Somali News
    Hees  

Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo cambaareeyay duqeymihii shacabka loo geystay

Mogadishu jimco 7 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo cambaareeyay duqeymihii shacabka loo geystay.

Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa cambaareeyay duqeymihii shacabka loo geystay habeenkii arbacada, iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in dadka oo hurdayay madaafiic lagu garaaco guryahooda..

Bayaan ka soo baxay Culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa lagu sheegay in kooxaha argagaxa dadka ku ridaya ay yihiin kuwo nabada ka soo horjeeda, isla markaana shacabka aanay wax dan ah ka laheyn, inay dhibaato iyo qasaaro u geystaan mooyee.

Culimada ayaa ugu baaqay shacabka inay ciidamada dowladda gacan ku siiyaan sugida ammaanka, isla markaana ay soo sheegaan kooxaha dhibaatada wada, iyo kuwa guryahooda hortooda madaafiicda ka ridaya.

Sidoo kale waxaa ay culumaa'udiinka u jeediyeen hey'adaha amaanka dowladda inay si deg deg ah wax uga qabtaan falalka amni xumo iyo kooxaha shacabka isku qarinaya, sidii ay dibada u soo saari lahaayeen.

Dhinaca kale culumaa'udiinka ayaa cambaareeyay dil habeen hore oday dhaqameed ka mid ahaa soo xulayaashi ergadii ansixisay dastuurka oo lagu dilay Muqdisho, waxaana ay ugu baaqeen dowladda inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii dilka ka dambeeyay.

Ugu dambeyn bayaanka culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa lagu sheegay in shacabka ay u midoobaan sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen kooxaha dhibaatada ku haya, ee u diidan nabada iyo degenaanshaha.



Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)