|
Aafhayeenka ciidamada Booliiska Kenya oo ka warbixiyay qaraxii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalka Kenya
Mogadishu Sabti 8 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Aafhayeenka ciidamada Booliiska Kenya oo ka warbixiyay qaraxii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalka Kenya
Eric Kiraithe oo ah afhayeenka ciidamada Pooliiska Kenya ayaa ka warbixiyay qaraxii ugu danbeeyay ee dalka Kenya gaar ahaan qaraxii xalay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dhacay.
Sarkaalkaan ayaa sheegay inay jiraan xil iska saaris la’aan ka imaaneysa dhanka ciidamada Booliiska ah oo iyagu ilgaar ah ku eegeyn ama aan adkeyneynin ammaanka guud ahaan deegaanada dalka Kenya.
Afhayeenku waxa uu sheegay in saraakiisha ciidamada Booliiska lagu dhaliilayo inay ka dhaga fureysteen inay ammaanka adkeeyaan.
Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya gaar ahaan ciidamada quseeya sugida ammaanka Nairobi ilaa iyo haatan ma hayaan wadadii lagu xaqiijinayay ammaanka, waayo maalin waliba waxaa dhaca weerar qaraxyo ah. waxayna awoodi la’yihiin inay xil iska saaraan adkeynta ammaanka.
Sarkaalkaan ayaa ugu dambentiii waxa uu shaaca ka qaaday in iminka ay bilaabi doonaan la xisaabtan dhanka ammaanka ah waxii haatan ka danbeeya.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|