Somali News
    Hees  

Qarax goor dhow ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo dhaliyay khasaare xooggan

Mogadishu Khamiis 6 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Qarax goor dhow ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo dhaliyay khasaare xooggan.
 
Bam gacmeed goordhow lagu weeraray ciidamo ka tisan kuwa dowlada oo marayay suuqa Bakaaraha gaar ahaan Dahablaha ayaa waxaa ka dhashay qasaarooyin soo gaaray dad u badan shacab.

Niman dhalinyaro ah ayaa ciidamada ku tuuray bamka, waxaana inta la xqiijiyay ku dhaawacmay bamkaasi dad kor udhaafay 10-ruux, oo shacab ah, waxaana dhaawacyada dadkaasi iminka lagu daadgureynayaa gawaarida Ambalaasta.

Ciidamada nabadsugida oo soo gaaray goobta dhibaatada ka dhacday ayaa waxa ay bilaabeen baaritaano aan kala sooc laheyn oo ay ku qabanayaan cid kasta oo rag ah oo ka agdhow goobta bamka lagula weeraray ciidamada.

Goobaha ay ku badanyihiin ciidamada dowlada ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo aan loo meel dayin, kuwaasoo dhibaatada ugu weyn ay ka soo gaarto dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)