Somali News
    Hees  

Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta oo habsami uga socda Muqdisho

Mogadishu Sabti 8 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta oo habsami uga socda Muqdisho

MUQDISHO: Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socda  Horyaalkii 13aad   ee Kubadda Gacanta, waxaana ciyaar aad u kulul isaga horyimid Kooxaha Dekedda iyo Horseed . iyadoo  ay guusha raacday Dekedda oo 14-11 ku quusiyay Horseed.

Ugu horeyn ciyaarta ayaa  waxay ku bilaabatay dardar, iyadoo labada kooxood goolasha ay iska dhalinayeen u muuqdeen kuwo su`aal iyo jawaab oo Koox walba mar ayay shabaqa gool ku hubsatay. Waxaa qeybtii hore u muuqatay mid ciyaarta ay isku dheelitiran tahay.

Qeybtii labaad ayay ciyaarta isbedel sameysay waxaa goolal ku horumar ciyaaryahanada Horseed, Laakiin waqtiyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa fursad helay kooxda Dekedda ka dib markii ciyaaryahano lafdhabar u ahaa Horseed qaladaad ay galeen awgiis looga saaray garoonka sidaasna ay 14-11  Dekedda kulankaas ku soo afjartay.

Waxaa ciyaartan ka xusi karnaa ciyaaryahanadii ugu cadcadaa  dhanka Dekedda  Sayid Cali (Kuukaay), Xamza Xaaji Cabdi iyo Maxamed Cumar, Dhanka Horseed  Libaan  iyo C/Jibaar.

Waxaa ciyaartan xiisaha lahayd  garsoorayay Maxamed Xasan Fiidoow iyo C/raxmaan Suufi Karaama, Dhibcaha waxaa qorayay Cusmaan Cabdi Cusmaan,  Sacaadda waxaa hayay Qaasim Sheekh Maxamuud, iyadoo xeer Ilaaliye uu ahaa C/laahi Xasan Cali {Kuusoow}.

Daawashada ciyaartan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxda Xiriirada GOS iyo mas`uuliyiin kala duwan - waxaana ka mid ahaa Guddoomiyaha XSKG Maxamed  Xasan Xuurshe [Eenoow], Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo), Guddoomiye ku xigeenka XSKK Cali Xasan Cali, Guddoomiyaha NSGSC C/qani C/llaahi Hilowle (C/qani Jeenyo), Kusimaha Xoghaya  XSKG Xasan Maxamed Axmed (Xasanoow), Kusimaha Xoghayaha XSKK Cabdi Cabdulle Basaale, Guddoomiyaha Guddiga Tartamada XSKC Cali Cabdi  Maxamed (Cali Shiino), Xoghayaha Naadiga Dekedda Muqdisho C/llaahi  Maxamed Bashiir {Quattro} iyo Taageeraha weyn Ibraahim Maxamed Qeydaraan (Adoomoow).

INTA KULAN AY CIYAARTAY KOOX WALBA IYO DHIBCAHA:


#


MAGACA KOOXDA


INTA  AY CIYAARTAY KOOXDA


DHIBCAHA AY LEEDADHAY KOOXDA

 

 

1

2

3

4

5

Wadar Guud

1

2

3

4

5

Wadar Guud

1

Heegan

 

 

 

 

 

3

3

3

3

 

 

9

2

Dekedda

 

 

 

 

 

4

3

3

3

3

 

12

3

Horseed

 

 

 

 

 

4

3

3

3

0

 

9

4

Nationlink

 

 

 

 

 

3

0

0

0

 

 

0

5

Dowladda Hoose

 

 

 

 

 

3

0

0

0

 

 

0

6

Fero

 

 

 

 

 

3

0

0

0

 

 

0





Isboorti.com Managing Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-1-5520008/+14434409441
Email:buuna@isboorti.com 
Website:www.isboorti.com
Twitter: @BUUNA2 
Facebook: Click here 

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)