2010

Spain Calls for Action on Somalia, Discusses Hostages (Read more) 01-Feb-2010

Today's News 31-January-2010
Protest against FGM staged in Abud Waq district (Read more) 31-Jan-2010

Education officer slain in Puntland state overnight (Read more) 31-Jan-2010

Three died in fierce combat in Bula-Hawo district (Read more) 31-Jan-2010

Pres Kibaki calls for UN involvement (Read more) 31-Jan-2010

Today's News 30-January-2010
Somalian government celebrates first anniversary, condemns latest Al shabab attack (Read more) 30-Jan-2010

A ship burnt to ashes in Mogadishu habour (Read more) 30-Jan-2010

Armed bandits ambushed a minibus kill 2 wounded 1 (Read more) 30-Jan-2010

Two Prominent Elders died in crossfire in Haradere district (Read more) 30-Jan-2010

AU troops in Somali sanguinely endorses the extension mandate (Read more) 30-Jan-2010

Schools in Baladweyn town resume lessons (Read more) 30-Jan-2010

Today's News 29-January-2010
Seven hours battle in the Somali capital Mogadishu 20 dead (Read more) 29-Jan-2010

Bandits rape and rob passengers in Somalia (Read more) 29-Jan-2010

China's anti-piracy role off Somalia expands (Read more) 29-Jan-2010

Djibouti says to commit 450 troops to Somalia (Read more) 29-Jan-2010

AU force to stay in Somalia for another year (Read more) 29-Jan-2010

Today's News 27-January-2010
Chieftains in Puntland recommend for swift truce in Hiran region (Read more) 27-Jan-2010

Roadside bombs kill a soldier wound 3 in Puntland (Read more) 27-Jan-2010

Supreme Court Orders two men to be executed in Puntland (Read more) 27-Jan-2010

Eritrea is not involved in the Somali politics, says official (Read more) 27-Jan-2010

Tension between Somali pirates high in Hobyo district (Read more) 27-Jan-2010

Supporting Burundi's efforts in Somalia (Read more) 27-Jan-2010

Seyoum holds talks with British official (Read more) 27-Jan-2010

Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia Marks First Anniversary (Read more) 27-Jan-2010

Today's News 26-January-2010
Kenyan troops Exchange fire with Al-Shabab (Read more) 26-Jan-2010

Commercial boat caught fire in Kismayo (Read more) 26-Jan-2010

USA takes in 6,000 Somali from Uganda  (Read more) 26-Jan-2010

Weekly Humanitarian Bulletin 15 Jan-22 Jan (Read more) 26-Jan-2010

 

English News
Today's News 25-January-2010
Al-Shabab imposes new rules in Learning centers (Read more) 25-Jan-2010

Three policemen perished in a bomb in Lasanod (Read more) 25-Jan-2010

Somalia, Sudan top agenda of OIC meet in Uganda (Read more) 25-Jan-2010

U.S.-Uganda Arms Aiding Al-Shabaab, Says NGO (Read more) 25-Jan-2010

Donors pledge $204m to support Amisom operations (Read more) 25-Jan-2010

Today's News 24-January-2010
Kenyan MP denounces the recent swoop by the Kenyan Police (Read more) 24-Jan-2010

I will soon reach middle Shabelle, says regional commissioner (Read more) 24-Jan-2010

UK students recruited for Somali jihad (Read more) 24-Jan-2010

Today's News 23-January-2010
Government soldiers shot dead son of an eminent comedian (Read more) 22-Jan-2010

Somali government reacts on Amnesty International’s reports (Read more) 23-Jan-2010

Islamist in the Jubbah regions penalise criminals (Read more) 23-Jan-2010

Amnesty international: Press release: Controls on military assistance to Somalia must be tightened (Read more) 23-Jan-2010

Britain botched rescue attempt for Somalia hostages (Read more) 23-Jan-2010

Somalia under scrutiny as security threat - Soccer World Cup 2010 (Read more) 23-Jan-2010

Focus on Human Rights Consequences of Conflicts (Read more) 23-Jan-2010

Today's News 22-January-2010
Top UN delegation lands in Puntland state in Somalia (Read more) 22-Jan-2010

Reuters should correct its erroneous against us says Al-Shabab (Read more) 22-Jan-2010

British couple held by Somali pirates 'fears death in days' (Read more) 22-Jan-2010

Somali terror suspect being sent to halfway house (Read more) 22-Jan-2010

Qalinle Dayib: Somaliska föreningar i Sverige främjar inte integrationen (Read more) 22-Jan-2010
Today's News 21-January-2010
Kenya is envious of Somalis wealth says Ex Kenyan MP (Read more) 21-Jan-2010

OCHA Somalia Performance Survey (Read more) 21-Jan-2010

Today's News 20-January-2010
OCHA Somalia Performance Survey (Read more) 20-Jan-2010

Puntland lawmaker shot dead in Bosasso overnight (Read more) 20-Jan-2010

Sudanese ambassador denies the rights of servant (Read more) 20-Jan-2010

Somali MPs should register in the Refugee Camps (Read more) 20-Jan-2010

There is no Island which I have sold, says President Rayale of Somaliland (Read more) 20-Jan-2010

Puntland state ignores the new Somali currency (Read more) 20-Jan-2010

Today's News 19-January-2010
Al-Shabab says it has received fighters from Yemen (Read more) 19-Jan-2010

Kenyan GSU Police for the second round arrest Somali MPs (Read more) 19-Jan-2010

Pirates fight over Ransom 3 killed 7 wounded (Read more) 19-Jan-2010

Islamist in Somalia spares a lady who has gone into adultery (Read more) 19-Jan-2010

Two Passengers killed 4 others wounded in an ambushed bus (Read more) 19-Jan-2010

Today's News 18-January-2010
The authority of Puntland retorts Al-Shabab (Read more) 18-Jan-2010

A man found in incest case stoned to death in Somalia (Read more) 18-Jan-2010

Kenyan GSU Police detain Somali MPs in Nairobi (Read more) 18-Jan-2010

Somali pirates tussle over Greek oil tanker ransom (Read more) 18-Jan-2010

Today's News 17-January-2010
Kenya condemns Al-Shabab of turbulence in Nairobi (Read more) 17-Jan-2010

Tears for the bleeding Capital and its people: Mogadishu (Read more) 17-Jan-2010

 

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)