Somali News
    Hees  

Prof. Cali Maxamed Geedi: "Waan ognahay in Soomaaliya ay joogaan ajaanib argagixiso ah, waxbana lagama qaban karo haddii si wadajir ah looga hortegin"

Mogadishu Axad 9 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Prof. Cali Maxamed Geedi: "Waan ognahay in Soomaaliya ay joogaan ajaanib argagixiso ah, waxbana lagama qaban karo haddii si wadajir ah looga hortegin"

Prof. Cali Maxamed Geedi Ra'iisal Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd oo ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya oo shalay booqday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi oo lagu dabiibayay Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee Xildhibaankaasi oo ku dhaawacmay masjidka Al-Hidaaya ee ku yaala xaafadda Islii.

Waxa uu sheegay Prof. Cali Maxamed Geedi in xaaladda Xildhibaanka ay tahay mid soo wanaagsanaaneysa, isagoona sheegay in qaraxii ka dhacay xaafadda Islii ay Xildhibaanka ka soo gaareen labada lugood oo uu ka jabay iyo firir dhinaca caloosha ka soo gaaray, wuxuuna Ra'iisal Wasaarihii hore sheegay in Xildhibaan Yuusuf markii ay u tageen isaga iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamed Cali Ameeriko uu la hadlayay.

Dhinaca kale Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa kaddib isagoo isbitaalka kula hadlayay warfidiyeenada waxa uu ka warbixiyay xaaladda guud ee ammaanka wadanka Kenya, gaar ahaan falalkii ka dhacayay saddexdii bilood ee u dambeysay wadanka Kenya, wuxuuna Prof. Geedi si toos ah u abaaray in Dowladda Kenya ay wax ka qaban la'dahay amniga darida ku sii kordheysa wadanka Kenya.

Isagoo ka hadlayay dhibaatada nabadgelyo xumo ee ka dhacday wadanka Kenya, waxa uu Prof. Geedi u soo hal qabsaday xaaladda Soomaaliya, oo uu sheegay inay dhibaato baaxad leh ku hayaan kooxaha kam tirsan ururka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

"Waan ognahay in Soomaaliya ay joogaan ajaanib argagixiso ah, waxbana lagama qaban karo haddii aan si wadajir ah looga hortegin" ayuu yiri Ra'iisal Wasaarihii hore oo sheegay in kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya jooga ay khatar u yihiin dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)