|
Wafdigii uu Hogaaminaayay madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay.
Mogadishu Sabti 8 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wafdigii uu Hogaaminaayay madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
oo saddexdi maalmood ee la soo dhaafay booqasho ku joogay dalka
Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay magaalad Muqdisho ee caasimada dalka
Soomaaliya.
Garoonka Aadan Cadde, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha
waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii soo dhaweysay Gudoomiyaha
Baarlamaanka iyo R/wasaaraha xukumada iyo xubno kale oo ka tirsan
dowlada.
Soo dhaweynta kadib ayuu madaxweynaha saxaafada kula hadlay gudaha
garoonka, waxaana uu ka warbixiyay safarkii uu ku tegay dalka Turkiga
iyo kulamadii uu la soo qaatay madaxda dalkaasi.
Waxaa uu sheegay madaxweynaha dalka intii uu joogay Turkiga inuu
kulamo la qaatay masuuliyiinta dalkaasi sida madaxweynaha, R/wasaaraha
iyo gudoomiyaha Baarlamaanka waxana uu tilmaamay inay ugu
muhiimsanaayeen arimaha ay kawada hadleen dhinaca amaanka iyo sida
dowlada Turkiga ay gacan uga geysn karto dibudiska dalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowlada Turkiga iyo Somalia uu ka
dhacxeeyo xiriir dhow,waxaana uu sheegay in dowladda Turkiga ay
albaabada u furtay dowladda Soomaaliya ayna diyaar u tahay sidii ay
wax waliba uga caawin laheyd.
“Turkiga waxay tusaale u yihiin caalamka, waxayna ballanqaadeen inay
Soomaaliya ka caawin doonaaan dhinacayada, ammaanka, dhaqaalaha iyo
horumarinta guud ee dalka” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhinaca kale madaxweynaha ayaa uga tacsiyeeyay dowlada Kenya qaraxii
xalay ka dhacay afaafkan hore ee masjidka Al-hidaaya,kaasoo uu ku
dhaawacmay Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kimikinji ee magaalada
Nairobi Yuusuf Xasan.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|