|
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Tacsi u direysa ehellada marxuum Sabtow
Mogadishu jimco 7 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Tacsi u direysa ehellada marxuum Sabtow .
Muqdisho – Khamiis 06 Dec 2012- Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay tacsi u direysaa Ehellada,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allah u naxariistee Marxuum Axmed Cabdullaahi Canshuur “Sabtow” oo ahaa Khasnajigii Wasaaradda oo 04-tii bishan December ku geeriyooday Degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho ,halkaasoo mudadii ugu dambeysay noloshiisa uu ku xanuunsanayay .
Marxuum Axmed Cabdullaahi Canshuur “Sabtow” oo da’diisu aheyd 52 sano jir ayaa waxa uu ka mid ahaa howlwadeenada kartida iyo hufnaanta leh , isagoo Wasaaradda ku soo biiray sanadkii 2008-dii , waxaana lagu xasuustaa kaalintii wax ku oolka ahaa ee uu kaga qeyb qaatay shirkii lagu dhisay dowladdii Federaalka KMG aheyd ee lagu qabtay deegaanka Embagathi ee Mgaaada Nairobi sanadkii 2004-tii .
Marxuumka oo ku dhashay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa xilligii dowladdii milatariga kaga mid noqday shaqaalaha dowladda hoose ee gobolkaasi , waxaana uu ifka kaga tagay xaas iyo caruur .
Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,Aamiin… Aaamiin.
INAA LILLAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Fiiro Gaar ah : Fadlan download gareyso lifaaqa war-saxaafadeedka iyo sawirka oo ah :
Midig – Marxuum Sabtow , Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ,Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid , Daahir Cabdulle Calasow “ Daahir yare” iyo Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|