Somali News
    Hees  

Wadamada Turkiga iyo Soomaaliya oo wada saxiixday Heshiis la xiriira dhinaca Iskaashiga Ciidamada

Mogadishu Axad 9 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wadamada Turkiga iyo Soomaaliya oo wada saxiixday Heshiis la xiriira dhinaca Iskaashiga Ciidamada.

C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Gashaandhiga Soomaaliya ayaa waxa uu ka war bixiyey heshiis ay isla soo gareen intii uu ku sugna dalka Turkiga dhigiisa dalkaasi, wuxuuna sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid wax ka taraya awooda Ciidamada Soomaaliya.

Wasiirka Gashaandhiga Soomaaliya waxa uu sheegay in dowlada Turkiga uu ahaa mid ku saabsan sidii ciidamada dowlada Soomaaliya loogu furi lahaa tababaro dhinac walbo leh iyo sidii loo qalabeyn lahaa ciidamada Soomaliya.

"Heshiiska waxaa ka mid ahaa in Ciidamada Dowladda Soomaaliya lagu soo tababaro dalka Turkiga, islmarkaana ay qalabeeyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya" ayuu yiri Wasiirka Gashaandhiga Soomaaliya
 
Wasiirka waxa uu sheegay in heshiiska uu la soo gaaray wasiirka gashaandhigga dalaka Turkiga uu dhaqan gali doono marka ay ansaxiyaan Baarlamanada labada dal ee Turkiga iyo Soomaliya isagan dhawaan uu horgeyn doono Baarlamaanka Soomaaliya si ay u ansaxiyaan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)