|
Xulka Kubadda Cagta ee Wadanka Eritrea iyo Dhakhtarkoodii oo dalka
Uganda weydiistay Magangalyo Siyaasadeed
Mogadishu jimco 7 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Xulka Kubadda Cagta ee Wadanka Eritrea iyo Dhakhtarkoodii oo dalka
Uganda weydiistay Magangalyo Siyaasadeed
Xulka kubadda cagta ee Wadanka Eritrea iyo dhakhtarkooda ayaa dowlada
Uganda weydiistay magangalyo siyaasadeed , iyagoo sheegay in haddii ay
dalkooda ku laabtaan ay ka baqayaan inay xaalad khatar ah soo wajihi
karto.
Kooxdan ayaa looga badiyay ciyaarihii dalalka Bariga iyo Bartamaha oo
ka dhacay dalka Uganda, iyadoo kooxda oo la doonayay inay dalkooda ku
laabtaan ay isaga baxsadeen hoteelkii ay deggenaayeen iyagoo ka baqdin
qabay in dib dalkooda loo celiyo.
Xulka kubadda cagta ee dalka Eritrea ayaa niyad-jabay markii looga
adkaaday tartannadii ay la galeen xulalkii ka socday Malawi iyo Rwanda
ayna barbarro la galeen xulkii ka socday dalka Zanzibar.
Ciyaaryahanada Eritrea ayaa lagu waday in Maalintii Arbacada shalay
dib ugu laabtaan dalkooda, balse Axadii ayaa laga waayay hoteelkii ay
deggenaayeen, taasoo shaki weyn gelisay xiriirka kubadda cagta ee
Bariga iyo Bartamaha Afrika oo kulamadan soo qabanqaabiyay.
Xoghayaha guud ee CECAFA, Nicholas Musonye ayaa ku tilmaamay inay wax
aad u wanaagsan tahay in la helay warka ciyaartoydii ka socotay dalka
Eritrea. Isagoo intaa ku daray in wax lala yaabo ay tahay in xulalka
Uganda ay caadeystaan inay dhuuntaan marka ay ciyaarahan oo kale ka
qaybgalayaan, wuxuuna sheegay inay sidan oo kale dhacday sannadihii
2009 iyo 2010.
Dowlada Eritrea ayaa lagu eedeeyaa cadaadis joogto ah oo uu ku hayo
shacabka dalkaas, taasoo loo maleynayo inay keentay in xulka dalkaas
ay ka baqaan in si aan wanaagsanayn loola dhaqmo haddii ay ku laabtaan
dalkooda.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|