|
Dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho
Mogadishu Khamiis 6 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Rag hubeysan ayaa xalay Bambooyinka gacanta laga tuuro ku weeraray dhisme ku yaala Jidka Warshadaha oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxyadaas ka dhashay khasaare nafeed iyo bur bur hantiyeed.
Dadka degaanka ayaa saxaafadda u sheegay in dhismahaa ay degenaayeen ciidamo ka tirsan nabad sugida dowlada Soomaaliya, ayna kooxaha hubeysan ku tureen gudihiisa illaa labo bam gacmneed.
Weerarkaasi kadib ciidamadii nabad sugida ee xaruntaas degenaa ayaa furay rasaas fara badan waxayna hareeraha dhismahaasi ka bilkaabeen howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii bambooyinkaas ku soo weeraray xaafadooda.
Lama oga khasaaraha nafeed ee qaraxyadaas ka soo gaaray ciidamada dowlada inkastoo dadka degaanka Carafaat ay sheegeen iney arkayeen askar dhaawac ah oo xaruntaas looga qaadayo gaadiid dagaal si goobaha caafimaadka loo gaarsiiyo.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|