|
Kooxda Monitoring Group oo shaaca ka qaaday inay ka walaacsan yihiin xaalada deegaanada Maamul Goboleedka Puntland
Mogadishu Axad 9 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kooxda Monitoring Group oo shaaca ka qaaday inay ka walaacsan yihiin xaalada deegaanada Maamul Goboleedka Puntland
Markii Al-Shabaab dagaalyahanadooda laga saaray qeybo ka mid ah deegaanada iyo degmooyinka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxa ay maciin bideen intooda badan inay u cararaan qeybo ka mid ah dhulka Buuraleyda ee Maamulka Puntland.
Kooxda Monitoring Group oo ka mid ah Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in iminka ay ka walaacsan yihiin xaalada deegaanada Maamul Goboleedka Puntland ee ku aadan in faraha ay la galaan xaaladihii ka jiray deegaanada iyo degmooyinka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, islamarkaana ay halkaasi ka dhacaan dagaalo iyo qaraxyo.
Monitoring Group waxay sheegtay in loo baahan yahay in laga tashto xaalada Mustaqbalka ee Maamulka Puntland oo haatan si nabad galyo ah dadkiisa ay ku nool yihiin.
Kooxda Qaramada midoobay ee Monitorin Groupka loo yaqaano ayaa sidoo kale waxa ay ku cadeeyeen warbixintooda in Al-Shabaabka Puntland ay taageero maaliyadeed ay ka helaan qaar ka mid ah ganacsatada ka soo jeeda Maamulka Puntland.
Dhanka kale kooxda Monitarin Group ayaa ku soo aadaya xilli ay dagaalyahanada xariirka la leh Al-Shabaab ay ku sii xoogeysanayaan deegaanada buuraleyda ee Galgala halkaasi oo dhawaan lagu xasuusto inay ka geysteen dagaal iyo qarax aad u weynaa oo dhibaato gaarsiiyay ciidamada Maamulka Puntland.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|