|
Banaanbaxyo Rabshado Xambaarsan oo ka dhacay magaalada Hargeysa
Mogadishu jimco 7 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Banaanbaxyo Rabshado Xambaarsan oo ka dhacay magaalada Hargeysa
Magalaada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland xalay waxaa ka dhacay Qalalaase u dhaxeeya Ciidamada Amaanka iyo dad ka careysan Natiijooyinkii ay soo saareen Gudiga Doorashooyinka Somaliland.
Mudaaharaadyada Rabshadaha watay ayaa xalay waxa ay ka bilowdeen xaafadda (Axmed Gurey), waxaana rabshadahaasi ku dhintay wiil yar oo 8-jir ah kaib markii ciidamada amaanka ay rasaas ooda kaga qaadeen dadkii mudaaharaadayay.
Ciidamada amaanka iyo dadkii ka ka careysnaa natiijooyinka doorashada ayaa la sheegay inay fooda is dareen, waxaana la tilmaamay in ciidamada ay adeegadeen rasaasta noonool halka dadweynaha ay iyana ku tuurayeen dhagxaan.
Shalay galab ayay gudiga Doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqeen Natiijooyinka ka soo baxay Doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee dhowaan Somaliland ka dhacay, waxeyna sheegeen in Xisbiyada Kulmiye, Wadani, iyo Ucid ay ku soo Baxeen Cododkii ay dhiibteen dadka Reer Somaliland.
Kuraasta Golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa ahaa 25 Kursi waxaana Xisbiyadu u kala heleen sidan:
1-Kaalinta koowaad Xisbiga Kulmiye oo helay 7 Kursi
2-Kaalinta Labaad Xisbiga Ucid oo helay cod 4 kursi
3-Kaalinta sadexaad Ururka Wadani oo Helay 4 Kursi
4-Kaalinta Afraadna Ururka Xaqsoor oo helay 4 Kursi
5-Kaalinta Shanaadna ururka Umadda oo helay 3 Kursi
6-Kaalinta Lixaadna Ururka Dalsan oo helay 2 kursi
7-Kaalinta Todobaadna ururka Rays oo helay 1 kursi
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|