Somali News
    Hees  

Unugyo Al-Qaeda-da wadanka Sudan oo sheegay in ay ku birayan Al-Shabaab

Mogadishu Axad 9 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Unugyo Al-Qaeda-da wadanka Sudan oo sheegay in ay ku birayan Al-Shabaab.

Sida uu qoray wargeska Sudan Tribune, xubno ka mid ah unugyo xag jir ah oo ka dhaq dhaqaqa bariga wadanka Sudan ayaa saraakisha wadankasi waxay soo ogaaden inay qorshenayaan sidii ay ugu soo safri lahayen wadanka Somalia si ay ugu biraan xarakada Al-Shabaab ee Somalia.

Wadaad mayal adag oo Al-Qa'eda-da wadankasi hormud u ah oo qudbad u jedinayay kooxahasi islaamiyinta sudan Abdel-Hay Youssef ayaa shegay in ay qorsheenayaan in dagaal yahanadooda ay u soo diran somalia si ay uga qeyb qataan dagaal uu ku shegay jihaadka ka socda somalia.

Booliska wadanka sudan ayaa shegay in koxdasi ay taba baro ku qaadnayaan deganada konfur bari wadankasi ayna qorshenayaan safari ay ugu soo amba baxayan Somalia.

Kadib markii uu wargeska warkani baahiyay ayaa saraakisha wadankasi waxa ay ku dhaqaqeen hawgalo ka dhan koxahasi waxana ay gacanta kusoo dhigeen 25-qof oo koxo islamiyinta wadankasi kadib dagaal ku dhex maray ciidamada dawlada iyo koxdasi gobolka sanaar ee konfur bari casimada khartuum ee wadankasi sudan.

Barasaabka gobolka Sanar Axmed Cabas ayaa shegay in dagaalka ay ku dhawcmeen 4-ka mid ah ciidamada Booliska wadankasi.

Wadaadka ugu sareeya dhanka diinta wadanka Sudan u wargeska soo xigaanayo Cisaam Al-Bashir ayaa si kulul u canbareyay koxdaasi fikirada ay rumaysan yihiin, waxaana uu shaca ka qaday in arintasi ay tahay mid ka soo horjeda diinta islaamka.

Sanadii tagtay qoys Sudanes ah ayaa shegay in wiil ay dhaleen uu ku geriyoday dagaaladi Somalia kaasi oo ka bar bar dagalamayay xarakada Al-Shabaab.

Shabaab waxa ka bar bar dagaalamaya dagalyahano dibadda ugu yimid kuwasi oo badankoda ay u badan yihiin kuwo ka soo tagay wadamada khalijka iyo Aarada Afrika.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)