Somali News
    Hees  

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Nabadoon Caan ah ku gowracday Dagmada Ceelbuur ee G/Galgaduud

Mogadishu Sabti 8 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Maleeshiyada Al-Shabaab oo Nabadoon Caan ah ku gowracday Dagmada Ceelbuur ee G/Galgaduud

Wararka naga soo gaaraayo Dagmada Ceel buur ayaa sheegaayo in Nin nabaddoon shalay gelinkii dambe lagu dilay degmadaas, waxaana wararka laga helaayo ee sheegayaan in odayga Nabadoonka ah la gowracay.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud Faarax ayaa meydkiisa oo gowracan la soo dhigay meel hal km u jirta degmada Ceelbuur, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan halkaasi.

Cabdi Xasan Maxamed oo ka mid ah saraakiisha maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Galgaduud ayaa dusha ka saaray falka dilka ah ee loo geystay Nabadoonka isla markaana ku eedeeyay in ay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab oo ku sugan Ceelbuur.

Sarkaalka u hadlay Ahlu Suna ayaa sheegay in sababta nabaddoonka loo dilay ay tahay markii uu ku gacan seyray in uu Al-Shabaab u soo ururiyo lacag iyo raashin ay ka dalbadeen.

Nabaddoonka la dilay wuxuu ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee sida aadka ah looga yaqaanno degmada Ceelbuur.wuxuuna dilka loo geystay Nabadoonka noqonayaa

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)