|
Hay'adda FAO oo dalbatay lacago lagu tagerayo beralayda Somalia
Mogadishu jimco 7 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Hay'adda FAO oo dalbatay lacago lagu tagerayo beralayda Somalia.
War ay hay,ada dhanka beeraha aduunka magaceda loso gaabiyo FAO ay kasoo saartay magalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa waxa ay ku shaacisay in hay,adu ay u bahan tahay lacago garaya 375milion oo dolarka maraykanka si ay ugu taagerto Somalia sidoo kale waxa ay dalbatay 68-milion dolarka maraykanka ah oo ay ku sii balaarin ayso hawlaheedi 3-sano ee soo socota.
Warka hay,ada FAO ayaa lagu sheegay in Somalia weli ay la daala dhacayso dhibaatadii abarihi ku dhuftay wadanka sanadii 2011-ki.
War saxafadedka FAO ayaa llogu baqay besha calamka iyo hay,adaha deqaha bixiya in ay taageraan beeraleyda wadanka Somalia si loo soo celiyo awoodaha dhanka xirfadaha beeraha wadanka Somalia.
Warkaasi ay soo saartay FAO waxa ku saxixnaa wakilka hay,ada cunada iyo beeraha Somalia Luca Alinovi.
Somalia waxa ay qeyb ka ahayd wadamadii ay ku dhufatay abartii sanadii tagtay ka dilaacday bariga qarada afrika oo dad badan ay ku geeriyoden kuwa kalana ay ku barakaceen.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|