Somali News
    Hees  

Ciidamada maamulka Galmudug oo nin ajnabi ah ku qabtay magaalada Gaalkacyo

Mogadishu Sabti 8 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada maamulka Galmudug oo nin ajnabi ah ku qabtay magaalada Gaalkacyo

Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ayaa xalay qabtay nin ajnabi ah xilli uu marayay agagaarka xarunta madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo.

Ninkaan oo aan la ogeyn ilaa iyo iminka dalka uu ka soo jeedo ayaa la sheegayaa inuu ciidamada Galmudug ka diiday inuu istaago, hase yeeshee rasaas ay ku fureen ayaa lagu dhaawacay ninkaasi.

Afhayeenka dowlad goboleedka Galmudug Axmed Baasto ayaa sheegay in ninkaasi ajnabiga ah ee ay qabteen ay xabsiga dhigeen, wuxuuna sheegay inay baaritaano ku hayaan xaaladda ninkaasi ajnabiga ah.

Dhinaca kale maamulka Galmudug ayaa sheegay in ninkaasi ay soo taagayaan maxkamad, iyadoo aanay jirin cid daba socota, isla markaana la baarayo sababta xilliga habeenimada ah uu u socday iyo diidmada awaamiirta ciidamada ammaanka.

Magaalada Gaalkacyo oo labo u qeybsan ayna kala maamulaan Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ku soo badanayay kooxaha ajnabiga ah oo qaarkood xiriir la leh ururka Al-Shabaab ee dagaalada ka wada degaanada Puntland iyo kuwo afduub ahaan loogu heysto degaanadaasi.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)