|
Waxaa xalay markii saddaxad lagu qabtay Magaaladan Orebro xaflad heer sare ahayd oo lagu soo bandhigay
Örebro Axad 9 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Waxaa xalay markii saddaxad lagu qabtay Magaaladan Orebro xaflad heer sare ahayd oo lagu soo bandhigay
Cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaliyeed iyo Suugan oo ay isla soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Afrik Horn
Cultur Center,Macalimiinta Afka Hooyo iyo Ardada Dugsiyada Sare.
Xafladaaso ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ujeedadeduna ahayd dhiiri gelin,iyo baraarujin sidii bulshada
Soomaliyeed ee qurbaha joogto u ilaashan lahayd dhaqankooda gaarka ay u leeyihiin, waxa ardada ay soo bandhigeen
riwaayad lagu magacaabo Qurba joogow maxaa aragti ku laaban.
Waxaa munaasabadda hadalo ka soo jeediyay Xildhibaan Yuusu Cabdo,Mahdi Warsame Guddomiyaha Jaaliyadda Macalim
Cabdulqadir Shariif iyo Dr. Faadumo Sabti kuwaaso dhalinyarada ku adkeeyay ineyan marna dhaqankoda ka tegin.
Barnaamijka waxa xiriirinayay Farxan Cabdisalam iyo Xafsa Ibrahim ayado qaban qaabada bandhigaan ay qeyn weyn ka
qaaten aradada kala ah Cumar Maxamad,Qaasim M.Cabdulqadir iyo Amiin Yaasin.
Gaba gabadi waxey ku soo dhaamtay sidii loogu tala galay dhamaan intii ka soo qeyb gashana si aad iyo aad ah ayey ula
dhaceen farxadna waa lagu kala tagay.




















Hassan Osman
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|