Somali News
    Hees  

Madaxweyne Xasan Sheekh : ‘’Dowladda Turkiga waa dowlad dooneysa inay si hagar la’aan ah isku bar bar taagto shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda intaba.."

Mogadishu Sabti 8 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Xasan Sheekh : ‘’Dowladda Turkiga waa dowlad dooneysa inay si hagar la’aan ah isku bar bar taagto shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda intaba.."

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyay booqashadii uu ka tagay Dalka Turkiga iyo waxyaabihii ay ka wada hadlleen madaxda dalkaas oo ay ka mid ahaayeen madaxweyne Cabdala Guul iyo ra’iisal wasaare Rajab Dayip Ordugan, Madaxweynaha ayaa sheegay in kulamadii uu la qaatay madaxda dalka Turkiga waxyaabihii ay is kula soo qaadeen uu ugu badnaa qodob quseeya sidii loo sugi lahaa amaanka dalka.

Madaxweyne Xassan ayaa intii uu Turkiga ku sugnaa la kulmay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Turkiga, isagoo ka dalbaday inay gacan ka siiyaan dowladda cusub ee Soomaaliya sidii ay dalka dib u dhis ugu sameyn lahayd dibna loogu soo celin lahaa ammaanka.

‘’Dowladda Turkiga waa dowlad dooneysa in ay si hagar la’aan ah isku bar bar taagto shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda intaba, sidaa daraadeed madaxweynaha dalka Turkiga waxaan ka wada hadlnay sidii loo soo celin lahaa nabad-galyada dalka,’’ ayuu yiri,’’ madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud.

Waxaa uu sheegay in Turkiga ay ku amaanayaa sida ay tusaalaha ugu noqdeen caalamka intiisa kale, waxaana uu sheegay madaxweyne Xassan Shiikh in madaxdii ay is arkeen u balan-qaadeen in ay ka caawinayaan arrimaha kobcinta dhaqaallaha, nabad-galyada, dib u dhiska iyo waliba hormarinta.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in isaga iyo wafdiga la socda ay dib ugu soo laabtaan maanta magaalada Muqdisho, kadib booqasho sadax cisho qaatay oo uu ku tagay dalka Turkiga.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)