Somali News
    Hees  

Maamulka Goboleedka Puntland oo sheegay in ciidamadiisa uu heegan buuxa geliyay

Mogadishu Khamiis 6 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maamulka Goboleedka Puntland oo sheegay in ciidamadiisa uu heegan buuxa geliyay .

Waxa uu dagaal xoogani uu shalay ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab ku dhaxmaray Buuraleyda Galgala ayaa Maamulka Puntland waxa uu sheegay in ciidamadiisa uu geliyay heegan buuxa.

Khaliif Ciise MudanWasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in heegan buuxa ay galiyeen ciidamadooda, kaasoo uu ku macneeyay inuu yahay mid Puntland ay uga difaacayaan weeraro uga soo wajahan Buuraleyda Galgala.

Waxa uu sheegay wasiirka inay jiraan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo maalmahaan isku aruursanayay Buuraleyda Galgala,kuwaasoo laga yaabo buu yiri inay na soo weeraraan.

Isagoo ka hadkayay qasaarihii ka soo gaaray dagaalkii habeen hore iyaga iyo Al-shabaab dhaxmaray ayaa waxa uu sheegay in 12-askari ay uga dhinteen dagaalkaasi.

Puntland ayaa horay u sheegtay in dagaalyahano fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay u soo guureen buuraha Sanaag, waxana Puntland ay ku hanjabtay inay ciribtiri doonaan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)