|
SSE oo cambaaraysay dadkii lagu dilay mudaharaadadii Hargeysa ka dhacay
Mogadishu Axad 9 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

SSE oo cambaaraysay dadkii lagu dilay mudaharaadadii Hargeysa ka dhacay
Dallada SSE oo ay ku bahoobeen Jahliyadaha ama ururada Somaliland ee Yurub waxay ugu horayn hambalyaynayaynaysaa shacbiwaynaha Somaliland sidii qiimaha lahayd ee ay ugu soo baxeen doorashooyinkii golaha degaanka ee dalka ka qabsoomay 28.Nov.2012 ka, iyaga oo saacado badan qoraxda u taagnaa sidii ay xisbiga iyo shakhsiga ay rabaan codkooda ugu dooran lahaayeen.
SSE Waxa ay cambaaraynaysaa Falkii arxan darada ahaa ee 06 iyo 07. Dec.2012 ka dadka shacbiga ah iyaga oo mudaharaad ku muujinaya cabashadooda xabada nool loo adeegsaday.
Waxaan xukumada kula taalinaynaa in ay ka waantowdo adeegsiga rasaasta, maadaama oo aanay dhacdadani ahayn tii ugu horaysay ee dad shacbi ah oo mudaharaadaya xabad lala dhaco.
(Waa in laga hawl galo sidii booliiska loogu helilahaa qalabka rabshadaha lagaga hortago si).
Sidoo kale waxaanu u soo jeedinaynaa cid kasta cabasho qabtaa in ay u marto nidaamka sharci ee aynu dhiganay.
Waxaanu ka codsanaynaa in gudi loo saaro sababta keentay dhimashada iyo dhawaaca intaas leeg iyo sidiin aanay musaqbalka tan oo kale u dhici lahayn.
Waxaanu guud ahaanba shacbiga Somaliland gaar ahaan qaraabadoodii ka tacsiyaynayaa, dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay dhacdadaas naxdinta leh.
SSE Waxa ay guud ahaanba shacbiga Soomaaliland gaar ahaan Gudiga doorashooyinka , xukuumada iyo Ururada cabanayaba ugu baaqaysaa in si wada jir ah nabadgalyada loo ilaaliyo.
Wixii cabasho ahna la isa soo hor fadhiisto oo la iska qanciyo.
(Waa in caqligu shaqeeyaa ee aanay cududu shaqayn)
Tubtaas oo ah ta ay Somaliland halkan ku soo gaadhay, isla markaasina xudunta u ah wadajirta iyo dhawrida qaranimada aynu maanta hadhsanayno.
Alle ayaa mahad leh,
Guddigaa fulinta
Ururka SSE waa dallad ay ku bahoobeen ururadda reer Somaliland ee waddamada Yurub. Waa dallad dhexdhexaad ah oo aan dhinacna raacsanayn.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|